Sign in to follow this  
kingofkings

Madaxda Somalia oo qodobo kasoo saarey Galkacayo

Recommended Posts

Shirka wada tashiga saxiixayaasha Somalida ee barnaamijka dhmeystirka geedi u socodka xiliga kala guurka ah.

 

Warmurtiyeed

 

Galkacayo 26 March,2012

 

Shirkii wadatashagiga saxiixayaasha somaliyeed ee Barnaamijka dhameystirka xiliga kala guurka ah ayaa maanta oo bishu tahay 26 March,2012 lagu qabtey magaalada Galkacayo.

 

Shirka waxaa marti galiyey dowlada Puntland waxaana fududeeyey xafiiska ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobey u qaabislan Somalia.

 

Shirka waxaa kasoo qayb galey saxiixayaashii geedi socodka barnaamijka dhameystirka xiliga kala guurka ah oo ay kamid yihiin mudane sheekh Shariif Sheekh Axmad Madaxweynaha dowlada federaalka KMG ah ee Somalia, mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan Gudoomiyaha Barlamanka Federaalka KMG ah, mudane Cabdiweli Maxamad Cali Ra'isal wasaaraha xukumada dowlada Federaalka ah KMG ah, Mudane Cabdiraxman Sheekh Maxamad Maxamud "Farole" Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdisamad Cali Shire Madaxweynaha ku-xigeenka Puntland, Mudane Cabdisamad Nuur Guuleed Madaxweyne ku-xgeenka ahna ku-simaha Madaxweynaha Galmudug, Sheekh Maxamad Maxamud Yusuf "Libaax" oo matalaya Ahlu-Sunaha Waljamaca iyo danjire Augistin Mahiga ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobey u qaabislan arimaha Somalia.

 

Iyadoo laga ambaqaadayo xaalada siyaasadeed ee Somalia iyo baahida loo qabo in si deg-deg ah loo dhaqangaliyo barnamaijka dhameystirka ee xiliga kala guurka ah "Roadmap-ka" iyo mabaadiida lagu heshiiyey Garowe1,2, waxaa hogaamiye-yaashii shirka kasoo qayb galey ka doodeen qaab loo fulin lahaa heshiisyadaasi waxeyna isku raaceen qodobada hoos ku xusan;

 

1- In la dardar galiyo dhameystirka barnaamijka xiliga kala guurka ah, heshiiyadii geedi socodka iyo mabaa'diida Garowe 1,2.

 

2- In la dedajiyo xulushada xubnaha kamid noqonaya golaha ansaxinta Dastuurka oo shuruudahoodu ku cad yihiin go'aamada Garowe1,2 waxaana la isla gartey in loo soo xulayo xubnaha shirweynaha la yareeyo si ay ugu sahlanaato wax qaybsiga 4.5 ee lagu heshiiyey.

 

3- Tirada golaha ansaxinta Dastuurka oo lagu go'aamiyey Garowe2 oo aheyd 100 qif waxaa la isla gartey in laga dhigo 825 oo lagu qaybinayo habka 4.5, oo loo arkey wax qaybsi raad-raac hore leh.

 

4- Waxaa la isku raacey in madax dhaqameedyada Somaliyeed ay noqdaan dadka soo xulaya xubnaha golaha ansaxinta Dastuurka iyagoo kaashanaya qaybaha kala duwan ee bulshada sida culu'maudiinka, aqoonyanahada, dhalinyarada, haweenka, Ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshada.

 

5- Waxaa la isla gartey 135 xubnood oo ka imaanaya madax dhaqameedka afar beelood oo min 30 xubnood ah iyo beesha 5aad oo 15 xubnood ah iyagoo la tashanaya beelahooda waxay soo xuli doonan xubnaha golaha ansaxinta Dastuurka iyo xubnaha Barlamanka cusub iyagoo ay gacan siinayaan guddi farsamo oo ka kooban 17 xubnood oo lix xubnood ka imaanayaan hay'adaha dowlada Federaalka Somaliyeed, 3 Xubnood Puntland, 3 Xubnood Galmudug, 3 xubnood Ahlu Sunah, 6 Xubnood oo Federaal ah iyo 2 xubnood oo ah xafiiska siyaasada qaramada midoobey ee Somalia UNPOS. Iyo 6 Xubnood oo ka socda beesha caalamka oo goobjoogayaal ah, wixii caqabad noqda waxaa loola soo noqonayaa saxiixayaasha Raodmap-ka iyo mabaa'diida Garowe1,2.

