Sign in to follow this  
Taleexi

Hargaysaay: Ma kuu dhaxay!!

Recommended Posts

Taleexi   

Sheeko-xariir Deeq si fiican buu u farshaxameeyey, oo ugu farayarastay, boholyowga uu u qabo Hargeysa bal ila wadaag haddaad waqti u yare quudhi karto.

 

 

Hargaysaay: Ma kuu dhaxay!!

Wq. Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq)

March 03, 2012

 

 

"Hargeysaay,

hir dooglaay,

hoygii kal-gacalkaay,

haradii abwaankaay,

dalka hooyadeedaay,

hal-abuurka midhahana,

halka laga aloosee,

loo soo hiloobaay,

hablo naasaleeyeey,

Himiladii naftaydaay."

 

Kuguma dhalan oo xundhurtaydu kuguma aasna, xabkayguna kuguma bururin, haddana xubigaagu wuxuu dhammeeyay dhammaan xubnahayga. Saamiga kalgacal ee aad naftayda ku leedahay ma jirto magaalo kale oo ku lihi. Tanise kama dhigna inaanan magaalo kale jeclayn. Iskama kaa caashaqin ee waad mutaysatay kalgacalka aan kuu hayo iyo xiisaha aan kuu qabo.

 

Waad mutaysatay inaan kuu hilloobo, kuu darsado, kuuna boholyoobo. Waad mudan tahay inaan goor iyo ayaan kaa fikiro, kuuna fikiro. Maxaad u mutaysan wayday miyaanan dhallaanimo iyo dhallinyarnimaba kugu soo hano qaadin? Miyaanay i horjoogin barbaartii baxsanayd ee aannu beryo banoonida wada dheeli jirnay? Miyaanay laabtayda iyo lubigaygaba sidaa u hoganayn hablahaagii heegooyinka ahaa? Miyaanan xusuusnayn barayaashii hufnaa ee aqoonta nagu habi jiray iyaga oo hayntoodu ay liidato? Miyaanay maankayga ku wada xardhanayn dugsiyadaadii aan wax ka baran jiray? Tolow Sh. Madar ma sidii uun buu Cabdiillaahi maamule uga yahay? Imaam Muslim ma sidii uun buu Cabdicasiis ugu sarreeyaa? Gacma Dheere ma sidii uun buu Siciid Talaabo uga taliyaa? Faarax Oomaar ma sidii uun buu Cawil Horjooge ugu yahay? Buunina ma sidii uun buu xisaabta uga dhigaa (xisaabtiisaba waxaan ka jeclaa falsafaddiisa nololeed iyo fikirkiisa cabqarinimo) Aaah, Mooyi !!

 

Bal halkan ka sii wada akhriso

 

http://wardheernews.com/Sheeko_Gaaban/Axmed_Deeq/March_03_12_Hargeysaay.html

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

This story is quite touching and hits the right tone on why many folks regards themselves as Unionist. Not because one wants to force eachother on the contrary there is a love that one can simply not live without or even imagine to live without.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this