Sign in to follow this  
General Duke

Jiriiban: wefdi uu horkacayo wasiirka dekadaha Puntland iyo Saraakiisha NATO oo kulan u socdo

Recommended Posts

Updated:- 4 hours ago| 1 Commnets

 

Mas’uuliyiin ka tirsan golaha wasiirada iyo maamulka gobolka Mudug ee Punland ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay gaarey degmada Jiriiban ee gobolka Mudug.

 

Wefdigan oo uu horkacayo wasiirka gaadiidka badda, dekedaha, iyo la dagaalanka burcad-badeeda ee Puntland ayaa kulamo la qaatay waxgaradka iyo maamulka degmada Jiriiban.

 

Wefdigan ayaa sidoo kale waxaa ku jira mas’uuliyiin ay kamid yihiin wasiir ku xigeenka 1-aad ee wasaarada arimaha gudaha iyo horumarinta arimaha reer miyiga iyo gudoomiyaha gobolka Mudug.

 

Waxyaabihii ay maamulka iyo waxgaradka Jiriiban kala hadleenna waxaa kamid ahaa sidii deegaanadaas looga sifeyn lahaa burcad-badeeda islamarkaana looga horumarin lahaa dhinaca adeegyada guud ee khuseeya arimaha bulshada.

 

Dhinaca kale wefdigan ayaa hadda kulan kula leh dusha sare ee markab dagaal oo ku xiran xeebaha degmada Jiriiban saraakil ka tirsan ciidamada NATO ee howlgalka la dagaalanka Burcad-badeeda u jooga xeebaha Soomaaliya.

 

Waxayna ka wada hadlayaan arimo badan oo ay ugu weyn yihiin sidii burcadda badaha dhinaca dhulka loogala dagaalami lahaa maadaama inta badan weeraradoodu ay yihnin kuwo laga soo abaabulo deegaanada xeebaha ku teesan.

 

Koox weriyeyaal ah oo ka tirsan warbaahinta Horseed Media ayaa wefdigaas socdaalka ay degmada Jiriiban ku tageen ku wehiliya, waxaanuna saacadaha soo fool leh idin soo gudbin doonaa sawirada, iyo warbixino ku saabsan waxa uu shirkaasi kusoo gaba gaboobo.

 

 

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jiriiban:(Allpuntland)-Wafti balaaran oo uu horkacayo Wasiirka wasaarada Dekedaha, gaadiidka Badda iyo la dagaalanka Burcad Badeeda Puntland Eng.Siciid Maxamed Raage oo ay kamidyihiin Wasiir xigeenka wasaarada arimaha gudaha, dawladaha hoose iyo hormarinta reer miyiga Cali Yuusuf Cali (Xoosh),Taliyaha hay’adda la dagaalanka Burcad Badeeda Puntland Cabdirisaaq Maxamed Dirir (Ducaysane), Gudoomiyaha gobolka Mudug Mudane.Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) oo isagu xalay gaaray Garoowe iyo xubno kale oo aad u badan oo maanta kasoo anbabaxay magaalada Garoowe ee caasimada dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa goordhawayd gaaray Degmada Jiriiban ee gobolka Mudug.

 

Waftiga Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Eng.Siciid Maxamed Raage ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey degmada Jiriiban iyadoona boqolaal dadweyne ah, Waxgarad iyo maamulka degmadu ay uga hortageen duleedka Degmada Jiriiban islamarkaasna loosoo galbiyey magaalada Jiriiban oo ay Caawa kusuganyihiin halkaasoo ay kulamo kaladuwan kula qaadanayaan qaybaha kaladuwan ee bulshada iyo madaxda maamulka gobolka Mudug ee iyana kusugan degmada Jiriiban kuwaasoo ay kala hadlayaan arimo quseeya hormarinta degmadaas iyo la dagalaanka Burcad Badeeda oo ay jiriiban hormar xoogleh ka gaartay mudooyinkii u danbeeyey.

