Sign in to follow this  
General Duke

Mudug: Puntland Health envoys visit, Bursaalax, Daarusalaam Goldogob

Recommended Posts

Garoowe: (APL ) : Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Asaasiga ah C/risaaq Abshir Xirsi iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Gaaray Degaano ka mida Gobolka Mudug ,Waxaana ay halkaas u joogaan udhabagelida Xaaladaha Caafimaadka Deegaanka waxaana socdaalka ku weheliya Agaasimaha Saraakiil ka socota Hay,adda Caafimaadka Aduunka ee Magaceeda loosoo Gaabiyo WHO,Kooxo Qaabilsan Talaalka ku howlan Talaalka Caruurta ka yar 5t sano iyo Hooyadda Dhaqmaada ah ee Da,deedu u dhaxayso 15-49 Sano ,

 

iyadoo kooxanta ay dhamaantood wasaaradu u kala dirtay Gobolada iyo Degmooyinka uu ka koobanyahay Deegaanka Puntland si ay uga Talalan Bulshada Cudarada Dilaaga ah ee ay ka midka yihiin Gowracatada,qixdheerta,Jadeecadda IWM.

 

Hadaba Agaasimaha oo ku sugan Degmada Goldogob ee Gobolka Mudug ayaa uga warbixiyey Warsidaha Allpuntland Deegaanada ay Tageen iyo Waxa uga Qabsoomay Deegaanka Xaaladaha Caafimaadka ee ay ugu wayntahay Talaalka oo ay olole Kawadeen,waxaana uu sheegay in ay tageen meelo ay ka midyihiin,Gaalkacyo,Bursaalax ,Daarusalaam iyo Degmada Goldogob oo ay iminka ku suganyihiin,

 

C/risaaq ayaa sheegay in ay si Wanaagsan u socdaan arimaha Caafimaadka ee ay kawadaan Bulshada ku Dhaqan deegaanka ay kormeerka ku Tageen iyadoo ay Bilabeen ololaha Talaalka 11/03/2012 ,ayna Maalintii afraad wadaan,

Agaasimaha ayaa sidoo kale Sheegay in Degmada Goldogob ay ka jirto Nafao Daro Haysa Caruurta Yaryar iyadoo ay jiraan Qoysas kasoo Barakacay Deegaano ay ka midyihiin Buulo Xaawo,kuwasoo lagu dabiibayo Xarumaha Quudinta ee degmadaas,waxaa kale oo uu Xusay Masuulkani in ay jiraan Dhalinyaro Yaryar oo Xanuunada Jadeecadda , Taasoo ay ku Howlanyihiin kooxda Caafimaadka ee wasaaradu sidii loo Talaali lahaa.

C/risaaq Abshir ayaa Tilmamay in uu jiro fari wayn oo u dhaxeeya Sanadkan iyo kuwii hore Xaga Talaalka Caruurta oo ay Waalidiintu si weyn ugu Heelanyihiin sidii ay Xarumaha Caafimaadka ula xiriirsiiyaan, Puntland ayaa guud ahaan waxaa kasocda ololaha Talaalka 6 Cudur ee Dilaaga iyadoo la Talaalayo Caruurta 5ta Sano ka yar iyo Hooyada Dhaqmadda ah.

 

 

 

 

 

 

 

Maxamed Daahir Yuusuf

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this