Sign in to follow this  
Timur

Drilling Equipment prepared for Sanaag Exploration

Recommended Posts

Timur   

Maamul Goboleedka Puntland Oo Bariga Sanaag Ka Wada Shidaal Baadhis Iyo Riigag La Keenayo Deegaamadaas.

 

Majayahan(Ramaas) Feb,05, 2012- Maamul goboleedka Puntland ee Waqooyi Bari Soomaaliya, ayaa sahan xoog leh oo uu shidaal ku baadhayo ka wada dhul ballaadhan oo ka tirsan gobolka Sanaag ee Somaliland, waxaana halkaas loo dirayaa kooxo khuburo ah oo ka socda shirkada la yidhaahdo Africa Oil oo hadda ka hawlgasha Puntland.

 

Khuburada ka socota shirkadda shidaal qodida ee dalka Canada, ayaa gaadhi doona deegaanka Majayahan ee Sanaag ,iyada oo hore jiidaas loo geeyo dad u dhashay Puntland iyo Sanaag Bari oo wada wacgelin ay bulshada kaga dhaadhacinayaan fariinta maamulka Garoowe, waxaana si dhakhso ah loo bilaabayaa sahaminta, iyada oo la diyaariyay riigaga shidaalka oo wakhtigan Gaas iyo Petrol ka baadhaya deegaanka Dharoor oo ka tirsan gobolka Bari.

 

Sida uu maanta shaaca ka qaaday Siciid Faarax oo ka tirsan saraakiisha shirkadda Africa Oil, waxa ay dhawaan diri doonaan dad aqoon u leh shidaalka, oo tagi doona dhulka ku xeeran Majayahan oo la aaminsan yahay in uu ku jiro khayraad dabiiciya oo badan, iyada oo sannado ka hor ay rabshado dhimasho iyo dhaawac gaystay dhexmareen maamulka Puntland iyo dadka deegaanka oo ka gadooday in si aan sharci ahayn loo bililiqayso khayraadkooda.

 

“ Waxa aan tagaynaa meelo badan oo Puntland, waxa ku jira dhulkan khayraad badan sida shidaalka kala duwan iyo macdan, hadda hal keer Dharoor hawshii waa gabagabo waxa ku jira shidaal dhan ilaa laba milyan oo foosto, Majayahan oo Sanaag ka tirsan waanu tagaynaa, waxa hore u joogay dad nala shaqeeya” ayuu yidh Siciid Faarax.

 

Puntland ayaa faragelin jooogta oo siyaasada iyo dhaqaalaha ku haysa dhulka Bariga oo ah meelo aanuu ka talin maamulka Somaliland, waxaana ay xilligan indhaha ku hayaan fursadaha dhaqaalaha ee laga heli karo gobolada Sool iyo Sanaag Bari, iyaga oo la kaashanayao shirkaddo shisheeye ah.

 

Ramaasnews desk

 

Hargeisa

We will see what this brings to the people of Sanaag, Allah khayr ha ka dhigo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this