Sign in to follow this  
kingofkings

Anti-peace group

Recommended Posts

indhacade.jpg

 

Raisawasaraha Soomaaliya DR. Cabdiwali Gaas ayaa isaga oo ka hadlaya Dastuurka Soomaaliya waxa uu sheegay in Dastuurka Soomaaliya noqon doon miy umadda Soomaaliyeed loo samayn doono

 

 

“ Dastuurkan waxaa iska leh Shacabka Soomaaliyeed, sida rag, dumar, caruur iyo waayeelba. Haddii aan u isticmaalno si sax ah, una xafidno si sax ah, una horumarino si sax ah, waxuu noqon karaa mid awood leh oo si guud nooga xorreeya caddaadiska, xad-gudubyada xaquuqul insaanka iyo mid noo dhowra dhamman sharafta ummadda Soomaaliyeed. U isticmaalidda sida saxda ah, waxey kaloo noo horseedeysaa xornimo dhameystiran, horumar dhaqaale iyo barwaaqo.” Ayuu ku soo gabogabeeyey Ra’iisul Wasaarahu.

 

“Nasiib darada jirtaa waxaa weeye Dadka mucaaradaya dastuurka qabyada ah, boqolkiiba 99 maba garanayaan waxyaabaha uu qorayo mana haboona qofku inuu wax iska diido isagoo aan aqoon u laheyn waxa uu diidayo” ayuu intaa ku daray raisul wasaare Gaas oo la hadlayey idaacada VOA.

 

Umadda Soomaaliyeed oo dhan oo jecel demoqraadiyada ,nabadda ,kala danbaynta ,horumarka iyo in laysu cesho hantida la kala haysto iyo horumarka way soo dhoweeyeen dastuurka qabyo qoraalka oo bilowga ah,hase ahaatee ********tii qarankii Soomaaliyeed horey u bur burisay labaatankii Sano oo aynu soo dhaafnayna dalku ka degi waayey iyaga oo dalka soo marsiiyey wejiyo badan sida Jabhado,Qabqablayaal dagaal.Maxaakiim,Muqaawimo,Garabka Asmara IWM waxay iyagu bilaabeen in ay ka hor yimaadaan Nabadaynta Soomaaliya.

 

Gudoomiyaha Odayaasha Dhaqanka H. Maxamed Xasan Xaad oo aad u soo can baxay xilligii uu mucaaradka ku ahaa Allah ha u naxariistee Dawladii Mudane Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf ayaa yiri sidan “Waxa meesha [dastuurka] ku yaal waa aragnay, waxaa ka mid ah inaan la sheegin madaxweynah iyo raysul wasaaraha inay Muslimiin yihiin iyo in kale. Sidaasoo kale waxaa la sheegay in jinsiyada Soomaaliya shan sano lagu qaadan karo oo iyadaa khalad kale ah” ayuu yiri Xaad oo intaa ku daray in dastuurka cusub uu horseedayo in dad aan xitaa Muslim ahayn ay Soomaaliya dal iyo dad ahaanba u sheegtaan.

 

Odayga Xaad oo ku hadla magaca Odayada Beelaha H. waxa kale uu sheegay “Xaad wuxuu kaloo ku eedeeyey raysul wasaaraha inuu bilaabay inuu isaga kala shaandheeyo ergada qabiilada ee 135 oday dhaqameed, wuxuuna Xaad sheegay in raysul wasaare Gaas uu rabo in ergada beesha ****** laga saaro dadka aragti ahaan taageersan madaxweyne Shariif.

 

Sidoo kale qabqable dagaal Indho cade oo u shaqeeya sida gabal dayaha oo xiligii jabhada USC ahaa sarkaal,xiligii Maxaakiimta Sheekh,xiligii Sheekh Shariif noqday Sarkaal Ciidan isaguna waxa uu yiri sidan “In aanu jirin qodob sax ah oo ka mid ah dastuurka cusub ee loo samaynayo dalka, waxaana uu qodobada qaldan ka xusay in madaxweynaha DFKMG ee soomaaliya uu xushmad u hayo diimaha kala duwan iyo sidoo kale in dastuurkan cusub lagu kala qeybiyay dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this