Sign in to follow this  
Taleexi

Tartan ciyaareed lagu maamuusayay 8-da Maarso oo lagu qabtay Garoonka Kubadda Koleyga Luujino

Recommended Posts

Taleexi   

Talaado, Maarso 13, 2012 (HOL) — Garoonka kubadda koleyga Luujino oo ku yaalla degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho aya lagu qabtay ciyaar kubadda koleyga ah oo lagu maamuusayay maalinta haweenka adduunka ee 8-da Maarso, iyadoo ay isugu soo baxeen tartankaas gabdhaha kooxaha kubadda koleyga ee Heegan iyo Minishiibiyo.

 

Tartan ciyaareedkaan oo ay iska-kaashadeen wasaaradda haweenka, guddiga olombikada Soomaaliyeed iyo hay'adda wadahadalka bulshada CCD ayaa waxaa kasoo qayb-galay xildhibaanno ka tirsan dowladda KMG ah, wasiiro, madaxda xiriirada olombikada Soomaaliyeed iyo boqolaal dadweyne ah.

 

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, xildhibaan Cali Qaloocow, wasiirka wasaaradda shaqada, isboortiga iyo dhallinyarada, Maxamed Muxudiin Amiin, wasiiru dowlaha arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, Cabdi Cali, fannaanada caanka ah Seynab Maxamed Xaaji (Seynab Laba-dhagax) iyo madax kale ayaa si weyn ula dhacay qaab ciyaareedka ay labada kooxood halkaasi kusoo bandhigeen.

 

Bal sii akhriso .. http://hiiraan.com/news/2012/Mar/wararka_maanta13-17271.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this