Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: PM of Somalia arrives in Puntland for the second phase of Garowe Conference: PICS

Recommended Posts

Updated About:9 hours ago0

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi ka kooban Wasiiro ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, iyadoo la filayo in maalinta berri ah uu ka furmo shirka Garowe2.

 

Wefdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa si diiran ugu soo dhoweeyey garoonka madax uu horkacayay madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo madaxweyne kuxigeenka Mudane C/samad Cali Shire iyo sidoo kale Wasiiro Xildhibaano, saraakiil, iyo dadweyne aad u tiro badan, wuxuuna R.wasaaruhu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidankan Puntland.

Ra’iisul Wasaaraha oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in imaatinkiisu uu la xiriiro shirka maalinta burrito ah laguw ado inuu ka furmo magaalada Garoowe isaga oo ku tilmaamay shir muhiimad gaar ah xambaarsan maadaama looga arrinsanayo sidii dalka loogu sameyn lahaa Dastuur ay ku dhaqanto maadaama ay la qaatay Nidaamka ku dhisan Federaalka.

 

“Waxaan halkan u imid sidii aan uga qeybgali lahaa shirka Garowe2 oo daba socda shirkii horay halkan uga dhacay, wuxuuna xambaarsan yahay muhiimad gaar ah maadaama looga hadlayo sidii dalka loogu sameyn lahaa Dastuur” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo tilmaamay inuu filayo in shirkani ay ka soo baxdo natiijo wanaagsan.

 

 

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in diirada la saari doono dabogalna lagu sameyn doono go’aanadii ka soo baxay shirkii midkan ka horeeyey ee (Garowe Principles), si looga gun gaaro go’aanada iyo balanqaadyadii horey loogu heshiiyay.

 

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirka Garoowe oo furmaya iyo Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlay

 

Garoowe :( Sh. M. Network) Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxa uu ka warbixiyay qorshaha Shirka wadatashiga Soomaaliya ee saacadaha soo aadan ka furmamaya magaalada Garoowe.

 

Shirkaani oo lagu wado in saacadaha soo aadan ee maanta laga furo magaalada Garoowe ayaa waxaa ka qeyb galaya dowladda KMG, Ahlu Sunna, Galumug, Puntland iyo beesha Caalamka.

 

Amaanka magaalada uu Shirka ka dhacayo ee Garoowe ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana halkaasi kusii qulqulaya ka qeybgalayaasha oo si wayn loogu soo dhawaynayo magaalada.

 

Dhinaca kale isagoo Wariyaasha kula hadlayey Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya C/wali Max’ed Cali magaalada Garoowe oo shalay halkaasay gaaray ayaa waxa uu ka hadlay waxyaabaha diiradda lagu saarayo Shirka wadatashiga oo wajigiisa labaad uu ka fumayo magaalada Garoowe.

 

C/wali ayaa sheegay in Shirkaasi looga hadlayo labo arimood oo ka mid ah Roadmap-ka kuwaasi oo kala ah sidii loo samayn lahaa dastuur dowladeeda sida dowladaha Caalamka iyo mid Federal ah si ay dowladda KMG Soomaaliya ay ugu gudubto dowlad rasmi ah dhibaatadana looga baxo.

 

Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG ayaa sidoo kale sheegay in magaalada Garoowe saacadaha soo aadan ay sidoo kale soo gaarayaan Wafuud ay ka mid yihiin Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha barlamanka, isagoo sheegay in Shirka uu soconayo 3 maalmood rajo wanaagsana uu ka qabo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe: Shirka wadatashiga Dastuurka oo maanta furmaya

 

Updated:- 7 mins ago| 0 Commnets

 

Magaala madaxda Puntland ee Garoowe waxaa ka socda diyaar garowgii ugu danbeeyey ee qabsoomidda shirka wadatashiga Dastuurka oo maanta furmaya.

 

Inta badan wufuudii shirkaas ka qeyb geli lahayd ayaa magaalada Garoowe soo gaarey, waxaase jira qaar kamid ah ergooyinka oo weli la sugayo

 

Dhinaca kale ammaanka magaalada Garoowe ayaa maanta si aad ah loo adkeeyey gaar ahaan agagaarka jaamacadda PSU oo hoolkeeda uu maanta shirku ka furmayo.

 

Weriyaha Horseed Media ee Garoowe oo isagu xiligan ku sugan meel u dhow goobta uu shirku ka dhacayo oo aan khadka Telefoonka kula xiriinay ayaa kusoo waramaya in qaban qaabo xoog lihi ay socoto inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin wakhtiga uu shirku bilaabmi doono.

 

Shirkan ayaa daba socda kii dhamaadkii sanadkii tegey isla xarunta Puntland ee Garoowe ka dhacay, waxaana ka qeyb gelaya ergooyinkii joogey kii hore oo kala metelaya DKG, Puntland, Gal-mudug, iyo Ahlu-Sunna.

 

Qodobada ugu muhiimsan ee lagu gorfeynayo inta uu shirkani socdana waxaa kamid ah dib u eegista Dastuurka qabyada ah iyo meel marinta habka maamul ee ay ku shaqeyn doonto dowlada cusub ee marka marxaladda KMG ah laga baxo imaan doonta.

 

Horseed Media waxay bahweynta ku taxan u balan qaadaysaa soo gudbinta sawirada iyo weliba khudbadaha ay mas’uuliyiinta kala duwani ka jeediyaan furitaanka shirka.

 

 

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this