Sign in to follow this  
kingofkings

Puntland School Children visit Qaw

Recommended Posts

Ardayda xanaanada Mushkaat oo dalxiis ku tageen Degmada Qaw

 

 

(Qaw):-Maamulka Degmada Qaw ee Gobolka Bari ,waxgarad aqoonyahano qurba joogta deegaankaas iyo qaybaha bulshada ayaa si weyn u soo dhaweeyay ardeyda xanaanda Mushkaat, waalidiin iyo macalimiintooda markii ay halkaasi dhawaan ay dalxiis ku tageen.

 

Ujeedka ardeyda dalxiiska loogu kaxeeyay ayaa ahayd in caruurta xanaanada Mushkaat ay wax ka bartaan bii,ada dhulkooda, dhaqankooda iyo in ay waxbarashadooda ay ku qaataan cimilo iyo hawooyin wanaagsan si farxadooda iyo waxbarashadooda ay u kaabto caruurta wax ka barata xadaanada Mushkaat.

 

Deegaanka Qaw oo qiyaastii 25 KM u jirta magaalada boosaaso ayaa intii lagu guda jiray safarka dalxiiska ayaa waxa ay sii mareen ardada wax ka barta xadaanada Mushkaat baliyo ay biyo fadhiyaan dhir iyo kaymo cagaaran oo ay waliba dhinac ka tahay xeebta bada cas taasoo indhaha iyo maskaxda u roon.

 

Ardeyda xanaanada mushkaat iyo maamulkooda waxaa Qaw ku soo dhoweeyay gudoomiyaha deegaankaasi C/rashiid Xabiib Jaamac oo sheegay inay gacmo furan ku soo dhawaynayaan bahda mushkaat ayna ku faraxsan yihiin in safarkaasi noqdo mid ardeyda garaadkooda wax loogu kordinayo.

 

Mid ka mid ah dadka qurba joogta ah ee hore dalkooda u maalgashtay dhanka beeraha ayaa ka hadlay halka dalxiiska lagu geeyay ardeyda waxaana uu muujiyay sida ay Qaw ugu soo dhaweynayaan ardeyda mustaqbalka Puntland,waxaa uu u mahad celiyeey dhamaan cidii kadanbaysay fikir ka ah in ay ardaydaasi iyo maamulka iyo waliba waalidiinta ay imaadaan magaalada qadiimigaa ee Qaw.

 

Ardeyda Xanaanada Mushkaat aya intii safarka dalxiiska ay ku guda jireen waxaa ay soo bandhiigeen nashidooyiin iyo wax yaabo kale oo ay walidiintii dhalay ay ku riyaaqeen sida codka macaan ee ay u qaadayeen.

 

safarka dalxiiska Qaw waxaa iyagana dareenkooda cabiraya waalidiintii dhalay ardayda xanaanda ee mushkaat oo aad ugu farxay in iyaga iyo caruurtooda ay maanta usoo dalxiis tagaan magaalo xeebeedka Qaw.

 

Maamulaha guud ee xanaanada mushkaat Caasho Axmed Yacquub oo hadalo kooban jeedisay ayaa sheegtay in ay maanta aad ufaraxsanyiihiin safarka ay ku imaadeen Qaw una mahadcelisay dhamaan dadkii soo dhaweyeey iyo walidiinta dhalay ardayada .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Chimera   

kingofkings;816029 wrote:
carurta.jpg

khaw.jpg

More recreation centers for kids should be created, not to forget the old boy/girl scout clubs need to be re-established across the country.

 

What's the feasibility of a medium sized amusement park in Somalia, would it be a success?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this