Sign in to follow this  
Liibaan

Wafuuda Khaatumo State Oo Ka Qaybgashay Shir Lagaga Hadlayo Dastuurka Cusub Ee Somalia-(Sawiro)

Recommended Posts

Liibaan   

 

Khaatumo State Oo Ka Qaybgashay Shir Lagaga Hadlayo Dastuurka Cusub Ee Somalia-(Sawiro)-

Lasanod Online. Tuesday, April 17, 2012

 

 

 

 

 

Nairobi,(lasanod Online)- Waxaa maanta magaalada Nairobi lagu qabtay shir ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Dastuurka Somalia,

 

kaasoo looga tashanayay ka bixitaanka ku meel gaadhka iyo dhammaystirka dastuurka cusub ee qabyada ah.

 

Wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya C/laahi Goodax Barre ayaa sheegay in isaga iyo wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil ay go’aansadeen qabashada shirkan oo uu ku tilmaamay wadatashi.

 

“Shirkaan waxaan u qabannay inaan idin la tashano sidii dalka looga saari lahaa marxalada ku meel gaarka ah, meeshaan dadka isugu yimid waa caqligii Soomaaliyeed” ayuu yiri Goodax.

 

Wasiirka dastuurka iyo dib u heshiisiinta C/raxmaan Xoosh Jibriil oo isna ka hadlay sida ay dawlada uga go’antahay dhammaystirka qorshaha roadmapka ayaa sheegay in aysan jirin wado kale oo Soomaaliya ay uga bixi karto ku meel gaarka iyo faragalinta shisheeye, hadii aan la helin dastuur dhammaystiran oo u dalku yeesho.

 

“Dastuurka dadka ansixinaya waxaa laga soo xulayaa qaybaha kala duwan ee dalka. Maadaama aan afti la qaadi Karin xilligan wadada noo furanna ay tahay midaan kaliya” Ayuu yiri Xoosh.

 

“Waxaan ka codsanayaa dadka aqoonta leh ee dalka badbaadin kara inay ka agdhawaadaan salaadiinta iyo ugaasyada si dadka lasoo xulayo ay u noqdaan kuwo tayo leh oo dalka badbaadiya” ayuu sii raacshay wasiirku.

 

Labada wasiir ayaa hoosta ka xarriiqay in baarlamaanka cusub ee dalka ay soo xuli doonaan madax dhaqameedkii hore ee soo jireenka ahaa.

 

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Gallaydh oo kamid ah xubnaha Khaatumo State ee lagu martiqaaday shirka ayaa sheegay inuu taageersanyahay qorshaha Soomaaliya looga saarayo ku meel gaarka balse uu kasoo horjeedo qaabka wax loo maamulayo.

 

“Dadka lasoo xulayo waxaa la yiri waxaa soo xulaysa Puntland, annagu haddaan nahay Khaatumo ma aqbalayno in ay na matasho Puntland” ayuu yiri Gallayr.

 

Waxaana uu sheegay in Khaatumo ay u taagantahay oo dhiigeeda u daadinayso sidii looga hortagi lahaa kala goynta Soomaaliya.

 

“Dadka reer Khaatumo wuxuu dhiigoodu u qubanayaa waa adkaynta midnimada Soomaaliya, taasna cidna abaal uga dooni mayno” ayuu yiri Gallaydh.

 

Waxaa kaloo isna shirka lagu martiqaaday Cabdikariim Xasan Jamac oo ah xubin kamid ah gudida fulinta maamulka Khaatumo.

 

Shirkii maanta oo ahaa midkii ugu weynaa ee berayahan ka dhaca Nairobi ayaa waxaa isku soo duba riday hay’ada ka shaqaysa arrimaha horumarinta sharciga ee (IDLO).

 

 

 

 

Copyright © 2012 Lasanod.com

 

 

 

SHIRcaliNAIROBI12.jpg

SHIRNAIROBI11.jpg

SHIRNAIROBI13.jpg

SHIRNAIROBI14.jpg

SHIR20NAIROBI3.jpg

SHIR20NAIROBI5.jpg

SHIR20NAIROBI6.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this