Sign in to follow this  
Umm al_khair

FADLIGA IYO WANAAGA RAMADAAN

Recommended Posts

FADLIGA IYO WANAAGA RAMADAAN

 

Allah Isaga ayaa iska leh abuuridda iyo doorashada labadaba:

 

Wakhti ayuu wakhtiyada ka doortaa.

 

Saacad ayuu saacadaha ka doortaa.

 

Maalin ayuu maalmaha ka doortaa.

 

Habeen ayuu habeenada ka doortaa.

 

Bil ayuu bilaha ka doortaa.

 

Meel ayuu meelaha ka doortaa sida uu dadkaba qof uga dhex doorto.

 

Ramadaan ayuu Allaah doortay.

 

Ramadaan waa bil uu Allaah ku gaaryeelay fadaa’il fara badan oo aanay bilaha kale la wadaagin.

 

Waxaa la odhankaraa Ramadaan waa hadiyad uu Ilaahay ugu talagalay dadka Muslimiinta ah. Waa waqti gaaban oo haddana ay faa’iidooyinkiisu aad iyo aad u farabadanyihiin.

 

Salafkii iyo dadkii hore ee qiimaha badnaa lix bilood ayay Ilaahay ka baryi jireen in uu gaarsiiyo Ramadaan, lix bilood oo kalana waxay ka baryijireen in uu ka aqbalo cibaadadii ay Ramadaan suubiyeen.

 

 

 

Halkan kumasoo koobi karno, waxaase ka mid ah fadaa’isheeda:

 

1. in ay tahay bishii uu Allah soo dajiyey qur’aanka kariimka ah. Runtii waa fadli aan la qiyaasi karin soo dajinta qur’aanka iyo bilaabashad risaaladii rasuulkeenna. Waakan habeenkii uu qur’aanku soo dagey lagu magacaabay leylatul-qadr oo ka khayrbadan kun bilood.

 

Wuxuu Ilaahay yidhi:

waxaa la idinku faral yeelay soon…… Waa bisha Ramadaan ee Qur’aanka lasoo dajiyey, isagoo dadka hanuun u ah iyo aayado cadcad oo hanuun iyo kala saarid xaqa iyo baadilka ah}

 

2. Waa bishii uu Ilaah soonkeed inagu faral yeelay, uuna Ilaahay cibaadadaas weyn u doortay.

 

3. Waa bishii towbadkeenka, Alle u noqoshada iyo danbi dhaafka.

 

Wuxuu nabigu SCW yidhi:

(Qofkii Ramadaan sooma isagoo rumaysan ajarna ku xisaabtamaya; waxaa loo dhaafaa wixii danbi ah ee uu horay u galay)

 

Waxa danbi dhaaf kaasoo kale ah iska leh, qofkii la yimaada Qiyaamu Ramadaan iyo qofkii salaatuleyl u kaca habeenka Leylatul-qadriga.

 

4. Waxaa Ramadaanka ku jira habeenka Leylatul-qadr, oo uu Allah ku tilmaamay inuu yahay habeen aad u fadli badan, Nabiguna uu ku sheegay in loo danbi dhaafayo qofkii habeenkaas haleela isagoo salaad iyo cibaado ku mashquulsan.

 

5. Naarta ayuu Allaah albaabada u xiraa, Jannadana albaabada ayuu u furaa, Shaydaanka ayaa jeelka la dhigaa, jeebbooyinkana waa lagu adkeeyaa; taasina waxay qofka muslimka ah u suura-galinaysaa in uu bishaasi fadliga badan ka faa’iidaysto.

 

wuxuu Nabigu (SCW) ku leeyahay:( Markii Ramadaan uu yimaado waxaa la furaa albaabada jannada, waxaana la xiraa albaabada Naarta, Shayaadiintana waa la jeebbeeyaa {silsilado ayaa lagu xiraa}) Sheekh Tirmidi wuxuu intaas ku daray: ( Waxaa la yidhaahaa: Qofkii khayr doonayoow soo jeeso, kii shar doonayoowna sii jeeso)

 

6. Waa bishii adkaysiga iyo sabirka. Waxay culimadu yiraahdaan: ma jirto cibaado uu sabirka iyo adkaysigu uga dhexmuuqdo sida uu soonka uga dhexmuuqdo.

 

7. Waa bishii deeqsinimada iyo sama-falka. Nabigu (SCW) wuxuu ahaa kan dadka oo idil ugu deeqsisan, wuxuuna ugu sii deeqsisanaa markii ay bisha Ramadaan soo gasho, wuxuu khayrka uga dheerayn jirey dabaysha la diray

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

JZK yaa Ummul Kheir, Allaha naga aqbalo soonka iyo istaagga habeenkii, Allaha noo wada damibi dhaafo, naguna dheeho naxariistiisa, nagana yeelo kuwii laga xoreeyay cadaabta naarta bishan barakeysan, Amin.

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this