General Duke Posted March 19, 2012 Updated:- 4 mins ago| 0 Commnets Wafdi uu hogaaminayo madaxweynayo Puntland Cabdiraxmaan faroole ayaa saaka u kici tiimay degmada rako ee gobolka Karkaar. Wafdiga madaxweynaha oo baryahii u danbeeyay ku sugnaa degmada Qardho ayaa iskugu jira masuuliyiin ka tirsan golaha ,isimo,nabadoono iyo waxgarad ka soo kala jeeda deegaanada Puntland. Ujeedada socdaalka wafdiga madaxweynaha ayaa ah sidii ay uga qayb qadan lahaayeen munaasabad ay laba beelood oo horay dagaal u dhexmaray heshiis rasmi ah ku kala qaadanayaan magna ku kala qaadanayaan oo ka dhacaysa degmada Rako. Wajigii koowaad ee hesshiiskan ayaa dhamaadkii sanadkii hore ka dhacay deegaanka labi-khaatumo ee gobolka Karkaar ka gadaal marki ay dagaalo deegaanka iyo daaqa ka kacay oo soo noq noqday ay ka dheeceen deegaano hoostaga degmada rako. Waa markii ugu horaysay ee madaxweynaha Puntland oo abid gaaro degmada Rako ee gobolka Karkaar waxaana labadii bari ee ugu danbaysay degmada Rako gaaray masuuliyiin ka soo jeeda deegaanka Rako ee gobolka Karkaar. Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites