Sign in to follow this  
Liibaan

WasiirkaMaaliyada Khaatumo Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Oo Booqday Jiida Hore Ee Aaga Tukaraq

Recommended Posts

Liibaan   

81.jpg

 

Wasiirka Maaliyada Khaatumo Iyo Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Oo Booqday Jiida Hore Ee Aaga Tukaraq

 

SSCNEWS.COM

 

 

Weftigan uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda ee Maamulka Khaatumo State Cismaan Axmed Jaamac oo ay ka mid ahaayeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyada Mawliid Muuse Faarax , iyo Wasiir ku xigeen Wasaaradda Arrimaha Bulshada Cabdi Fataax Cismaan Dhalac ayaa ka hor intii aanay gaadhin Jiida hore ee ay kusuganyihiin Ciidamada Maamulka Khaatumo waxa ay soo booqdeen Tuulada Tukaraq.

 

Ujeedada weftiga Wasiirada maamulka Khaatumo ay ku marayaan Deegaano hoos yimaada Goboladda Sool Sanaag iyo Cayn ayaa ah ukuur gelida xaalada nololeed ee Bulshada ku dhaqan deegaanada uu ka taliyo Maamulka Khaatumo, iyo sidii loo baahin lahaa Maamulka Khaatumo State.

 

Jiida hore ee ciidamada Maamulka Khaatumo ayaa weftiga uu hor kacayo Wasiirka Maaliyada Cismaan Axmed Jaamac waxa uu warbixino kaga dhegeystay Saraakiisha iyo Saraakiil xigeenada Ciidanka Maamulka Khaatumo ee kulaalaya Magaalada Laascaanood.

 

Wasiirka Maaliyadda iyo weftiga uu Hogaaminayo ayaa la filayaa iney maalmaha fooda inagu soo haya booqdaan Deegaano badan oo hoos yimaada Maamul Goboleedka Khaatumo.

 

Waashabakada Wararka SSCNEWS

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this