Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu: Puntland leaders hold talks with elders as well as electoral committee of the State..

Recommended Posts

.................................................................................................................................................................................................................................................

 

Madaxweynaha Puntland oo Maalintii Sadaxaad Ku Sugan Magaalada Gaalkacyo

 

Updated:- 1 day ago| 4 Commnets

 

Madaxweynaha dawlada Puntland mudane Cabdiraxman Sheekh Maxamad Maxamud “Farole” ayaa maalintii sadaxaad ku sugan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

 

Wafdiga madaxweyne Faroole ayaa ka kooban xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland, Xildhibaano iyo marti sharaf kale oo ka qayb galay aaskii qaran ee madaxweyniihi hore Soomaliya AHN Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo maalintii Axada ka dhacay magaalada Gaalkacyo

 

Madaxweynaha dawlada puntland ayaa intii uu joogay magaalada gaalkacyo waxaa uu kulamo kala duwan la yeeshay Madax dhaqmeedyada gobolka Mudug,waxaana uu kala hadlayay xulitaanka ergada ansixinta dastuurka Puntland.

 

Sidoo kale Madaxweyne faroole ayaa la kulmay qaar ka tirsan saraakiisha ciidamada ee gobolka Mudug waxaana uu kaga xog waraystay xaalada amaan ee gobolka Mudug iyo horumarka ay ka sameeyeen sugida amniga Gobolka.

 

Wafdiga madaxweynaha Puntland ayaa dhanka kale ka qayb galay Shirkii wadatashagiga saxiixayaasha somaliyeed ee Barnaamijka dhameystirka xiliga kala guurka ah ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

 

Madaxweyne faroole ayaa lagu wadaa in uu joogi doono magaalada gaalkacyo inta ka dhiman asbuucan isagoona kulamo la qadan doona Maamulka gobolka Mudug iyo laamaha amaanka ee gobolka Mudug.

 

 

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddiga KMG ah ee Doorashada Puntland oo Maanta Gaalkacyo Kulan Ku Qabtay [sawiro]

 

Updated:- 4 hours ago| 0 Commnets

 

Magaalada Gaalkacyo waxaa maanta ka dhacay kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen maamulka gobolka Mudug, Gudiga kmg ah ee doorashooyinka Puntland, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Gaalkacyo.

 

Kulanka oo ka dhacay hoolka shirarka ee Hotelka Amal Plaza ayaa waxaa kasoo qayb galay Gudoomiyaha gobolka Mudug iyo ku xigeenkiisa , xubno ka tirsan guddiga doorashooyinka ee Puntland, sidoo kale waxaa kulankaas kasoo qayb galay xubno metelayey qaybaha kala duwan ee bulshada sida: Isimada, Aqoonyahanka, Dhalinyarada, iyo Ururada haweenka.

 

Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusf Jaamac ayaa kulanka furay, isagoo sheegay in maamulka gobolka Mudug iyo bulshadaba ay sharaf u tahay in gudiga doorashooyinku ay markii ugu horeysey la kulmaan, wuxuuna uu uga mahad celiyey mas’uuliyiinta guddigaas ka tirsan ee magaalada Gaalkacyo soo gaarey safarka dheer ee ay soo galeen iyo dadaalka ay ku bixinayaan danta guud ee bulshada.

 

Gudoomiyaha gobolka Maxamed Yuusuf ayaa ku booriyey bulshada inay dowlada ku tageeraan talaabo walba oo ay qaado taas oo ay u arkaan inay dalka iyo dadkaba horumar u horseedi karto,

 

Mudane Tigey wuxuu isaga oo hadalkiisa sii wata sheegay in bulshada laga rabo inay meel uga soo wada jeensato cid walba oo ay u aragto inay horumarkooda caqabad ku tahay, wuxuuna ku goodiyey in maamulka gobolku uu gacan bir ah ku qaban doono cid walba oo loo arko inay horumarka kasoo horjeedo.

 

Intaas kadib waxaa hadalka qaatay Cabdi risaaq Shoole oo ah xubin ka tirsan guddiga kmg ah ee doorashooyinka Puntland wuxuuna ka warbixiyey ujeedada ay kulankan usoo qaban qaabiyeen, isagoo sheegay in ay tahay sidii bulshada loogu wacyi gelin lahaa ka qayb galka nidaamka doorashooyinka loona fahan siin lahaa qaabka ay doorashooyinka Puntland ka dhacayaa noqonayaan.

 

Sidoo kale Shoole waxaa uu sharaxaad dheer ka siiyay bulshada dastuurka dawlada puntland ee dhawaan lagu ansixin doono magaalada Garoowe iyo qaabka loo soo xulay ergada ma talaysa gobolka Mudug ee ka qaybgalaysa afti u qaadidadastuurka .

 

Sheekh Cumar Dheere oo isna ku hadlayey magaca Culimaa’uddiinka ayaa sheegay in Dastuurku uu yahay heshiis bulsho oo ku salaysan diintooda iyo dhaqamada gaarka ah ee ay leeyihiin, Sheekhu wuxuu xusay in qaadashada dastuurka aanay dhibi ku jirin hadii uu yahay mid aan diinta ka hor imaanayn, balse hadii uu yahay mid shareecada garab marsan aan sinaba loo ogolaan doonin.

 

Maxamed Cabdulqadir Nuur ( Dirir) oo ah madaxa guddiga kmg ee doorashooyinka Puntland ayaa oo soo xiiray kulanka ayaa isna ku booriyay bulshada in ay ka qayb qataan barnaamijka hayaanka dimoqraadiyada ee ka socda puntland isagoo sheegay in loo baahan yahay bulshadu in ay ka guurto nidaamka qabiiliga ah ee haatan Puntland ay ku jirto.

 

Kulanka ayaa ahaa mid balaaran waxaana ka hadlay mas’uuliyiin kale oo ay kamid ahaayeen ururka haweenka ee gobolka Mudug, ururka dhalinyarada ee gobolka , Nabadoono, iyo mas’uuliyiin kale oo badan, waana markii ugu horeysey tan iyo markii la asaasy guddiga kmg ee doorashooyinka Puntland 7/2011 oo ay kulan noocan oo kale ah la qaataan maamulka iyo bulshada magaalada gobolka Mudug.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this