 

6 Waxaa lagu heshiiyey in shirka ugu horeeya ee madaxdhaqameedyada soo xulaya ergada ansaxinta Dastuurka ay kulankooda ugu horeeya ku yeeshaan magaalada Muqdisho 25 April 2012.

 

7- Waxaa la isku raacey in masuu'liyada iyo dhameystirka barnaamijka xilaga kala guurka ah iyo mabaadiida Garowe1,2 ay si gaar ah u saaran tahay saxiixayaasha barnaamijka "Roadmap-ka" oo ah cida loola noqonayo wixii caqabad ah.

 

8-waxaa la isku raacey fududeynta iyo takeerada maaliyadeed ee barnaamijka dhameystirka xiliga KMG ah in si deg-deg ah looga sugayo beesha caalamka.

 

9- Wixii aan halkaan ku cadeyn waxaa loola noqanayaa "Roadmap-ka" iyo mabaadiida Garowe1,2.

 

Waxaa saxiixey dhamaan xubnihii aksoo qayb galey kulankaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kulankii maanta Magaalada Galkacyo uga socday saxiixayaashii Heshiiskii Road Map-ka ayaa goor dhow la soo gaba gabeeyay, iyadoo la isku raacay in wax laga bedelo qodobadii horay loogu heshiiyay shirka Garowe 2.

 

Shirkan oo ay ka qeyb galeen Madaxda ugu sareysa dowladda, Ahlusuna, Galmudug, Puntland iyo Qaramada Midoobey, waxaana looga hadlayay waxyaabihii ka qabsoomay heshiisyadii hore

 

Warar horu dhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in dhinacyada ka qeyb galaya shirka ay isku raaceen 11-qodob oo loogu magac daro Galkacyo Principle (Mabaa’diida Galkacyo) oo la mid ah kii Garowe Principle.

Wararka qaar ayaa sheegaya in heshiiskii Garowe 2 wax laga bedelayo, iyadoo haatan la isku raacay qodobada horu dhaca ah

 

Qodobadan horu dhaca ayaa waxaa ka mid ahaa:-

 

1-In la dhimo tirada dadkii ka qeybgali lahaa ansixinta dastuurka taasi oo heshiiskii Garoowe uu dhigayey in tiradu noqoto 1,000qofood waxaana hada la isku raacay in laga dhigo 825 xubnood dadka ansixinaya dastuurka uu dalku yeelanayo ayadoo arintaasina ay ku timid qaabka lagusoo xulayo oo ah qaabka 4.5.

 

2- In 135 oday dhaqameed ay soo xulaan ergada ansixinta iyo xildhibaannada cusub wuxuuna qodobkaasi bedelayaa qodob ka mid ah qodobada heshiisyadii Garoowe oo ahaa in ergadu ay soo xuli doonaan oo qura saxiixayaasha heshiisyadii Garoowe iyo Road-Mapka.

 

3-In 25 April lagu qabto Muqdisho gaar ahaan xarunta Gaadiidka Booliiska oo ah madasha loo asteeyey in dastuurka loogu qabto shir odayaasha dhaqanka kaasi oo saxiixayaasha heshiisyada garoowe iyo gaalkacyo ay kala tashan doonaan qaabka looso xulayo ergada dastuurka ansixin doonta.

 

4-In 15-May in la qabto shirkii ugu horeeyey ee ansixinta dastuurka kaasi oo isna lagu qabanayo isla xarunta Gaadiidka Booliiska ee magaalada Muqdisho.

 

5-Qodobada kale ee heshiiska ku jira ayaa waxaa kamid ah in beel walba ay soo xulato laba qofood oo u metesha xildhibaannimada iyadoo labadaasi qofoodna midkood la qaadanayo amaba uu xildhibaan noqonayo hadii uu sharuudaha buuxiyo ayadoo sharuudahana ay ku xusanyihiin heshiisyadii Garoowe.

 

Qodobada rasmiga ah ee lagu heshiinayo ayaa la filayaa in goor dhow dhinacyada ay saxiixaan saxaafadana loo soo bandhigo, ha yeeshee waxaa soconaya kulamo gaar gaar ah oo ay leeyihiin ergooyinka ka qeyb galeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this