Sign in to follow this  
General Duke

ROAD MAP and the end of Transition.....New Parliament + Federal Constitution

Recommended Posts

Afhayeenka Baarlamaanka Somalia oo sheegay in dhawaan la billaabi doono xulidda Xildhibaannada Cusub

 

Axad, Abriil 22, 2012 (HOL) — Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta dib ugu laabtay Muqdisho ayaa sheegay in dhawaan uu ka billaaban doono Muqdisho shirka lagu soo xulayay baarlamaanka cusub ee dalka uu yeelanayo.

 

Shariif wuxuu sheegay in beesha calaamka ay isha ku hayso dhameystira heshiiska Roadmap-ka, kaasoo uu sheegay inuu yahay midka keliya ee looga bixi karo xilliga KMG ah ee muddada lagu soo shaqeynayay.

 

"Waxaan rajeynaynaa in geedid socodka nabadda ee Roadmap-ka laga shaqeeyo sidii uu ku meel mari lahaa, taasoo dadka Soomalaiyeed iyo calaamkaba dan u ah oo aan rajeynayno inay maalmaha dhow billowadaan shirarkii lagu dhameystiri lahaa heshiiskan si loo helo dowlad dadka Soomaaliyeed ka bixisa dhibaatada hadda ay ku jiraan," ayuu yiri Shariiif Xasan.

 

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan oo warfidiyeenka kula hadlayay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa sheegay in sidoo kale ay dhawaan billaabanayso xulidda xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.

 

"Dunida oo dhan waxaa loo han-weyn yahay dhameystirka Roadmap-ka, waxaana ka billaabanaya Muqdisho shirarkii ay isugu imaanayeen 825-ergo si ay u ansixiyaan dastuurka, markaas kaddibna lasoo xulo xildhibaannada baarlamaanka, kuwasaoo soo dooran doona madaxda dalka hoggaamin lahayd," ayuu yiri Shariif Xasan.

 

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay in ciddii ay doortaan xubnaha lasoo xulay ee baarlamaanka Soomaaliya ciddii ay doortaan ay hoggaamin doonto dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

 

Dhanka kale, wuxuu ka hadlay howlgallada ay ciidamada DKMG ah, kuwa Itoobiya iyo kuwa Kenya ka wadaan gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, isagoo sheegay in degmooyin la qabtay la xoojiyo ammaankooda kuwa dhimanna si dhaqso ah loo qabto.

 

Ugu dambeyn, afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya wuxuu Xarakada Al-shabaab ku eedeeyay inay dhibaatooyin ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, ayna dilaan qofkii ay doonaan isagoo shacabka ka codsaday in isku aragti laga noqdo oo meel looga soo wada jeesto.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this