Sign in to follow this  
kingofkings

PDF Ohio present Improving Health/Technology in PL pic./video

Recommended Posts

Ururka P.D.F Of Ohio oo Yeeshay Kulan Looga Hadlay Horumarinta Caafimaadka iyo Technolijiga PL

 

Sabtidii Lasoo Dhaafay ayaa Ururka Qurbajoogta reer Puntland ee Gobolka Ohio Waxa ay Yeesheen Kulan Ballaaran isla Markaasina Si Heersare ah Loosoo Agaasimay.

 

Kulankan ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Puntland Diaspora Forum of Ohio waxaana Kasoo qeybgalay masuuliyiin ka kala socotay qeybaha bulshada iyo Masuuliyiin ka Socday Gobolka Ohio ee Dalka Maraykanka oo ay ka mid yihiin State Senator of Ohio Charleta Tavares.

 

U jeedada Xafladan ayaa Waxa ay ku saabsanayd horumarinta caafimaadka Puntland iyo Technolojiyada sidii loo horumarin lahaa.

Furitaankii Xaflada ayaa Waxa ka Hadlay Gudoomiyaha Jaaliyada reer Puntland Mr. Burhan Mohamed ahmed oo ka hadley sidii loo horumarin lahaa caafimaadka iyo techolajiyad Puntland iyo sidii loo gaarsiin lahaa baadiyaha iyo Tuulooyinka yaryar iyo sidii dadka aqoonta leh loogu celin lahaa wadanka si ay dadka wax uugu faaideeyaan. Dadkii ka hadley waxay kala ahaayeen:

 

Waxaa Madasha ka Hadlay Key speaker Dr. Abas M Jama, MD waxuu ka hadley Baaritaan la sameeyey oo Puntland caafimaadkeeda ku saabsan Muhiimna u ah shacabka reer Puntland , Dr. Abas mar dhow ayuu wadankii ka yimid wax uu ka soo qabtey

 

Waxaa Isna xaflada ka Hadlay Scott Johnson,(Ngo’s , non govermant and govermant services) Wuxuuna Sharaxaad Dheer ka Bixiyey technoljiyada iyo sida aan ugu faaideysan karno xaga caafimaadka isagoo Tusaalo usoo qaatay Sida ay uga Faaidaysteen Dadka Reer Maraykan.

 

ugu Danbayntii Waxaa Hadalka qaadatay Haweenayda Audrey Peters waxayna ka hadashey Muhiimada ay dumarka leeyihiin iyo sida ay isu garab istaagi lahayd iyo Sidii ay shacabka Soomaaliyeedba u caawin lahayd.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this