Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: The rout of Al Shabaab continues, the Road to Balcad captured by TFG

Recommended Posts

uqdisho:(Allpuntland)-Iyadoo saaka waaberigii ciidamada dawlada Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Amisom ay Weerar culus ku qaadeen meelo kamid ah xaafadihii ugu danbeeyey ee ay ciidamada Alshabaab muqdisho ka joogeen islamarkaasna dagaalkaasi uu ahaa mid gaadmo ah ayaa ay soo baxayaan warar sheegaya in dawlada Kumeel gaarka ahi ay la wareegtay meelo muhiim ah oo Muqdisho kuyaala.

 

Gol.Cabdullaahi Cali Caanood oo goordhawayd Warbaahinta Muqdisho qaarkeed u waramay ayaa xaqiijiyey inay si rasmi ah ula wareegeen goobo muhiim ah oo mudo dheer talisyo u ahaa ururka Alshabaab kuwaasoo ay kamidyihiin Xerada Maslaxa ee duleedka Muqdisho, Suuqa Xoolaha, Dibille iyo meelo kale oo badan wuxuuna sheegey inay jab xoogleh gaarsiiyeen Ciidankii Shabaabka.

 

Sarkaalkan sare wuxuu sidoo kale sheegey in ay fariisimahan muhiimka ah kula wareegeen hub iyo agab kale oo muhiim ah, waxaa xusid mudan in weli ay Dagaalo ka soconayaan meelo kamid ah duleedka magaalada Muqdisho, Xerada maslaxa ayaa mudo ururka Alshabaab u ahayd mid kamid ah fariisimahooda ugu muhiimsan ee ay Soomaaliya ku leeyihiin, Dagaalkan ayaa u eg kii ugu balaarnaa ee lagu soo afjarayo Ciidanka Alshabaab ee Muqdisho joogay oo meelihii u danbeeyey ay dawladu imika sheegtay inay kala wareegtay, Weli wax war ah Dhaqdhaqaaqa Alshabaab kama aysan soo saarin dagaalada culus ee Muqdisho ka dhacay.

 

Xafiiska Warark Allpuntland, Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this