Sign in to follow this  
kingofkings

Government of Mudug to build new school in Ballibusle

Recommended Posts

Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax iyo Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac ayaa maanta gelinkii hore waxay si rasmi ah dhagax dhig ugu sameeyeen Dugsi sare iyo kuleej isku jira oo ay yeelanayso magaalada Balibusle.

 

Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo loo sameeyay dhagaxdhiga dugsiga sare ayaa ka dhacday gudaha magaalada Balibusle, munaasabadaasi oo ay ka soo qeybgaleen Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax, Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac, Nabaddoono, Waxgarad, Aqoonyahan, Ganacsato, Qurbajoog iyo Dhallinyaro.

 

Gudoomiye xigeenka magaalada Balibusle Fu’aad Abshir ayaa daah furay munaasabada, wuxuuna mahad celin u diray dhamaan ka soo qeybgalayaasha gaar ahaan xubnaha wafdiga ka yimid Gaalkacyo oo uu horkacayo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax, wuxuuna ka soo qeybgalayaasha uu u sheegay in munaasabadu ay tahay mid loogu talo galay in dhagax dhig loogu sameeyo dugsiga sare iyo kuleejka isku jira ee loo qorsheeyay in laga furo dhiso magaalada Balibusle.

 

Shiikh Axmed Maxamed Cali (Garyare) oo ka mid ah Culimaa’udiinka gobolka Mudug ayaa kulanka ka akhriyay Aayaatka Quraanka Kariimka iyo wacdi diini ah oo ka soo qeybgalayaasha xasuusinayay cabsida Alle iyo waajibaadka laga doonayo.

 

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) ayaa hadalka lagu soo dhoweeyay, wuxuuna Gudoomiyuhu si qoto dheer uga faallooday arimaha waxbarashada iyo sida ay muhiimka u tahay in bulshada laga dhiso dhinaca tacliinta, wuxuuna hadalkiisa raaciyey Gudoomiyuhu in uu soo dhoweynayo Iskuulka sare iyo kuleejka is wata ee loo dhisayo magaalada Balibusle.

 

Siciid Cartan oo ka mid ah Guddiga soo qaban qaabiyay mashruucan lagu dhisayo dugsiga sare ayaa wuxuu ka waramay doorka ay tacliintu ka qaadato dhismaha bulshada, wuxuuna si gaar ah uga sii waramay dadaalka ay geliyeen in la helo dugsi sare oo leh kuleej oo laga hirgeliyo magaalada Balibusle.

 

Xaaji Yuusuf Cigaal oo ah Gudoomiyaha Waxbarashada degmada Jariiban oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka hadashay kulanka ayaa u mahad celiyay wafdiga soo gaaray Balibusle, wuxuuna si weyn u soo dhoweeyay iskuulka sare iyo kuleejka laga dhisayo magaalada Balibusle.

 

Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax ayaa soo gaba-gabeeyay munaasabada dhagax dhiga iskuulka laga dhisayo magaalada Balibusle, wuxuuna Islaan Bashiir salaan qiima badan u gudbiyay dhamaan ka soo qeybgalayaasha munaasabada, isagoo intaa kaddib mahad celin u diray dadweynaha magaalada Balibusle oo wafdiga Islaanka si heer sare ah ugu soo dhoweeyay magaalada Balibusle iyo dhamaan dhinacyadii isku soo hawlay oo safarka u soo galay in ay ka qeybgalaan dhagaxdhiga iskuulka.

 

Dhismaha Iskuulka sare iyo kuleejka iswata ee laga dhisi doono magaalada Balibusle ayaa waxaa si rasmi ah u dhagax dhigay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax oo ka mid ah Isimida Puntland iyo Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this