Sign in to follow this  
kingofkings

Madaxda w.dekedaha iyo la dagaalanka Burcad badeeda iyo wefdi EU ka socda oo kulmay

Recommended Posts

wasaaradda-dekedaha-gaadiidka-badda-iyo-

 

Wefdi ka socda qaar kamid ah wadamada bixiya deeqaha mashaariicda la dagaalanka Burcad-badeeda ayaa maanta magaalada Garoowe kulan yeeshay madaxda wasaarada dekedaha, gaadiidka badda, iyo la dagaalanka Burcad-badeeda ee Puntland.

 

Agaasimaha la dagaalanka Burcad-badeeda ee Puntland Cabdirisaaq Maxamed Dirir oo markii uu kulankaasi oo gaba gaboobey kadib Saxaafadda shir u qabtay ayaa ka warbixiyey ujeedada socdaalka ay wefdigaasi Puntland kusoo gaareen.

 

Wuxuuna sheegay in wufuudan oo ka kala socda dalalka Denmark, Norway iyo Britain ay ka wada hadleen arimo dhowr ah, ujeedooyinka ay xiligan Puntland u yimaadeenna ay ugu muhiimsan yihiin labo arimood oo kala ah:

 

Sidii ay ugu kuur geli lahaayeen waxa ka qabsoomay mashaariicdii la dagaalanka Burcad-badeeda ee ay dhaqaalaha ku bixiyeen.

Iyo sidii ay madaxda Puntland ula saxiixan lahaayeen heshiis ku aadan in Puntland lagu xiro laguna maxkamadeeyo kooxaha jirri badeeda ah ee laga soo qabto badaha caalamiga ah iyo kuwo Soomaaliya ku teedsan.

 

Wefdigan ayaa dhinaca kale inta ay Garoowe joogaan waxay kulamo gooni gooni ah la qaadan doonaan madaxda wasaarada cadaaladda iyo taliska ciidamada Booliska, iyagoo sidoo kale booqan doona qaar kamid ah xabsiyada Puntland.

 

Qaraar kasoo baxay golaha ammaanka ee QM oo tirsigiisu ahaa 2015 ayaa looga codsaday DKG, Puntland, iyo Somaliland inay ogolaadaan iyaga oo taageero ka helaya hay’adda UNODC in laga sameeyo deegaanada ay ka arimiyaan maxkamado gaar ah iyo xabsiyo lagu xiro Burcad badeeda.

 

Audio

 

http://horseedmedia.net/2012/03/07/madaxda-w-dekedaha-iyo-la-dagaalanka-burcad-badeeda-iyo-wefdi-eu-ka-socda-oo-kulmay-codsawiro/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this