Sign in to follow this  
kingofkings

Puntland Approved the Constitution

Recommended Posts

Goor dhow waxaa magaalada Garoowe kusoo gaba gaboobey aftida loo qaadayo Dastuurka cusub ee Puntland.

 

Dhamaan ergada laga soo xulay gobolada, doladda, qurbejoogta iyo bulshada rayidka ah ayaa ugu codeeyey Dastuurka Haa.

 

Aftida oo u dhacday sidii loogu tala galay ayaa kusoo gaba gabodey guul iyadoo natiijadana uu ku dhawaaqay gudoomiyaha guddiga doorashooyinka ee Puntland.

 

Waxayna cod bixintu u dhacday sidan:

 

Bari 92Haa/ 1Maya

Punsaa 5 Haa

Qurbe-joogta 5 Haa

Dowlada 99 Haa /1Maya

Mudug 51Haa/ 2 Maya

Nugaal 53 Haa

Sanaag 84 Haa/ 2 Maya

Sool 83 Haa

Wadarta guud: 472 Haa / 6 Maya

 

Waa markii ugu horeysey ee ay Puntland yeelato Dastuur cusub oo noocan oo kale ah, Dastuurkan ayaa noqonaya mid Puntland ku haga nidaamka maamulka ee Dumuqraadiga ah iyo doorashooyinka ku salaysan nidaamka axsaabta badan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa maanta si rasmi ah Magaalada Garoowe maanta loogu soo gabgabeeyay Shirkii Afti u qaadista Dastuurka Puntland oo maalmahan doodiisu socotay. 472 xubnood ayaa haa ugu codaysay anisixnta dastuurka Puntland halka 6 qofna ay diiday oo ay maya ku codaysay, waxaana ansixinta dastuurka Puntland goobjoog ka ahaa Madexda Sare ee Dawlada Puntland, Wafuud ka kala socotay Dawlada Federaalka Soomaaliya, Wadamada Talyaaniga, Ethiopia, Yogislavia, iyo qaar ka mid ah hay'adaha Caalamiga ah ka hawgala deegaanada Puntland.

 

Shirka ayaa intii uu socday waxaa masuuliyiintu ka soo jeediyeen khudbado aad u dhaadheer oo la xiriira muhiimada uu dastuurku leeyahay iyo mansabkan cusub ee dawlada Puntland ay gaadhay.

 

Dhamaan ka qaybgalayaashu waxay aad uga hambalyeeyeen dadaalkan dheeraadka ah ee lagu bixiyay hirgalinta qorshan loogu gudbayo habka dimoqraadiyada iyo siyaasadan cusub, waxayna bulshada iyo Dawlada Puntland ugu hambalyeeyeen sida ay uga dhabeeyeen in ay heer wanaagsan gaarsiiyaan siyaasada deegaanka iyo xuquuqda muwaadinka Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this