 

Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey oo goordhawayd la hadlay APL ayaa sheegey in Waftiga balaaran ee dawlada katirsan oo uu isagu mudo todobaad ah kasii horeeyey ay ujeedadoodu tahay inay xaqiijiyaan in degmada Jiriiban iyo nawaaxigeda laga afjaray Burcad Badeedii degenayd sanadihii u danbeeyey Wuxuuna sheegey in Waftigu ay Beri (Jimcada) u anbabixi doonaan magaalada xeebta ku taala ee Garacad oo uu sheegey in uu halkaas imaan doono markab ay leedahay Gaashaanbuurta NATO kaasoo ay fuuli doonaan madaxda kaladuwan ee Puntland iyo Waxgaradka Jiriiban wuxuuna sheegey in Markabkaas lagu qaadan doono shir xoogleh oo ku saabsan sidii loogu guulaystay in deegaankaas oo ay faro kulul ku hayaan Burcad Badeedu looga soo afjaray, Gudoomiyaha ayaa sheegey in madaxda kaladuwan ee dawladu ay ku qanceen hormarka uu shacabka Jiriiban iyo nawaaxigeedu ka gaaray la dagaalanka Burcada, Waa waftigii ugu derajada sareeyey ee mudo sanado ah halkaas taga taasoo xaqiijinaysa in meeshii ugu danbaysay ee fariisin u ahayd Burcad Badeeda oo Puntland ku taala laga soo afjaray.

 

Cabdiqani Xayir

Cqxayir@hotmail.com

Allpuntland Team

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa maanta kulan yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland iyo saraakiisha ugu sareeya ciidamada NATO ee howgalka la dagaalanka Burcad-badeeda u jooga xeebaha deriska la ah dalka Soomaaliya.

 

Mas’uuliyiinta dowladda ee kulankaas ka qayb qaatay oo uu horkacayo Wasiirka gaadiidka badda, dekedaha, iyo la dagaalanka Burcad-badeeda ee Puntland Siciid Maxamed Raage ayaa waxaa sidoo kale ku jira agaasimaha la dagaalanka Burcad-badeeda ee Puntland Cabdirisaaq Maxamed Dirir (Duceysane), wasiir ku-xigeenka arimaha gudaha Cali Yuusuf Cali (Xoosh), guoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey), maamulka degmada Jiriiban iyo qaar kamid ah madaxda dhaqan.

 

Wasiirka wasaaradda gaadiidka badda, dekedaha, iyo la dagaalanka Burcad-badeeda ee Puntland Siciid Maxamed Raage oo waxyar kadib markii uu kulankaasi soo gaba gaboobey warbaahinta Horseed Media u waramay ayaa ka warbixiyey waxyaabihii ay ka wada hadleen saraakiisha ciidamada badda NATO ee ay maanta kulanka yeesheen.

 

Wuxuuna sheegay inay isla soo qaadeen arimo dhowr ah oo ay kamid ahaayeen:

 

Sidii xeebaha u dhexeeya deegaanada Jiriiban iyo Garacad looga sifeyn lahaa xooxaha Burcad-badeeda ah.

Sidii dhinaca dhulka Burcad-badeeda loogala dagaalami lahaa, si looga hortago inay badda u weerar tagaan.

Sidii shaqo abuur iyo barnaamijyo horumarineed looga hirgelin lahaa degmada Jiriiban iyo deegaanada hoostaga, ammaankoodana loo xoojin lahaa.

Kulanka ay maanta yeesheen hogaanka ciidamada NATO iyo mas’uulyiinta dowladda Puntland ka tirsan ayaa ka dhacay dusha markab dagaal oo ay ciidamadaasi leeyihiin kaas oo ku sugan meel u dhow xeebaha degmada Jiriiban ee gobolka Mudug.

 

Waana markii 2-aad oo ay hogaanka ciidamada NATO oo ay xiligan hayso dowladda Turkigu ay la kulmaan mas’uuliyiinta ugu sareysa wasaarada dekedaha, gaadiidka badda, iyo la dagaalanka Burcad-badeeda muddo labo bilood gudeheed ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this