Sign in to follow this  
Liibaan

Wasiirka Ingiriiska Oo Somaliland Hoos-Geeyay Dawlada Sh. Shariif, Tafaasiil WalWal Lehna Ka Sheegay

Recommended Posts

Liibaan   

Source: Ramaas (somalidiid website)

 

 

Wasiirka Afrika Ee Ingiriiska Oo Wareysi Uu Bixiyey Somaliland Ku Hoos-Geeyay Dawlada Sh. Shariif Ee Soomaliya, Tafaasiil Wer-Wer Lehna Ka Sheegay Maxsuulka Shirka London

 

Hargeysa (Ramaas) Feb 5,2012 – Wasiirka dawlada boqortooyadda Ingiriiska u qaabilsan arimaha Afrika Mr. Henry Bellingham, ayaa ka hadlay shirka kooxaha Soomalida loogu qabanayo Magaaladda London, waxaanu sheegay in lagu casuumay guud ahaan maamuladii saxeexay heshiiska Road-Map-ka.

 

Wasiirku waxa uu dawlada ku meel-gaadhka ah ee uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ka soo qaaday xukuumad si guud uga wada talisa guud ahaan dalka Soomaliya oo ay Somaliland ku jirto, isaga oo hadalka u dhigay in shirka London lagu casuumay xukuumadda (DKM) iyo maamulada kale, isaga oo uu ka xusay Somaliland, Puntland, Gal-mudug iyo Ahlu-suna oo uu sheegay inay saxeexeen heshiiska qorshaha nabada ee Road-Map-ka.

 

Mr. Bellingham oo la waydiiyey hanaanka ay u soo xuleen cida shirka London ka qayb-galaysa ayaa sheegay inay shirka ku casuumeen dhammaan saxiixayaashii Roadmap-ka, sida DKMG ah, Puntland, Galmudug iyo Ahlusunna iyo sidoo kale Madaxweynaha Somaliland.

 

Wasiirka Afrika ee dawlada Ingiriiska waxa uu ka hadlay ujeedada shirka London “Shirkan waa mid ku saabsan wadashaqeyn dhex-marta beesha calaamka, waxaana lagu casuumay xukuumadda iyo maamullada kale." Ayuu yidhi isaga oo dawlada Somaliland hoos geynaya xukuumadda Sheekh Shariif hogaamiyo oo todobaadkan dawladiisu safiir u magacowday.

 

 

 

 

 

Wasiirka Afrika ee Britain waxa kale oo uu sheegay inay filayaan in shirka London taageero loogu raadinayo dawlad loo dhiso Soomaliya “Waxaan doonaynaa inaanu dhisno taageero ay ka wada shaqeeyaan Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo ururrada kale. Sidoo kale waxaan doonaynaa in Soomaalida dib u dhiska laga taageero waayo taasi waa fursad qaali ah oo horteenna taalla” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxaan rajeynayaa shirkan inuu noqon doono mid lagu mideeyo howsha calaamka ee ku wajahan Soomaaliya, waana taas sababta aan ugu baahan nahay in Soomaaliya loo helo dowlad joogto ah oo caawisa shacabkeeda."

 

Wasiirkani waxa kale oo uu hadalkiisa ku daray “Waxaan haysannaa fursad aan ku caawin karno maamullada Somaliland iyo Puntland. Waxaana rajeynayaa inaan wadajir u shaqeyn doonno hirgelinta qorshooyinkaas," ayuu hadalkiisa ku soo gabgabeeyay.

 

 

 

Ramaasnews desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this