Sign in to follow this  
kingofkings

Wafdi ka socda Wasaarada Caafimaadka oo Kormeeray Deegaano ku yaala G Bari

Recommended Posts

Waftigan ayaa waxa uu ahaa mid ka socda Wasaarada Caafimaadka kuna wajahnaa ka war qabka xaaladah Caafimaad ee Gobalka Bari gar ahaan Dagmooyinka ka dagsan Laamiga ,

 

Waxaa Waftigan Hor ka caysay Wasiirad ku xigeenada Wasaarada Caafimaadka Puntland Murwo,Saynab Ugaas Yaasiin waxaana ku weheliyay Agaasimah Waxda Caafimaadka Dadwaynah DR,Cali Diiriye ,Isu Duwah Wasaarada Caafimaadka Gobalka Bari Siciid Maxamed Waraabe iyo Madax Hayada WHO ee Gobalka Bari Faarax Cismaan Yuusuf iyo Sidoo kale Saxaafada oo ay kala socotay SBC

 

Waftigan ayaa wax uu Magaalada Boosaaso Ka anbabaxay Maalinimadii Talladad ahayd Sacadu markay ahayd Sideedii iyo Bar subaxnimo isagoo ugu horayntii gaaray Degmada Carmo oo ka tirsan Gobalka Bari waxaana halkaa ku soo dhaweeyay Mamulka Degmada iyo Qaybah kale ee Bulshada , soo dhawayn kadib ayaa wax u bilaamay Kormeerkoodi ahaa Idho Idhaynta Xaalada Caafimaad ee Dagmooyinka Gobalka Bari

 

Goobtii ugu horaysay ay booqteen ayaa waxay ahayd Xarunta Dhalaanka iyo Hooyada ee Dagmada Xarmo halkaas oo ay ka socotay Tallalka Caruurta iyo Hooyada dhaqmaadka ah iyagoo halkaa kula hadlay Kooxix bixinayay Tallalka iyo Dadka la tallalayay oo isagu jiray Caruur iyo Hooyoyin

 

Waxaa halkaa kula hadlay Agaasimah Waxda Caafimaadka Dadwaynah Dr Cali Diiriye oo sheegay in ay ka wasaarad ahaan ay si aad ah ugu faraxsan yihiin sida ay hawshu u socoto ayna tahay wax lagu faani karo

 

Intaa kadib ayaa waxa xaaladah Caafimaad ee Degmada ka war bixisay Faadumo Cabdilaahi Cartan oo Maamulah Caafimaadka Degmada Carmo iyadoo ugu horaytii mahad aan la soo koobi karin u jeedisay Waftiga ka socday Wasarada Caafimaadka oo ay Hogaaminaysay Wasiirad ku Xigeenada Wasaarada Caafimaadka Murwo Saynab Ugaas Yaasiin iyadoo sheegaty inay hawshu ay u socoto sidii loogu tala galay lakin ay jiraan wax yaalo aqabado ah oo jirah ayna ka codsanayaan wasaarada inay xaliso

 

Ugu dabaytii ayaa waxaa halkaa ay waftiga ay hogaaminaysay Murwo Saynab sheegen inay ay wax walba diyaar ula yihiin isla markaana ay xalindoonan aqabadahaa jirah si aadana ay ugu mahad celinayaan dadka iyo mamulka degmada carmo siday u soo dhaweeyen

 

Iyadoo intaa kadib ay kulan wada qaateen mamulka degmada oo ay ka wada hadleen sidii ay u wada shaqayn lahaayeen iyadoo taasi noqotay mid ay isla meel dhigay kuna balameen inay si wada jir ah uga wada shaqeeyan xaaladah caafimaad ee dagmada

 

Sidoo kale waxaa ay waftigaasi u dhaqaaqen dhanka wadad rafka ah iyagoo gaaray Degmada Iskushuban oo ah degmo Qadiimi ah isla markaana ay ka socdaan Ollalah Malmah Caafimaadka Caruurta iyo Hooyada iyagoo halkaa seexday Habeenimadii Arbacada ahayd kana dhaqaaqay subaxdii aroortii gaarayna Tuulada Xiriiro oo ka tirsan Degmada Iskushuban

 

Waxay Halkaa kula kulmeen Kooxix ka shaqaynayay Tallalka iyadoo halkaa kula hadlay odayaasha iyo qaybah kale ee bulshada oo ay kala hadleen xaalada caafimaad ee tulada iyagoo odayaashu sheegay inay jiraan xaalado caafimaad daro oo ka jirah meesha ayna ugu horayso inaysan lahayn MCH taasina ay qayb ka tahay xaaladah ugu daran oo ka jirah halkaa iyagoo sheegay in ay tuladu ay ku nool yihiin dad badan

 

Intaa kadib ayaa waxaa halkaa kula hadlay waftigii oo isku duuban oo sheegay inay wax ka qaban doonan xaaladah ay sheegen Odayaashu iyagoo uganah mahad celiyay sida diiran ee ay u soo dhaweeyen

 

Waftigan ka socday Wasaarada Caafimaadka Puntland ayaa wax uu dib ugu soo laabtay Degmada Iskushuban oo ay si habsami leh uga socdeen hawlah tallalka iyadoo halkaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Waftigaa ay hogaaminaysay Murwo Saynab Ugaas Yaasin Dadka degmadanah ay si aad ah u amaanayeen

 

Waxana ayna Booqosho ku mareen Meelah ay fadhiyeen Kooxah Tallalka oo iyagu hawshooda watay wasriirada kuxigeenadanah ayaa waxay ku amaantay sida ay hawshooda u gudanayaan iyadoo u sheegtay in waajibka saaran uu yahay inay carurtooda iyo haweenkooda ka ilalaiyaan cadurada dilaagah ah

