Sign in to follow this  
kingofkings

(Sawirro) Dawlada hoose ee Gaalkacyo oo lagu wareejiyay Suuq cusub oo qudaarta ah iyo gaadiidka Nada

Recommended Posts

Gaalkacyo(puntlandi.com):- Dawlada hoose ee degmada Galkacyo ayaa lagu wareejiyay Suuq cusub oo loogu talagalay qudaarta Magaalada Galkacyo in lagu iibiyo iyo gaari nooca iskarogada loo yaqaano oo isna loogu talagalay in qashinka Magaalada looga daadgureeyo.

 

Suuqa weyn ee qudaarta oo maalmahan dambe dhismihiisu uu socday ayaa waxaa dhisay Shirkada dhimskaha ee NASTEEX waxaana dhaqaalaha ku baxay bixisay hay’adda Horn Releif oo ka mid ah hay’adaha ka hawgala Deegaanada Puntland.

 

Duqda degmada Gaalkacyo Saciid Cabdi Faarax ayaa si rasmi ah hay’ada ugala wareegay furaha dhismahan Cusub ee suuqa Qudaarta Gaalkacyo, wuxuuna uga mahadceliyay dhaaan dhinacyadii dadaalka ku bixiyay hirgalinta suuqan.

 

Daqiiqado kadib wuxuu duqu sidoo kale hay’ada Horn Releif kala wareegay Gaari nooca iskarogada loo yaqaano oo loogu talagalay in ay Magaalada ka qaado qashinka faraha badan ee dawladu ay xaafadaha ka soo ururiso.

 

Arrimahani waxay ku soo aadayaan xilli degmada Gaalkacyo ay ka socdaan dadaalo dawada hoose ee degmadu ay ku horumarinayso bilicda iyo nadaafada Magaalada Gaalkacyo.

 

Cumaryare, Gaalkacyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

aamulka Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa maanta lagu wareejiyay Suuq cusub oo loogu talagalay qudaarta Magaalada Galkacyo in lagu iibiyo iyo gaari loogu talo galay inuu nadaafada qeyb ka qaato islamarkaana qashinka magaalada uu ka dheereeyo.

 

Shirkada dhimskaha ee NASTEEX ayaa soo gabagabeysay dhismaha suuq cusub oo laga hirgeliyay gaalkacyo iyadoo dhanka maalgelintana ay lahayd hay’adda Horn Releif waxaana suuqaasi si rasmi ah loogu wareejiyay dowlada hoose ee Magaalada Gaalkacyo.

 

Duqda degmada Gaalkacyo Saciid Cabdi Faarax oo si gaar ah furaha loogu wareejyay dhismahan cusub ee suuqa Qudaarta Gaalkacyo ayaa uga mahadceliyay dhaaan dhinacyadii dadaalka ku bixiyay hirgalinta suuqan,sidoo kale isla maanta duqa ayaa Horn Releif kala wareegay baabuur nooca iskarogaha loo yaqaano oo loogu talagalay inuu Magaalada ka qaado qashinka faraha badan ee dawladu ay xaafadaha ka soo ururiso.

 

Baabuurka lagu wareejiyay dowlada hoose ayaa gacan ka gaysan doona dadaalka maamulka Gobolka Bari uu ugu jiro sidii bilicda magaalada loo soos aari lahaa mana aha markii ugu horeysay oo dowlada hoose ay la wareegto qalab loogu talo galay inay howshooda ku fudueystaan.

 

Gaalkacyo-Mudug

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this