Sign in to follow this  
kingofkings

President Faroole in Dhuudo

Recommended Posts

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamud Farole iyo wafdi uu horkacayey ayaa booqasho ku tagey 19, March 2012 tuulada Dhuudo oo hoostagta degmada Bander-Beyla ee gobolka Karkaar.

 

Wafdiga madaxweynaha Puntland ayaa waxa ka mid ahaa wasiirka arrimaha guddaha Gen.Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilkajir ,kuxigeenka Cali Yuusuf Cali Xoosh, taliyaha ciidamada daraawiishta Puntland Gen.Siciid Maxamed Xirsi iyo saraakiisha madaxtoyada Puntland.

 

Soodhaweyn diiran ayay kala kulmeen Dhuudo oo ay ka qaybgaleen ardeyda iskuulada ,haweenka odayaasha dhaqanka iyo maamulka Degmada Bander-Beyla.

 

Xarunta caafimaadka Dhuudo ayuu kormeer ku tagey Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole oo xaalada caafimaad iyo adeegyada ay u baahanyihiin warbixino ku saabsan uu ka dhegeystey hawlwadeenada ku sugan xaruntasi.

 

Sidoo kale kulan xog isku weydaarsanayeen dowaldda iyo dadka deegaanka ayaa ka dhacey hoolka shirarka ee Dhuudo oo ay ka qaybgalayn dhamaan inta kala duwan ee bulshada Dhuudo oo sheegey inay taageero la garab taagan yihiin maamulka,waxana ay soo gudbiyeen waxyaabaha ay ka tabanayaan in laga caawiyo.

 

Iskuulka hoose/dhexe Dhuudoa ayuu Madaxweynaha Puntland Dr.Farole isku soo kala bixiyey isagoona lug ku dhexmarey dhamaan tuulada intii uu ku sugnaa,waxana uu kula dardaarmey horumarinta waxbarashada iyadoona wasaarada waxbarashada iyo caafimaadka Puntland u raaciyey in dhowaan ay ka helin doonaan jawaab ku saabsan da boolida baahiyaha adeegyada bulshada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sensei   

General Siciid Dheere & the interior minister, should they not be at work ? If I did not know them I would think they bodyguard him.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this