 

Intaa kadib ayaa wax ay kulan saacado ah socday ay la qaateen Odayaasha ,Mamulka Waxbarashada iyo sarkaalka haysta Arimah Tallalka Degmada Iskushuban waxaana uu ka dhacay xafiiska Gudoonka Waxbarashada Degmada

 

Ugu horayntii waxaa halkaa ka hadlay Nabadoon Cabdi Cali Geesood oo isagu sheegay in wax lagu farxo ay tahay inay maantay shir la galaan wafti ka socdah Wasaarada Caafimaadka ayna soo dhaweenayaan isagoo sheegay in tallalka ay dhankooda ka wadaan ayna diyaar u yihiin inay mar walba ay garab tagnaadan wasaarada caafimaadka isagoo uga mahad celiyay Suuliyaal ay wasaaradu halkaa ka dhistay kuwaas oo ay la kaashatay qaar ka mid ah haayadah hadan isagoo ugu danbaytii sheegay in ay mahad gaar ah u jeedinayaan wasaarada wasaaradah kalena ay ugu baaqayaan inay u shaqeeyan sida wasaarada caafimaadka

 

sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay Gudoomiyah Waxbarashada Degmada Maxamuud Ismaaciil oo isagu sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin in Wasaarada Caafimaadka Puntland ay tahay mida kaliyah ee ka soo dagtay laamiga ayna ugu mahad celinayaan isagoo sheegay in xiriir wanaagsan ay la leeyihiin wasaarada caafimaadka kaas oo ay sameeyasay Murwo Saynab Ugaas Yaasiin oo uu sheegay inay tahay markii labaad ay timaado ayna soo dhaweenayaan wasaarada iyo tallalka isagoo xusay in iskoolka dhaxdiisa uu ka socdo tallalku ayna indhohooda ku arkeen waftigu

 

Waxaa isna halkaa ka hadlay Madax Booliyada Tallalka Degmada Iskushuban Cabdi Khaalaq Maxamuud Maxamed Xeef oo isagoo sheegay inay hawshuu ay u socoto sidii loogu tala galay ayna ku faraxsan yihiin in wasaradu ay wax badan ay la qabto maadama ay dhankeeda ay kawdo ka shaqaynta tallalka isagoo sheegay in dhamaan dadku yihiin kuwo ogol inay qaataan talalka ayna taas tahay guul u hooyatay awsaarada caafimaadka

 

Intaa kadib ayaa waxaa hadalka la wareegay Waftigii ka socday Wasaarada Caafimaadka Puntland Gat ahaan Agaasimah Waxda Caafimaadka Dadwaynah Dr.Cali Diiriye oo isagu sheegay in intii ay ku jireen Kormeerkan ay arkeen wax lagu faani karo oo ay qabteen Shaqaalah Caafimaadka taasina ay tahay mid looga baahnaa ayna marwalba garab tagan yihiin ayna ka dhabtahay siday hada safarka dheer u soo galeen isagoo sheegay in dhamaan gobalada dalka ay ku sugan yihiin wasiiro ilaa agaasimayaal iyo isuduwayaal iyo sidoo kale shaqaale u heelan shaqadooda aqoona uleh

 

Waxaana uu sheegay in Degmada Iskushuban ay tahay mid aad u amaanan siday u qabatay hawsha mudana in mar walba la garab tagnaado isagoo ka hadlay Dhanka Isbitaalka oo xiran uuna sheegay inay qorshah wasaarada ay ku jirto in la kiciyo loona dhamaystiro qalbakiisa iyo wax walba oo uu ubahan yahay wasaaradana ay diyaar u tahay inay umada rer Puntland ay u shaqayso siday ula shaqeeyen

 

Ugu danbaytii ayaa waxaa halkaa ka hadashay Wiirad Ku Xigeenada Wasaarada Caafimaadka Puntland Murwo Saynab UGaas Yaasiin oo iyadu si aan La soo koobi Karin u amaantay Dadka ku nool Degmada Iskushuban Siday u soo Dhaweeyen iyadoo sheegtay inay yihiin u heelanayaal Xaaladah Caafimaad Taa darteed ay ka wasaarada ahaan ay diyaar u tahay iany wax walba u qabtaan oo ay awoodan iyadoo sheegaty inay aad ugu faraxsantahay sida ay u sooreen oo ay u soo dhaweeyen iyo waliba Haweenka istalalayh oo ay aragtay oo ku sheegat kuwo ku dhiiran ka talinta qoyskooda

 

WAftigan ayaa wax uu noqonayaa waftigii ugu balaarnaa oo ka socada wasaardah Puntland oo gaarah Degmada isku /ban oo ku taal Dhanka Rafka iyadoo horay ay u tagtay Murwo Saynab Ugaas Yaasiin oo Furaysay Mashruuc ay wasaarada Caafimaadka ay ka fulisay Degmadaas kaas oo ahaa Suuliyo lag Qoday halkaa

 

Sikataba ah ahaatee WAftigan ayaa wax uu soo Idho Idheeyeen Xaalada Caafimaad ee Deeganadaas ay booqdeen Iyagoo il gaar ah ku ahay Sida uu Tallalku u socday

 

WAftigan ayaa wax uu shalay galab dib ugu soo laabtay Maagalada Boosaaso oo ay horay uga Anbabaxeen iyagoo ISla markau soo galeen shir lagalay HAwl wadeenadii joogay magaaladan kana wareestay siday hawshu u socto

 

Sikataba ah ahaatee Hawlah Caafimaad ay wado Wasaarada Caafimaadka ayaa waxay yihiin Kuwo sidii Ugu haboonaa u socda iyadoo dhamaan Bulshada Puntland ay u soo dhweeyen

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this