Sign in to follow this  
kingofkings

Power to Puntland

Recommended Posts

siilaanyoSNM.jpg

 

Dawlada Puntland waxay fashilisay khatar aad u weyn oo ku soo socotay Qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan Gobolada Sool iyo Sanaag..

 

Bulshada Soomaaliyeed oo ka soo jeeda Gobolada Sool iyo Sanaag waxay ahaayeen Xornimada ka hor shacab Soomaaliyeed,Xiligii Xornimada la qaatayna waxay ahaayeen Soomaali, labaatankii Sano ee Dawlad la’aanta ahaydna waxay ahaayeen Soomaali ,maantana waxay hormuud u yihiin oo ayna haba yaratee shuruud ku xirayn Qaranimada ,jirtiaanka iyo wada jirka Umadda Soomaaliyeed, Waxayna la mid yihiin Bulshada Soomaaliyeed oo kale oo degan dhamaan Gobolada Soomaaliya.

 

Khatartii ku soo fool lahayd Qaranka Soomaaliyeed oo maamulka Puntland ka hor tegay waxay ahayd Koox guri madow hoosta ka soo xirtay oo doonayay in ay Soomaaliya kal gooyaan.

 

Labaatankii Sano oo aynu soo dhaafnay Maamulka Hargaysa waa diidanaa in ay Soomaali inteeda kale hor fariistaan , hadaba maxaa maanta keenay in iyagu noqdaan kuwii ugu horeeyey oo magcaabay gudigii wada hadalka oo Ka kooban shanta xubnood. Iyaga oo sheegay in ay la hadlaan Dawlada KMG?

 

Maamulka SNM dhawaaqidii uu ku dhawaaqay Shanta xubnood ma ahayn Jacayl ay u qabaan wada hadal ay la galaan Soomaali inteeda kale ,hase ahaatee waxay ahayd arin laga soo shaqeeyey oo ku timid wada hadal aad u dheer oo dhex maray Maamulka Hargaysa iyo qaar ka mid ah dawlada KMG oo lagu doonayey in Soomaaliya lagu kala gooyo

 

 

 

Xubnihii u horeeyey oo Sheekh Shariif magcaabay waxay ahaayeen kuwo laysku af gartay , laguna heshiiyey Wasiirka hogaaminaya wada hadalka dawlada KMG Soomaaliya oo loo doortay ninka aadka ugu dhego nugul maamulka SNM oo ah wasiirka arimaha gudaha Dawlada KMG,laakiinse maamulka SNM waxay isku dayeen in ay hor istaagaan xubin kale oo ah Wasiirka maaliiyada Cabdi naasir Garjeex oo markii danbe labada dhinac ku heshiiyeen in la daayo oo ay cod ahaan uga adkaan doonaan.

 

Maamulka Puntland iyo Madaxweynaheeda Cabdiraxmaan Faroole oo dadka Taariikhda qoraa wax badan ka qori doonaan,laakiinse maanta waxa mudan in looga mahad celiyo magcaabidii uu magcaabay labada aqoonyahan oo ka soo jeeda Beesha ***** degaankooduna yahay Waqooyiga Soomaaliya oo ku khasbay xulafadii Go;aanka ku gaartay guriga madow dhexdiisa in ay fashilmaan iyo in maamulkii SNM oo maalmo ka hor ahaa maamulkii i ugu hor dhawaaqay xubnaha uga qayb gelaya wada hadalka iyaga oo kalsooni buuxda ka haysta Dawlada KMG laga maqlay warbaahinta iyaga oo leh waan ka baxnay wada hadalkii markii ay arkeen labadii xubnood ee Reer Puntland oo xitaa Ergayga gaarka ah ee qaramada midoobey Mahiga markii uu soo gaaray Hargaysa uu fahmi waayey sababta keentay Cabsida faraha badan maamulka hargaysa ka qabaan.Xubnaha ka imanaya Puntland.

 

Bulshada Gobolka Sanaag iyo Sool oo midnimada Soomaaliya Jecel oo aan marna shuruud ku xirin,kuna xiri doonin wada jirka Soomaaliya waxay uga digayaan qaar ka mid ah madaxda Dawlada KMG Soomaaliya oo hal qabsi ka dhigtay hadalkan “Reer Waqooyi Lixdankii ayaa calanka noo keenteen ,anaguna maanta ayaan Xeerada idiin keenaynaa oo ah Isaaqoow waxaad doonaysaan waa idiin samaynayana.ama waa idiin sadburinaynaa ee ka soo adkaada *****ga waqooyiga.

 

Ugu danbayntii Warabaahinta Soomaaliya maalmahan danbe mucaaradka ugu weyn iyo xulafaysiga ugu xoogani waa labada xubnood oo ka soo jeeda Beesha ***** oo ka qayb gelaya shirka wada hadalka Caalamku ugu baaqay Soomaaliya . Arintan ayaa marka aad daawato Telefishanada Soomaalia ama aad dhegaysato Idaacadaha ku hadla afka Soomaaliga sida ay uga qaylinayaan kuwii nacabku dilooday oo xulafada ku ah xumaanta ayaa waxaad ku oganaysaa in labada xubnood oo Puntland magcawday ay yihiin aqoonyahandii i ugu mudnaa oo Beesha ***** ergo ahaan u dirsato, iyaga oo aaminsan in Qaranimadii Soomnaaliya ay ilaalin doonaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Xaaji Xunjuf;824414 wrote:
King of Kings adigu manad gooni goosad ahayn wamaxay midnimadan iyo waxan aad ka sheekeneysid:D

I must agree with xaji as much I dont want too but after reading puntland constitution illahi baan kugu dharshe weliga ma aragtay state government dastur noocas oo kale leh. War illahi aanu ka baqno. There were even terms "defending puntland national interest" iyo kelmadyo aad moodiid inaanu nahay dal gooni goosad ah.

 

I think ngogne really summed it well

 

I said it before and I say it again, PL's entire being was positioned so as to get the best of both worlds. Should Somalia get fixed, PL will be right in the centre of things and, should SL get its recognition PL will also be well prepared to follow suit and ask to be recognised too. Waa hadal cad, saaxib.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Xaaji Xunjuf;824427 wrote:
Dr osman that's not all what about the Puntland citizenship part.

I give my dues if ppl make a valid argument. I think ngonge summed up puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

King its bit hard to explain we are federal and believe in 1 somalia yet have our own central bank, constitution, military, intelligence services, flag, anthem, parliament, government, for god sakes its confusing and thats the honest truth runta lagama ordo, its need to be confronted head-on. We need to stop saying what we are for a change and implement it.

 

Waxan ahay federal lakin la soo shir qadana state presidents and parliaments around the world ma war ba waxaas. We are in the wrong in this instance we need to make OUR policies CLEAR and stop being TWO-FACED about it ama qaladada badan baan ka fahmay federal because we are not behaving like a federal state we are more closer to an autonomous state 1 step away from being a seccesionist

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;824414 wrote:
King of Kings adigu manad gooni goosad ahayn wamaxay midnimadan iyo waxan aad ka sheekeneysid:D

people, all of you are reading too much into this thread. the purpose of this thread is the showcase the power of PL. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this