Sign in to follow this  
kingofkings

Garowe Road Construction

Recommended Posts

Waxaa maanta xarigga laga jaray mid kamid ah wadooyinka magaalada Garoowe oo bilihii u danbeeyey dayactir lagu wadey.

 

Mashruuca jidkan lagu dayac tiray ayaa qayb ka ah mashaariicda horumarinta degmooyinka ee JPLG kuwaas oo ay Garoowe kamid tahay degmooyinka laga hirgeliyey .

 

Munaasabadii wadadan xarigga looga jarayey waxaa kasoo qab galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo madax ka socota hay’adaha bixiya dhaqaalaha mashaariicda JPLG-ga.

 

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay duqa degmada Garoowe Cabdicasiis Nuur Cilmi (Koor), wuxuuna mahad balaaran usoo jeediyey hay’daha ku deeqay dhaqaalaha ku baxay masharuuuca wadadan lagu dayactiray.

 

Duqa Garoowe waxa uu sheegay in mashruucani uu ku jiro mashaariicdii JPLG iyo sanadkii 2011, isagoo xusay in wadada maanta xarigga laga jaray ay isku xirto xaafadaha Wadajir, Hodon iyo Waaberi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiir ku-xigeenka 1-aad ee wasaaradda arimaha gudaha, dowladaha hoose iyo horumarinta reer meyiga ee Puntland Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo isagu wadadaas xarigga ka jaray ayaa ugu danbeyntii hadalka qaatay.

 

Cali-Xoosh ayaa sheegay in jidkani uu yahay mid waxbadan ka tari doona horumarka degmada haseyeeshee loo baahan yahay in mashaariicda noocan oo kale ah lasii dardar geliyo si jidadka magaalada oo dhan looga dhigo kuwo hagaagsan.

 

 

 

 

 

Dhegeyso codka duqa Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhegeyso codka Patric

 

 

Patric oo ah madaxa hay’adaha UN-ka u qaabilsan mashaariicda JPLG oo isna munaasabadaas kasoo qayb galay ayaa u mahad celiyey bulshada deegaanka, maamulka degmada iyo shirkaddii la siiyey qandaraaskii jidkaas lagu dayac tiray.

 

Wuxuuna ku booriyey maamulka degmada inay sanad walba sameeyaan howlo noocan oo kale ah si jidadka magaalada looga dhigo kuwo wanaagsan sanado badanna sii shaqeyn kara.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this