Sign in to follow this  
The Hermet

Kenyan President Pay Us For Our Losses, We Will Not Invade Kismayo, We Can Not Solve Somalia

Recommended Posts

Qaramada Midoobay Oo Kenya Magdhow Ka Siinaysa Khasaaraha Ka Soo Gaadhay Dagaalka Al-shabaab Iyo Madaxwaynaha Dalkaas Oo Sheegay In Dalka Soomaliya Fashilmay

 

Nairobi (Ramaas) Feb 29,2012 – Qaramada Midoobay ayaa qorshaynaysa inay dawlada Kenya Magdhow ka siiso ciidamada kaga dhintay dagaalka ay ku jirto Kooxda xagjirka ah ee Al-shabaab iyo waliba gaadiidka iyo hubkii ay ku fulisay bilowgii hawlgalada gudaha Soomaliya.

 

Qaramada midoobay ayaa koox xaqiiqo raadin ah u soo dirtay dalka Kenya, kuwaasi oo Magaaladda Nairobi ka bilaabay ururinta khasaaraha ciidamada Kenya ka soo gaadhay dagaalka Al-shabaab ee ka socda gudaha dalka Soomaliya.

 

Kooxdan ayaa waxa ay Magaaladda Nairobi yimaadeen ka dib markii dawlada Kenya ay qaramada midoobay u dirtay liis ay ku taxday khasaaraha dagaalkaasi ku gaadhay iyo qalabka ay u baahan tahay, kuwaasi oo ay ka mid yihiin diyaaradaha qumaatiga u kaca, gaadiidka dagaalka iyo waliba magdhow laga siiyo ciidamada ka dhintay, kuwaasi oo qaramada midoobay lacag ahaan ku siinayso.

 

Qalabkan Milatari ee dawlada Kenya ka dalbatay qaramada midoobay ayaa waxa lagu qalabaynayaa ciidamo gaar ah oo dawlada Kenya u dirayso dalka Soomaliya, kuwaasi oo la sheegay inay ku biiri doonaan ciidamada midowga Afrika ee Amisom.

 

Wasiirka gaashaandhiga dawlada Kenya ayaa warbaahinta u sheegay inay qaramada midoobay u gudbisay liiska qalabka ay u baahan yihiin iyo waliba tirada askarta ka dhimatay ee ay doonayaan in magdhow laga siiyo, isaga oo sidoo kalena tilmaamay in golaha amaanka qaramada midoobay ay uga baahan yihiin inay fuliyaan waxayaabaha loo baahan yahay ee la xidhiidha hawlgalka ciidamada ku biiraya Amisom.

 

Dhanka kale, Madaxwaynaha dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa soo dhaweeyay in dib loogu eego hawlgalka mustaqbalka ee ciidamada Amisom ee gudaha Soomaliya “Kenya way soo dhaweyneysaa in dib loo eegay howlgallada Mustaqbalka ee AMISOM ee Soomaaliya” ayuu yidhi Madaxwaynaha Kenya, isaga oo tilmaamay in ciidamada Kenya aanay u socon inay qabsadaan Magaalada Kismaayo oo ay Al-shabaab ka taliso, balse ay tahay in bulshada caalamku go’aan ka gaadho “Kismaayo waa su'aal bulshada caalamka u taal inay go'aan ka gaadho, Kenya uma socoto inay hagaajiso dhibaatada Soomaaliya oo dhan maadaama oo uu yahay dal fashilnaa 20 sano”

 

dhinaca kale, qaar ka mid ah qoysaska reer Kenya oo ay ka soo jeedaan askar kooxda Al-shabaab ka qabtay ciidamada Kenya ayaa dalbaday in loo soo daayo "Waxaan codsanaynaa in Yesse Mule lasoo daayo, waayo waa aabbe caruurtiisa u shaqeysan jiray," ayay yiraahdeen waalidka dhalay labadan ruux oo saxaafadda la hadlay, iyagoo sheegay in wiilkooda aanu shuqul ku lahayn arrimaha loo haysto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Truely Kikuyu mentality. Ilaahay kuwan ha naga ilaaliyo. they will sell you for a months pay check.

 

Irrelevent of what Abtigiis says, I rather have an Ethiopian any day over these Kikuyu. Atleast an Ethiopians has value's and fights for a cause.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this