Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Abdi Shire Jama '' Ciyaar Jecel'' Arrives in Mogadishu, Banaadir

Recommended Posts

Abwaanka weyn ee Soomaaliyeed Cabdi Shire Jaamac “Ciyaar Jacel” ayaa wuxuu maanta uu soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyuuradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

 

Wefdi uu horkacaayay Agaasimaha Golaha Murtida iyo Madadaalada "National Theatre" Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf, ayaa waxay si weyn Cabdi Shire Jaamac ay ugu soo dhaweeyeen Garoonka Diyuuradaha ee Aadan Cadde.

 

Cabdi Shire Jaamac oo goobtaasi kula hadlay bahda Saxaafadda ayaa wuxuu sheegay in marka hore uu Magaalada Muqdisho uu dib ugu soo laabtay muddo 24 sano kadib ah, isagoona mudadaasi fog sheegay in uu dalka kaga maqnaa dibadda.

 

Mar uu ka hadlaayay sababta uu Magaalada Muqdisho uu ugu soo laabtay ayaa wuxuu ku sheegay in uu dhexda u soo xirtay, sidii uu dhex dhexaadin uga dhex bilaabi lahaa Xubnaha Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya.

 

“Baarlamaanka Soomaaliya waxaad ogsoon tihiin in uu laba garab u kala jabay, marka waxaan doonayaa inaan dhex dhexaadiyo, isku soo dhaweeyo, guul ku soo dhameyno khilaafaadka xoogan ee xilligaan ka dhex jira Baarlamaanka” ayuu yiri Cabdi Shire Jaamac “Ciyaar Jacel”.

 

Arinta xiisaha leh ee dadku ay si cajiib leh u fasirteen ayaa waxay noqotay, markii uu ka digay in dadaalada xilligaan ay wado Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya loogu yeero, “Xilliga Kala Guurka ee Xukuumadda”, ee loogu yeero xilliga Isbadelka ee Xukuumadda.

 

Ciyaar Jacel ayaa wuxuu Ummada Soomaaliyeed uu ugu baaqay inay nabadda qaataan, ayna ka taggaan nin jecleysi iyo hagardaamo, bacdamaa sida uu sheegay ay taasi dib u dhigtay dalka iyo dadka Somaliyeed, ayna niyad ahaan tahay waxaan wanaagsaneyn.

 

Ciyaar Jacel oo halbowle u ah Kooxda Wadaniga ah ee Qaylo Dhaan, ayaa wuxuu sameeyay heeso badan oo xamaasad ku beeray shacabka Soomaaliyeed, isagoona heesahaasi ku beegay dhibaatada dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo dhiigoodu leeskaga baneystay, waxaan macno badan xambaarsaneyn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abwaanka weyn ee kooxda Qeyladhaan Cabdi shire Jaamac “Cayaar Jecel” ayaa Maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, xilli bilihii u danbeeyay ay dalka ku soo Qulqulayeen aqoonyahanno iyo mas’uuliyiin kala duwan.

 

Boqollaal dadweyne ah ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho Waxaa ay maanta si diirran ugu soo dhaweeyeen Labada Abwaan ee kala ah Cabdi Shire Jaamac iyo Maxamed Xuseen Abuukar “Awliyo”

 

Soo dhaweeynta abwaaniinta ayaa waxaa hormuud ka ahaa Maareeyaha Tiyaatarka Cabdi Dhuux, Abwaan Guure iyo fannaaniin farabadan.

 

Maareeyaha Tiyaatarka C/dhuux Yuusuf oo hadallo soo dhaweyn ah halkaasi ka jeediyay ayaa ku amaanay dadaalka ay muujiyeen iyagoo ku sugnaa UK iyo sida wanaagsan oo ay bulshada ula hadleen.

 

Abwaan “Ciyaarjecel” oo la hadlay dadweynihii soo dhaweeynayay ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay in 24 sano kadib uu dib ugu soo laabto dalkiisii hooyo, isagoo tilmaamay in ujeeddada uu u yimid ay tahay in uu gacan ka geysto walaaleeynta ummadda Soomaaliyeed.

 

Imaatinka Abwaaniintan ayaa dhiirigelin u ah jaaliyadaha kale, waxeyna dhanka kale muujineysaa in Muqdisho ay tahay meel nabad ah oo la iman karo, kadib markii dowladda KMG ah ay ku guuleeysatay sugidda abwaanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Fanaanin Soomaaliyeed oo uu horkacayo heesaga caanka ah ee Cabdi Shire Jaamac ayaa maanta ka soo degey garoonka dayuuradaha e Aden Cadde.

 

Fanaaniintan ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey garoonka dayuuradaha iyadoo dadkii halkaas isugu tegey ay ka mid ahaayen fanaaniin badan oo ku nool magaalada Muqdisho.

 

Cabdi Shire Jaamac Ciyaar Jecel oo ka mid ah kooxda Qeylodhaan ee ka dhisan dalka Ingiriiska ayaa u sheegay saxaafada ujeedada booqashadooda in ay la xiriirto sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarinta dalka gaar ahaan sidii loo xallin lahaa khilaafaadka ka dhex taagan baarlamaanka Soomaaliyeed.

 

Waa markii ugu horeysey muddo 24sanadood ah oo uu dalka yimaado fanaanka Cabid Shire Jamac iyadoo uu dalka ka tegey xilli garoonka dayuuradaha ee magalada Muqdisho uu si caadi ah u shaqeynayo, waxana uu sheegey fanaanka in markii uu dalka ka dhoofayay uu raacay dayuuradii Somaliairlines.

 

Maareeyaha Golaha murtida iyo madadaalada Cabdi Dhuux Yuusuf ayaa ka mid ahaa fanaaniinta soo dhoweeyey fanaanka Cabdi Shire Joqle,waxana uu ku amaanay Cabdi Shire sida kooxda Qeylodhaan ay ugaga qeybqaadato horumarinta fanka Soomaaliyeed.

 

"Runtii aad iyo aad ugu faraxsanahay in Muqdisho lagu soo dhoweeyo labo abwaan oo qaali ah, oo nooga yimid dalka dibadiisa, maanta waxaa arki doontaan dareenkii ay dibada ka muujin jireen inay halkan yimaadaan ayna ku muujiyaan dareenkooda"ayuu yiri Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf.

 

Abwaan Cabdi Shire Ciyaar Jecel ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in MUqdisho uu yimaado 24-sano kadib, isagoo xusay in Soomaaliya uu ka tagay 1988-dii.

 

"Aniga sanadkii 1988 ayaa garoonka ka dhoofay, waliba diyaaradii Soomaali Airline ayaa uga dhoofay, waxaan ka maqnaa Soomaaliya 24-sano, maantana inaan dib ugu soo laabto waa ku faraxsanahay"ayuu yiri Abwaan Cabdi Shire Ciyaar Jecel.

 

Kooxda Qeylodhaan ayaa waxa ay ka mid tahay kooxaha farokutiriska ah ee dalka dibadiisa ka dhisan waxana kooxdan ay hore u sameysey heeso badan oo dhinaca wadaniyada ah ayna ka mid yihiin hees ay ka sameeyeen qaraxii Shamo, hees ka hadlaysa baarlamaanka iyo heeso kale.

 

Imaanshaha fanaankan Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ku soo beegantay xilli dhowaan dib loo furay Golihii Murtida iyo Madadaalada ee National Theatre.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this