Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Amison forces arrive in hiiraan

Recommended Posts

Ciidamadii ugu horeeyey ee AMISOM ka socda oo gobolka Hiiraan gaarey

 

Ciidamadii ugu horeeyey ee ka tirsan kuwa AMISOM ayaa xalay gaaray duleedka degmada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

 

Ciidamadan oo ay tiradoodu 300 gaareyso kana socda dalka Jabuuti waxay xalay u hoydeen deegaanka Kalabayr halkaas oo ay kuwa Itoobiya horay fariismo ugu lahaayeen.

 

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in ciidamadan Jabuutiyaanka ah oo kasoo gudbey dhinaca Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya ay soo gaaraan magaalada Beledweyn.

 

Waxaana wararka deegaanadaas laga helayaa ay sheegayaan inay weheliyeen saraakiil ka tirsan ciidamada Faransiiska ee dalka Jabuuti fariisimaha ciidan ku leh.

 

Waa markii 2-aad ee ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ay ka howl galaan meel ka baxsan gobolka Banaadir, todobaadyo kahor ayeyna ahayd markii ciidamo ka tirsan kuwa Uganda ka socda ee AMISOM qaybta ka ahi ay magaalada Baydhabo gaareen.

 

Itoobiya ayaa sheegtay inay ciidamadeeda kala bixi doonto magaalooyinka Baydhabo iyo Beledweyn oo ay Al-shababa horay uga arimin jirtey.

 

Waxaana magaalooyinkaas kala wareegi doona ciidamada nabad ilaalitna ee AMISOM.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this