Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu: Simba Pharmaceuticals working lunch with local Doctors

Recommended Posts

100_1772.jpg

 

Shirkada Simba Phamaceuiticals Ltd oo Kulan La Qaadatay Dhaqaatiirta Gobolka Mudug[sawiro]

 

Updated:- 3 hours ago| 0 Commnets

 

Shirkada SIMBA Phamaceuiticals Ltd ayaa xaflad qado sharaf ah oo ka dhacday hoolka shirar hotelka golden plaza waxay ku casuuntay dhamaan dhaqaatiirta gobollka mudug iyo qaar ka mid ah ganacsatada daawada.

 

Kulankan oo ahaa qado sharaf aad loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay dhaqaatiirta ugu caansan gobolka mudug oo ay ka mid ahaayeen Proff. Maxamed Jaamac Salaad ,Dr. Bashiir Cali Biixi,Dr. C/qaadir Cali Mire,Dr. Saalax C/laahi Maxamed,Dr. Cabdi Jaamal, Dr. Caynshe Jaamac,Dr. C/qaadir Jaamac Maxamuud (Dhagacadde) iyo Dr. Maxamed Xuseen Aadan

 

Dr Ravi Menon oo ka tirsan shirkada Simba ayaa qado sharaftii ka dib waxaa uu soo bandhigay Ajandaha kulanka isagoo sharaxaad dheer ka bixiyay qaabab ay shirkadu u shaqayn doonto iyo daawooyinka ay keeni doonaan tayadooda .

 

Dr Ravi ayaa sidoo kale sheegay in shirkada Simba ay xariir toos ah la leedahay 7 Shirkadood oo ku yaala Dunida dacaladeeda isla markaana ay dalka keeni doonto daawooyin tayeeysan oo raali galin doona bukaanada isticmaala daawooyinkas.

 

Qaar ka midh dhaqaatiirta kulankan ka soo qayb gashay ayaa su aalo ka weydiiyay Dr Ravi Daawooyinka ay dalka keeni doonaan tayadooda cida xaqiijisay iyo waxa ay uga duwan yihiin dawoyinka kale ee yaala dalka , waxaana Dr Ravi uu uga jawaaban isagoo tusaale u soo qaatay in qaar ka mid ah dawooyinka lagu gado suuqa aysan lahayn tayadii loogu talagalay.

 

Cabdulahi Cidi Libaax oo ah masulka ugu sareeya Shirkada Simba ayaa isna hadalo kooban ka soo jeediyay shirkan waxaana uu sheegay in dadaal dheer ay u galeen sidii ay shirkadan ugu soo xiri la haayeen gobolada Puntnad isagoona sheegay in ay ku qaadatay waqti dhan 9 sano.

 

Mursal Cabdi salan Hasan (Daabjeerin) Madaxa suuq gaynta iyo iibka ayaa ugu danbaytii hadalo kooban ka soojeediyay kulanka isagoo uga mahad celiyay dhamaan dhqatiirta sida ay uga soo qayb galeen kulankan isla markaana u balan qaaday in ay si wanaagsan ula shaqayn donaan

 

Daabjeerin ayaa sidoo kale waxaa isna sharaxaad ka bixiyay tayada daawada dalka taala iyo farqiga u dhaxeeya mida ay haatan soo wadaan isagoo sheegay in ay toban jibaar ka wanaagsan tahay daawada simba .

 

Shirkada Simba waa shirkadii ugu horaysay ee dadaal caynkan ah ka muujisa baahida bulshada ee dhinaca dawooyinka xilli guud ahaan wadanka Soomaaliya ay ka jiraan dhibaatooyin farabadan oo asal ay u tahay dawo dhacday ama tayo ahaan aad u hoosaysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this