Sign in to follow this  
walaalkis

Is the somali life worth anything

Recommended Posts

For one instant TFg crooks fight over nothing and innocent haween dead and no one is responsible.

This is madness . Almighty Allah will never give us peace . Where innocent life is lost continuously , ther will

Never be light . So These crooks and politicians can sign agreements but never we will achieve peace. There has to be

justice for the innocent people killed.

 

Iskahorimaad ciidammo kawada tirsan DKMG ah ku dhexmaray Muqdisho iyo Gaadiid Miineysan oo lasoo bandhigay *

 

Sabti, Feberaayo 18, 2012 (HOL) − Haweeney ayaa ku dhimatay laba qof oo kalena way ku dhaawacmeen iskahorimaad ciidammo kawada tirsan DKMG ah ku dhexmaray gallinkii dambe ee maanta xaafadda Taleex ee degmada Hodan. Iyadoo ciidamada nabadsugiddu ay soo bandhigeen laba gaari oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

 

Ciidamada uu dagaalku dhexmaray ayaa waxay isku khilaafeen dad barakacayaal ah oo doonayay inay dagaan hotel Taleex, iyadoo halkaas uu ka dhacay dagaal lamana sheegin khasaare soo kala gaaray labadii ciidan ee uu dagaalku dhexmaray.

 

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamadu ay isku adeegsadeen rasaasta fudud, iyadoo dadkii barakacayaasha ahaa ee doonayay inay halkaas dagaanna la kala eryay, waxaana ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo ciidamaddda DKMG ah ay ku dagaalamaan khilaaf ka dhashay dad barakacyaal ah.

 

Haweeneyda dhimatay ayaa la sheegay inay ka mid ahayd dadkii goobta horay u dagganaa, iyadoo labada qof ee dhaawacmayna ay ahaayeen shacab iyaguna ka mid ahaa dadka daggan halkaas.

 

Dhanka kale, taliyaha ciidamada nabadsugidda DKMG ah, Khaliif Axmed Ereg ayaa wuxuu kusoo bandhigay isgoyska KM-4 laba gaari oo la sheegay inay ka buuxeen waxyaabaha qarxa iyo darawalladii waday.

 

Taliyuhu wuxuu sheegay inay baaris ku hayeen labada gaari ayna ku guuleysteen inay qabtaan oo ay ka furaan waxyaabaha qarxa, waxaana labada darawal midkood oo saxaafadda la hadlay uu sheegay inuu gaariga kasoo kexeeyay Ceelasha biyaha balse uusan ogeyn waxyaabaha qarxa ee lagu qariyay.

 

Gaadiidkan la qabtay ayaa waxay imaanayaa kaddib markii uu shalay gudaha CID-da ku qarxay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay iyo iyadoo Al-shabaab ay ku hanjabtay inay kordhin doonto qaraxyada ay ka geysanayso Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this