Sign in to follow this  
NASSIR

Xuska Maalinta Af-Soomaliga: Bar ama Baro Afkaaga Hooyo

Recommended Posts

NASSIR   

66bed9f78c2b414fd6ce84ac077746de_XL.jpg

 

 

Garoowe;(SPR) Xuska maalinta loo aqoon saday inay tahay afka hooyo iyo dhaqankii suubanaa ee soomaaliya 21-febraayo ayaa lagu qabtay magalada garoowe xarunta Dowlada Puntland,waxaana soo qaban qaabiyay Gudiga horumarinta afka hooyo ee Puntland. Munaasibadaasi lagu xusayay maalinta afka hooyo ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxwayne ku xigeenka Puntland ahna siihaya madaxwayne Gen.Cabdisamad Cali Shire,Gollayaasha dowlada iyo marti sharaf kale oo isigu jira rag iyo dumar.

 

Waxaana madasha lagu xusayay maalintaasi qaaliga u ah shacabka Soomaaliyeed lagu soo bandhigay heeso ,murti iyo gabayo ka turjumaya afkeenii wanaagsanaa ee mudo 21-sano ah darsoomay waxaana kooxda Waabari Puntland ay soo bandhigeen heeso cajiib ah oo xanbaarsan dareen dhaqan iyo af, kuwaasi oo ka turjumayay sida dadka somaaliyeed looga baahan yahay inay kor u qaadaan dhaqankooda iyo afka soomaaliya.

 

Halkan ka dhageyso Barnaamij qaas ah oo ay soo diyaarisey Idaacada Bulshada Soomaaliyeed

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this