Sign in to follow this  
Peacedoon

Rebels fire mortar at Villa Somalia for the third time

Recommended Posts

Madaafiic xalay mar kale lagu weeraray

Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia

Weeraro Hoobiyeyaal ah ayaa xalay markii

saddexaad lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada

Villa Soomaaliya, xilli Madaxweynaha

Soomaaliya Shariif Sheelh Axmed ka maqan

yahay dalka, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn

qasaaraha ka dhashay weerarkaas.

Dad ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegay

in xalay saqdii dhexe dhowr madfac ay soo

dhaceen, hase ahaatee aanay ogeyn qasaaraha

ay sababeen, ha yeeshee madaafiicda oo ahaa

dhowr xabo ayaa qaarkood gudaha ugu

dhaceen xarunta.

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa u sheegay

Idaacad afkooda ku hadashay in dhowr

madaafiic ay la beegsadeen Madaxyooyada, isla

markaana ay gaarayaan tobaneeyo qaarkood ay

xuseen inay gudaha ugu dhaceen.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaafiicda

laga soo ganay dhanka deegaanka Gubta,

inkastoo wararka xoogooda ay tilmaamayaan in

ka hor inta aanay Madaaficida soo dhicin la

weeraray goob Ciidamada ku sugnaayeen oo ku

taal Gubta.

Madaafiicdan lagu garaacay Madaxtooyada ayaa

ku soo aaday markii labaad oo uu dalka ka

maqan yahay Madaxweynaha, iyadoo labadii

jeer ee u dambeeyay madaafiicda qaarkood ku

dhaceen xerooyin barakacayaal ku dhow dhow

Madaxtooyada, kuwaasoo ay ku dhinteen ilaa

tobaneeyo ruux oo ay ku jireen dad isku qoys

ahaa.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca

Saraakiisha dowladda, iyadoo dhowaan

Saraakiisha dowladda ay sheegeen in meelihii

horay looga soo tuuray Madaafiicda ay Ciidamo

geeyeen, lagana saaray meelaha qaar ee

tuhunka ka jiray in madaafiicda lagaga soo gano

ee qeybo ka mid ah degmada Dayniile.

Al-Shabaab ayaa horay u sheegatay weeraro

Hoobiyeyaal ah oo Madaxtooyada ku qaadeen,

iyagoo ku hanjabay in xarumaha dowladda ay

weeraro ceynkan oo kale ah ku qaadi doonaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this