Sign in to follow this  
General Duke

Al/Qaeda-Al Shabaab bloody actors.....

Recommended Posts

Omar-Hamaami.jpg

 

Maxaa ka jira in Al Shabab ay qudha ka jareen Abu Mansuur Al Amriki

Updated About:2 mins ago0

 

Qaar ka mid ah warbaahinta dalka Mareykanka ayaa daabacday warar sheegaya in Xarakada Al Shabaab ay gowracday Omar Hammami oo loo yaqaano Abu Mansuur Al Amriiki.

 

Al Amriiki oo ah muwaadin Mareykan ah kana tirsanaa AL Shabab iyo Al Qacida ayey wararku sheegayaan in qoorta laga jaray 4-ti bishan April sida ay xaqiijisay Koox dabagasho dagaalada waxa galbeedku u yaqaanaan Argagixisada oo xarunteedu tahay Washington, D.C..

 

Abu Mansour al-Amriki, ayaa bishi hore kasoo dhex muuqday video uu ku sheegay inuu naftiisa uga baqayo in ay Al Shabaab dilaan, isaga oo filimkaasina uu ugala jeeday in la badbaadiyo.

 

Al Shabaab ayaa iyaduna war ay soo dhigtay Twitter ku beenisay in nolosha Hammami ay qatar ku jirto.

 

Jimcihi shalay ahaa, war ay soo saartay Machadka American Enterprise Institute Gulf of Aden wuxuu ku sheegay in ay jiraan waarar la isla dhax marayo oo sheegaya in Omar Hammami la gowracay isaga iyo rag kale oo ka tirsan Al Shabaab.

 

Hammami oo ah 27 jir ayaa kasoo jeedo dalka Syria, waxaa dhalay aabe Muslim ahaa iyo hooyo masiixi ah, waxa uu kusoo koray magaalada, wuxuu ka tagay isaga oo dhiganaya jaamacada University of South Alabama, kadibna Mareykanka wuu ka dhaqaajiyey isaga oo u dhamaaday in uu ka agdagaalamo Al Shabaab.

 

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Al Shabaab, oo xaqiijinaya ama beeninaya dilka Abu Mansuur Al Amriki.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this