Sign in to follow this  
General Duke

Britain: waxa la joogaa xiligii aan hormuud u noqon lahayn xal u helidda Soomaaliya

Recommended Posts

Updated:- 2 mins ago| 0 Commnets

 

Wasiirka Britain u qaabilsan arimaha Africa ayaa sheegay in la joogo xiligii saxda ahaa ee ay dowlada Ingiriisku hormuud u noqon lahayd nabad kusoo dabaalidda iyo xal u helidda dhibaatooyinka mudada 20-ka sano ka badan ka jirey dalka Soomaaliya.

 

Henry Bellingham ayaa warkan sheegay mar uu waraysi gaar ah siinayey Idaacadda VOA laanteeda afka Soomaaliga, wuxuuna intaas ku daray in Britain ay isu xil saartay hogaaminta dadaalka caalamiga ah oo ku wajahan xal u helidda dhibaatooyinka Soomaaliya.

 

Bellingham ayaa mar uu ka jawaabayey su’aal la weydiiyey oo ku saabsanayd Safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya iyo sida ay suurtagal u tahay in Safiirka Soomaaliya loo soo magacaabay uu meel aan magaalada Muqdisho ahayn ugu howl galo wuxuu yiri:

 

“ Tani waa ku talagal keena, danjiraheena waxan dooneynaa inuu Muqdisho tago, laakiin waxaa muhiim ahayd marka hore inaan ku dhawaaqno ku talagal keena ”

 

Wuuuna intaas raaciyey: “ Magacaabista Safiirkani waxaa fariin cad oo muujineysa sida ay Britain uga go’an tahay xal u helidda dhibaatooyinka Soomaaliya, waxan dooneynaa inaan qayb ka qaadano nabadda iyo wax walba oo soo maaliya looga dhalin karo degenaasho buuxa”

 

Wasiirka Britain u qaabilsan arimaha Africa Henry Bellingham ayaa ugu danbeyntii mar la weydiiyey muhiimadda uu dowlada Britian u leeyahay shirka 23-da bishan magaalada London ka furmayo ee arimaha Soomaaliya looga hadli doono sheegay in dowlada Ingiriisku aysan wadin qorsheyaal cusub oo wax looga bedelayo dadaaladii xal u helidda dhibaatooyinka Soomaaliya ku aadanaa ee horay u socdey.

 

“ Ma dooneyno inaan la nimaadno wax ka bedelan dadaalada hada socda, laakiin Britain waxay dooneysaa inay horumariso dadaaladaas oo ay wax ku biiriso, waxan dooneynaa inaan hormuud u noqono talaabooyin kale oo caalami ah oo laga qaato arimaha Soomaaliya ”

 

Dowlada Britain oo kamid ah dalalkii Soomaaliya horay usoo gumeystey waxay u muuqataa xiligan mid si aad u ah danaynaysa arimaha Soomaaliya, in badan oo kamid ah dadka Siyaasadda aqoonta u leh iyo kuwa wax dhiraan dhiriya ayaana sheki ka muujinaya waxa xiligan kusoo beegay dadaalka Britain ee ku aadan sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka mudada 20-ka sano ka badan ka aloosnaa dalka Soomaaliya.

 

In badan dadka wax faaleeya ah ayaana saadaaliyey in shirka dhowaan magaalada London ee caasimada Ingiriiska ka furmi doonaa uu noqonayo mid dhabaha u xaara Ictiraaf ay Somaliland oo ah dhulkii uu horay ingiriisku u guumeysan jirey islamarkaana in mudo ah ku howlanayd sidii ay Soomaaliya inteeda kale uga go’i lahaydi hesho.

 

 

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this