Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Maakhirians reject garowe clan enclave attempts in eastern Sanaag and Western Bari

Recommended Posts

Beelaha Dega Bariga Sanaag Iyo Puntland Oo Isku Maandhaafsan Xulashada Guddida Ansixinta Aftida Dastuurka Iyo Deegaamo Laga Qaadacay .

 

Badhan(Ramaas) Mar, 3, 2011- Beelaha dega Bariga gobolka Sanaag, ayaa qaarkood ay ku gacansaydheen in ay deegaamadooda ka dhacdo aftida loo qaadayo dastuurka maamul goboleedka Puntland, iyaga oo diidamadooda sabab uga dhigay saamiga laga siiyay guddida ansixinta .

 

Kulan shalay galab Magaalada Badhan ku dhexmaray odayaasha deegaanka iyo xubno ka socday guddida doorashooyinka Puntland oo uu hogaaminayay Pro Cali Cabdi Xirsi oo ka soo jeeda deegaankaas, ayaa la isku afgaran waayay sida loo xulaya xubnaha deegaanka, waxaana madasha ka dareeray qaar ka mida odayaashii fadhiyay, inkastoo dadka ka qayb qaadanaya dastuurka ansixintiisa jiida Badhan laga dhigay 50 qof.

 

Mid ka mida odayaasha Cabdilaahi Maxamed oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in beeshoodu aanay aqbali Karin saamiga laga siiyay guddida ansixinaysa dastuurka oo dhawaan cod loo qaadi doono.

 

Beeshan Badhan degta ee maakhir waxa la yidhi 50 qof *ku soo dara, taasi ilama aha wax noo qalma, Puntland-na waxa aanu ka nahay waa la yaqaan, oo Somaliland ayaanu uga hiilinay, haddana waxaas ayay leeyihiin qaata” ayuu yidhi Cabdilaahi Maxamed.

Weftiga ka socda guddida dastuurka Puntland, waxa ay iyana dhankooda wadaan kulamo ay la yeelanayaa dhinacyo kala duwan,iyaga oo xulanaya xubnaha ansixinta dastuurka ka qayb qaadanaya ,laakiin haddana waxa jira war-war laga qabo in ay beelaha badankoodu qaadacaan dastuurka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this