Sign in to follow this  
kingofkings

Wafdi faderaalka ah oo Puntland soo gaaray

Recommended Posts

Garowe(puntlandi.com):- Wafdi balaaran oo ka socda dawlada federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray deegaanada Puntland.

 

Wafdigan oo uu hogaaminayay wasiirka maaliyada dawlada federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah guddoomiyaha bangiga iyo xubno kale oo ka socday labadan qaybood.

 

Wafdigan oo duhurnimadii maanta ka soo degay gagida diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa magaalada ku soo dhaweeyay wafuud balaaran oo ka kala socotay maamullada Puntland iyo Galmudug, waxayna saacado kooban kulamo la qaateen Masuuliyiinta maamulka Galmudug iyo kuwa Puntland ee Gaalkacyo ku sugan waxayna kala hadleen arrimo la xiriira lacag cusub oo dhawaan la filayo in loo soo daabaco wadanka Soomaaliya.

 

Wafdigu waxay intaasi kadib u soo gudbeen magaalada Garowe ee caasimada Puntland, waxayna hada ku sugan yihiin magaalada garowe halkaas oo la filayo saacadaha inagu soo aadan ay madexda sare ee puntland la yeeshaan kulamo wada tashi ah oo ku saabsan lacagaha cusub ee la filayo in dhawaan la soo daabaco.

 

Socdaalka wafdigani wuxuu ku soo aadayaa xilli gobollada wadanka Soomaaliya aad looga hadalhayo lacagahan cusub ee la soo daabacayo oo bulshadu ay tilmaantay in ay dhalin karaan isbadelo dhinaca nolosha a

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this