Sign in to follow this  
kingofkings

Ra’isul Wasaare Gaas oo gaaray Belgium-ka.

Recommended Posts

Brussels(puntlandi.com):- Ra’isul wasaaraha dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Proff, C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gaaray Caasimada wadanka Belgium ee Brussels.

Booqashada Ra’isul wasaaraha Soomaaliya oo qaadanaysa mudo labo cisho ah ayaa waxay timid kadib Markii uu Casuumaad rasmi ah ka helay Midawga Yurub, waxaana la filayaa inta uu jooga magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka in uu kulamo la qaato Madexda Midowga Yurub (EU).

 

Waxaa la filayaa in Ra’isul wasaaraha dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Proff, C/wali Maxamed Cali Gaas uu madexda Midowga Yurub aad ugala hadli doono arrimaha Soomaaliya oo ay ku jiraan horumarka Xukuumadiisu ay mudooyinkii ugu dambeeyay ka samaysay dhinac Amniga wadanka, arrinta Roadmap ka, qodobadii lagu heshiiyay ee ka soo baxay shirkii Garowe ee Puntland iyo arrimo kale oo dhamaantood ku salaysan xaalada wadanka Soomaaliya.

 

Ra’isul wasaare Gaas ayaa sidoo kale la filayaa in uu kulamo gaar ah la qaato Madexda Wadanka Belgium-ka oo uu iyagana kala hadli doono arrimaha Soomaaliya iyo taageerada Dawladu u baahan tahay ee dhinacyada nabadgalyada iyo horumarinta arrimaha Bulshada ah.

 

Intaasi kadib waxaa la filayaa in Ra’isul wasaaruhu isla Wadanka Belgium-ka kula kulmo Jaaliyada Soomaalida ee wadankaasi oo uu kala hadli doono arrimo la xiriira kaalinta ay ka qaadan karaan horumarinta wadanka islamarkaana uu uga warbixiyo guulaha dawladu ay ka keentay dhinacyada Amniga iyo horumarinta Wadanka.

 

Inta Ra’isul wasaaruhu joog wadanka Belgium-ka waxaa sidoo kale la filayaa in dhinacyada uu kulamada la qaadanayo kala hadlo arrimaha Amniga guud ee Dalka, iskaashiga dawladu ay la samaynayso Maamulada jira ee Wadanka, arrimaha dib u heshiisiinta, dhmaystirka dastuurka, dib u habaynta Golaha baarlamanka dawlada iyo shirka London.

 

SDC13347-640x480.jpg

SDC13353-640x480.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Brussels (RBC) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta waxaa booqasho rasmi ah oo labo cisho ah uga bilaabaneysaa magaalada Brussels ee dalka Belgium oo xarun u ah Midowga Yurub (EU).

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa casuumad rasmi ah ka helay madaxda Midowga Yurub oo uu kala hadli doonaa arrimaha Soomaaliya, horumarka baaxadda leh ee laga sameeyey dhanka Roadmap ka iyo shirarkii Garowe oo dhammaan ku dhammaaday guul, horseedna u noqday in Soomaalidu ay dhexdooda ka heshiin karaan, iskuna afgaran karaan arrimaha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo la qaadan doono madaxda Midowga Yurub oo uu ku jiro Madaxweynaha Midowga Yurub Barosso iyo madax kale. Sidoo kale Ra’iisul Wasaarahu waxuu kulamo la qaadan doonaa Golaha Ammaanka ee Midowga Yurub iyo madaxda dalka Belgium.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaarahu waxuu la kulmi doonaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee Belgium si uu ugala hadlo horumarka ballaaran ee dowladdu ka sameysey dhanka amniga, xiriirka maamulada, dib-u-heshiisiinta, dhameystirka dastuurka, dib-u-habeynta baarlamaanka iyo shirka London ka dhici doono 23ka February.’

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bruxelse(pi) Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa saaka kulamo kala duwan la qaatay masuuliyiin ka tirsan Midowga Yurub, kulamadaasoo ka dhacay xarunta EU ee Bruxelse wadanka Beljam, Ra’iisalwasaare Gaas iyo waftiga uu hogaaminayo wxay la kulmeen Madaxweynaha EU José Manuel Barroso, Andris Piebalgs oo xubin ka ah waaxda Horumarinta iyo Kristalina Georgieva oo iyana xubin ka ah qaybta Xiriirka Caalamiga ah ee EU. Kulamdii shalay iyo maanta uu Ra’iisal wasaare Gaas la qaatay madaxda Midowga Yurub ayaa ahaa kuwo guul kusoo dhamaadey, waxaana laga wada hadlay Xiriirka Somaliya iyo EU iyo sidii Midowga Yurub uga qaybqaadan lahaa dib u dhiska Soomaaliya xag dhaqaale iyo mid siyaasadeedba

 

p1i-1.jpg

pi.jpg

pi41.jpg

pi6.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this