Jacaylbaro Posted February 4, 2012 Taleex(Waaheen) Dawladda Federalka Itoobiya ayaa la sheegay inay Ciidamadii Kililka Shanaad ee Liyuu Booliiska ka qaaday magaaladda Buuhoodle oo ay keentay Ciidamo ka tirsan Dawladda Federalka ee Itoobiya. Sida ay wararka naga soo gaadhaya Jiida Buuhoodle sheegayaana waxa soo degay dhinaca Dawladda Itoobiya Ciidamo aan hore u joogi jirin iyagoo sheegay in laga qaaday kuwii hore ee deganaa magaaladaasi. Sarkaal ka tirsan Somaliland ayaa Waaheen u xaqiijiyay soo dagitaanka Ciidamadda Dawladda Federalka ah waxaanu sheegay in Dawladda Itoobiya ay talaabadaasi u qaaday Cabashooyin badan oo looga gudbiyay Ciidankii Liyuu Booliiska ahaa waxaanu sheegay talaabadaasi inay tahay mid ku salaysan wada shaqaynta dhinaca Amniga oo ay koox deegaankaasi dhawaan timi khal-khal galisay. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur oo dhawaan Madaxda dhinaca Amniga ah ee Dawladda Itoobiya la kulmay ayaa mar uu Suxufiyiin Reer Somaliland ah oo ku sugnaa Addis Ababa ugaga waramay kulankaasi ayaa u sheegay inay ka wada hadleen sidii talaabo ay uga qaadi lahayd kooxda Taleex oo uu sheegay inay Itoobiya soo mareen markay rabshadaha ka bilaabayeen Barriga Somaliland waxaanu xusay labada Dawladood inay ka wada hadleen xoojinta Amaanka Jiidaas oo uu sheegay inuu jiray Heshiis 2005 tii ay wada galeen. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted February 4, 2012 Jb any source from the Ethiopians Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Hermet Posted February 4, 2012 Che -Guevara;784871 wrote: LOL CHE is a habashi by nationality anyway...any news on your homeland che? Quote Share this post Link to post Share on other sites