Sign in to follow this  
kingofkings

Guul iyo Gobonimada Puntland (Part 1)

Recommended Posts

PL Economy

 

63.jpg

 

 

Boosaso Carwada Ganacsiga Puntland Oo Lagu Soo Bandhigi doono Qalab kala duwan iyo Waxyaabaha ka so Baxa dalka Ayaa La filayaa dhawaan in Lagu Qabto Boosaso.

Qabanqaabada Carwadan oo ay ka soo Qaybgalayaan Ganacsato Ka socota dalalka Caalamka ayaa ah mid Si weyn loo Wada dhowrayo.

 

Gudoomiyaha Rugta ganacsiga iyo Warshada Puntland Maxmuud Xayir ibraahim Oo Horkacay Qaban qaabada Carwadan ayaa sheegay in Carwadani Tahay Midii ugu Horeysay oo Lagu Qabto Puntland waxaana uu Bogaadiyay Ganacsatada Puntland sida ay Ugu Soo bandhigayaan Ganacsigooda Carwadan Furmi doonta 15 Bishani May socona doonta ilaa 20 bishani May 2011.

 

Waxaana Carwada oo Furmi doonta Maalinta Axada ah ee soo Aadan Ka muuqanaya Goobta Carwada Bilic soo Jiidaneysa indhaha ruux Kasta oo Halkaasi Taga.

 

Calamo la dhisay Bananka Jaamacada Bariga africa Carawadani Oo ka dhici doonta Xarunta Jaamacada Bariga Africa ee Magalada Boosaso ayaa Waxaa U Diyrgarobaya Dadka ku dhaqan Boosaso Oo Doonaya in ay Ka soo iibsadaan Alaabaha Raqiiska ah Halkaasi Shirkadaha ku soo bandhigayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Al-jabour ship of Lebanon was carried 4500 livestock including herds of cattle and flocks of sheep and goats after business men from Lebanon came in Puntland commercial city Bosaso to discuss with Puntland business men for exporting these livestock..

 

 

 

Zaki-1-2.jpg

zaki-3-2-e1318674387556.jpg

Zako-6-2-e1318674427760.jpg

Zaki-10-2-e1318674477960.jpg

Zaki-8-2-e1318674527888.jpg

Zaki-2-2-e1318674608723.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hay’adda horumarinta beeraha ee CEFA ayaa maanta beeraleyda deegaanka Karin-Boosaaso ku wareejisey labo Kanaal oo loogu tala galay sidii loo tayeyn lahaa waraabka Beeraha.

 

Munaasabadii Kanaaladan lagula kala wareegayey oo ka dhacday xafiiska hay’adda Cefa ayaa waxaa kasoo qayb galay wasiir ku xigeenka wasaarada beeraha iyo waraabka, madaxda ugu sareysa CEFA iyo mas’uuliyiin ka socda Iskaashatada beeraleyda ee gobolka Bari.

 

Ugu horeyn waxaa munaasabadaas ka hadlay Eng. Axmed Cabdiraxmaan Nuur (Dabagaale) oo isagu ah Engneerka dhinaca dhismaha Kanaalada u qaabilsan hay’adda CEFA, wuxuuna ka warbixiyey qaabkii uu dhismaha 2-daas kanaal kusoo bilowday iyo mudadii uu qaatay, isagoo sheegay in dadka deegaanku ay gacanweyn ka geysteen sidii uu mashruucaasi si habasami leh ugu fuli lahaa.

 

Madaxa hay’adda CEFA Dr. Cabdilaahi Xuseen Samatar ayaa isna ku booriyey beeraleyda deegaanka Karin-Boosaaso inay ka faa’iideystaan Kanaalada loo dhisay, isagoo xusay in kormeer joogto ah lagu sameyn doono sida ay u adeegsadaan maadaama la geliyey dhaqaale xooggan ujeedada laga leeyahayna ay tahay sidii tayada beeraha iyo wax soo saarka dalka kor loogu qaadi lahaa.

 

Khaliif Maxamuud Xasan oo kamid ah guddiga beeraleyda deegaanka Karin oo isna munaasabadaas si kooban uga hadlay ayaa u mahad celiyey hay’adda CEFA, wuxuuna tilmaamay in CEFA aysan hay’adaha kale ula mid ahayn madaama ay horay mashaariic waxtar leh ugu sameysey hadana u dhistey labo Kanaal oo *****li doono baahiyo badan oo ay dhinaca waraabka beeraha ka qabeen.

 

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda beeraha iyo waraabka ee Puntland Maxamuud Maxamed Sheekh oo ugu danbeyntii hadalka qaatay ayaa ku dheeraaday sida ay muhiimka u tahay in waxsoosaarka dalka ee ku aadan dhinaca beeraha xoogga loo saaro, wuxuuna mahad balaaran usoo jeediyey hay’adda CEFA, beeraleydana wuxuu ku booriyey in dadaalkooda sii laban laabaan.

 

Labada Kanaal ee ay hay’adda CEFA u dhistay beeraleyda Karin-Boosaaso ayaa kala ah Kanaal dhererkiisu yahay 300m oo laga sameeyey beeraha (Cago) oo isla deegaankaas ka tirsan iyo beeraha Karin ee ku yaal dhianca laamiga xiga oo iyagana loo sameeyey biyo mareen dhererkiisu yahay 500m.

 

Horay hay’adda CEFA waxay dhamaadka sanadkii tegey mashaariic kan lamid ah uga soo fulisey degmada isku-shuban iyo deegaanka (Riyi-heshay) oo qiyaastii 10km dhinaca koonfur-bari magaalada Boosaaso kaga beegan.

 

 

CEFA-Cago-Karin-8.jpg

CEFA-Cago-Karin-11.jpg

CEFA-Cago-Karin-12.jpg

farm06.jpg

farm11.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this