Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu: Puntland Health Minsiter appoints Dr Sardheeye as Director of Galkacyu G Hospital

Recommended Posts

Waxaa si rasmi ah 8.03.2012 loogu magacaabay Dr. Maxamed Xuseen Aadan Sardheeye Agaasimaha Isbitaalka guud ee Gaalkacyo(Sawirkan waa agaasimaha),*Isbitaalka Gaalkacyo ayaa ah mid ka mid ah Isbitaalada ugu wayn Puntland, waxaa Isbitaalka looga yimaadaa deegaano ka fog gobolka Mudug sida Koonfurta Soomaaliya.

 

Waa kuma Agaasimaha cusub ee Isbitaalka loo magacaabay

 

 

ka bilow bidix> Prof. Maxamed Jamac Salaad, Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Cabullahi, iyo Agaasimaha cusub Dr. Maxamed Xuseen Aaden Sardheeye

 

Dr. Sardheeye waa khabiir ku takhasusay cudurada kalyaha, daawayntooda iyo qalliinkoodaba, wuxuu wax ku bartay* Somalia, Talyaaniga iyo UK, wuxuu ka mid yahay dhakhaartiirta Soomaaliyeed ee fara ku tiriska ah oo takhasus gaar ah u leh cudurada kalyaha ku dhaca.

Dr. Sardheeye wuxuu 20 kii sanno ee u danbeeyey ku noolaa UK, oo ka shaqaynayey isbitaalo waaweyn oo dalkaas ku yaala. Hada wuxuu si rasmi ah ula wareegay xilka agaasimaha isbitaalka oo intii muddo ah uu si ku meel gaar ah u hayey Axmed Diiriye Sugule oo ah maamulaha guud ee isbitaalka. Xafladii magacaabida iyo xil wareejinta ayaa waxaa ka soo qayb galay wasiirka caafimaadka dowladda Puntland Dr. Ali Abdullahi Warsame iyo masuuliyiin ka tirsan wasaaradda caafimaadka oo uu ka mid yahay Prof. Mohamed Jama Salad. hadal kooban oo uu Wasiirku ka soo jeediyey xafladaas ka dhacday isbitaalka guud ayuu wasiirku sheegay sida uu faraxsan yahay horumarka uu gaaray isbitaalka guud ee Gaalkacyo oo ka mid noqday isbitaaladda ugu shaqada wanaagsan soomalia iyo ku soo biirida aqoonyahan ruug cadaa ah ku ah xaga caafimaadka ee ee isbitaalka.

 

Dr sardheeye ayaa asaguna wuxuu goobtaas ka ballan qaaday inuu dardar gelin doono adeegyada caafimaadka isbitaalka sidoo kalena uu sare u qaadi doono tayadda aqoonta shaqaalaha isbitaalka iyo dhaqaatiirta ka howl gasha Isbitaalka.

Puntlandi.com

Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this