Sign in to follow this  
kingofkings

President Faroole in Xunbeys

Recommended Posts

Tuulada Xunbeys ee ku taal dooxada Kodmo ee gobolka Karkaar ayaa 19,March 2012 waxa si aad u balaaran la isugu soo baxay martigelinta wafdigii u horkacayey madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole oo socdaalka ku marayey deegaano ka tirsan Karkaar.

 

Odayaasha dhaqanka ee reer Xunbeys, gudiga dhex-dhexaadinta labada beelood ,xildhibaano iyo wasiiro ka soo jeeda deegaanka ,ardeyda iskuulada iyo haweenka Xunbeys ayaa sacab ,alalaase iyo mashxarad u tumey madaxweynaha Puntland oo talaabadan inabadan looga mahadceliyey.

 

Qado ayuu wafdiga madaxweynuhu ku lahaa Xunbeys,waxana kulan uu la qaatey sidoo kale odayaasha dhaqanka beesha Cali Saleebaan oo dhinac ka ah labada beelood oo dirirtu horey u dhexmartey.

 

Warbixino iyo balanqaad diyaar inay u yihiin nabad ayuu ka dhageystey madaxweynuhu ,waxana uga mahad celiyey qaabka wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey Xunbeys iyo weliba martiqaadka loo fidiyey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this