Sign in to follow this  
kingofkings

Shirkada Biyaha Gaalkacyo oo Ceelal hor leh ka qotay Magaalada Gaalkacyo.

Recommended Posts

Shirkadda biyaha magaalada Gaalkacyo ee Galwa ayaa soo afmeertay qodista ceelkii 6-aad oo ka mid ah ceelasha ay magaalada Gaalkacyo dadka ku nool ka helaan adeegga biyaha. Maareeyaha shirkada biyaha ee Gaalkacyo Fuaad abshir Xasan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dadaal badan ay ku bixiyeen qodida Ceelkan si uu u buuxiyo Baahida Biyaha ee Magaalada Gaalkacyo ka jirta, iyadoo horay ay Celado kala duwan u soo gaareen Ceelashii ay shirkadu magaalada biyaha ka siin jirtay. Qodista ceelkan ayaa waxaa ku guulaysatay shirkada qodosta iyo dayactirka ceelasha Soomaliya ee ( Somali Drilling crop) oo fadhigeedu yahay magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug waxaana ay ku qaadatay mudada ay ceelkan qodaysay shirkadu sida uu sheegay maamulaha shirkadan maxamuud cabdi yare 15 casho oo kaliya. Mudane maxamuud cabdi yare ayaa dhanka kale sheegay in ay jiraan ceelal dhawr ah oo ay ka qodeen magaalooyinka iyo dhulka miyaga ah ee gobolka mudug isagoona ku daray in haatan ay hayaan dalabaad kale oo ay dhawaan qodi doonaan. Shirkada qodista iyo dayactirka ceelasha ayaa ee somali Drilling crop ayaa ka mid ah shirkadihii sida weyn uga qayb qaatay samata bixinta dadkii ku abaaroobey baadiyaha gobolka Mudug iyo qaar ka mid ah deegaanada gobolada dhexe ee Soomaliya . Dhamaan shacabka ku nool Magalada Gaalkacyo ayaa aad u soo dhaweeyay dhamaystirka ceelkan cusub oo ay qodotay shirkada biyaha ee Gaalkacyo (Galwa) waxana ceelkan uu haqab tiri doonaa baahida loo qabo biyaha oo waayadan aad u yarayd iyo ceelasha shirkada oo ahaa ku aan ku filnayn bulshada ku nool magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gaalkacyo(PV):- Mid ka mid ah shirkadaha soo saara biyaha ee Puntland gaar ahaan shirkada shirkadda biyaha (Somali Drilling crop) Galwa ee magaalada Gaalkacyo ayaa dhemeysay soo saarista ilaa 6 ceel biyood.

 

Shirkadaani Galwa ayaa biyo ka qodey Gaalkaco ilaa 6 ceel biyood kuwaasoo dhamaantood ay biyuhu banaanka yimaadeen markii dadaal badan ay sameeyeen.

 

Fuaad abshir Xasan oo ajh Maareeyaha shirkada biyaha ee Gaalkacyo ayaa sheegay in dadaal badan ay ku bixiyeen qodida Ceelkan si uu u buuxiyo Baahida Biyaha ee Magaalada Gaalkacyo ka jirta, iyadoo horay ay Ceelal kala duwan u soo gaareen Ceelashii ay shirkadu magaalada biyaha ka siin jirtay.

 

Shirkada Somali Drilling crop oo fadhigeedu yahay magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug ayaa mudada ay ceelkan qodaysay ku qaadatay 15 cesho sida uu cadeeyay maamulaha shirkadan maxamuud cabdi yare.

 

Maaha markii ugu hreysay ee isla shirkadaani qodo ceelal biyoodyo hore ayay ugu guuleysteen inay deegaanada Puntlanda fuliyaan qodistaa ceelal intaan ka sii badan.

 

Xafiiska Garoowe

puntlandvoice.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this