Sign in to follow this  
General Duke

ROME: PM Abdiweli meets, Italian PM, Defence Minister Foreign Minister: PICS

Recommended Posts

97D4721.jpg

 

Ra’iisul Wasaare Abdiweli oo la kulmay Ra’iisul Wasaare Mario Monti

 

Updated:- 1 day ago| 2 Commnets

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali oo maalmahanbooqasho rasmi ah ku jooga Rome ka dib markii uu casuumaad rasmi ah kahelay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga ayaa maanta kulan dheer la qaatayRa’iisul Wasaaraha Talyaaniga Mario Monti.

 

Labada Ra’iisul Wasaare oo labadaba ah Professoro dhanka Dhaqaalaha ahayaa yeeshay kulan dheer oo ay uga wada hadleen arrimo dhowr ah oo ayka mid yihiin xiriirka qotada dheer ee labada dal, arrimaha amniga,burcad-badeeda, Qaxootiga Soomaalida, Roadmap ka iyo shirka London ee23ka Febraayo.Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa uguhorreyntii uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Mario Monticasuumaada rasmiga ah iyo soo dhoweyntii quruxda badneyd ee wafdigiisaloo sameeyey.

 

Ka dibna waxuu warbixin kooban ka siiyey xaaladdaSoomaaliya iyo horumarka baaxadda leh ee ay Dowladdu ka sameeyseylixdii bilood ee la soo dhaafay dhanka amniga, xiriirka maamulada, dibu heshiisiinta, maamul wanaaga, dastuurka iyo dib u habeyntabaarlamaanka.Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Mario Monti ayaa ballanqaaday inuu garabtaagan yahay Soomaaliya isla markaana ay Talyaaniga ka caawini doonaanshacabka soomaaliyeed arrimaha soo celinta amniga, gar-gaarkabani’aadanimo, dib-u-dhiska dalka iyo sidii dhalinyarada Soomaaliyeedloogu sameyn lahaa mashaariic horumarineed. Ra’iisul Wasaare Montiayaa sheegay in Shirka London uu Talyaaniga si weyn u taageeri doonoqorshaha Soomaalidu ay wadato ka dib markii uu dhageystay Ra’iisulWasaaraha Soomaaliya oo ka codsaday in shacabka Soomaaliyeed ay kasugayaan Shirka London inuu garab istaago Roadmap ka iyo Garowe Principles oo la doonayo in baarlamaan tiro yar oo tayo leh la sooxulo, isla markaana la dhameystiro dastuurka si looga gudbo marxaladdakala guurka ah.

 

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa sheegay inShirka London laga filan karo inuu dib-u-soo nooleeyo hay’adaha amnigaSoomaaliya, iyo in August 2012 ay dhacdo doorashooyin.Labada Ra’iisul Wasaare ayaa waxey si saraaxad leh uga wada hadleensidii Soomaaliya loogu heli lahaa xal oo ay isku af-garteen.

 

Xafiiska Raysalwasaaraha Soomaaliya

 

Faafin Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

97D4435.jpg

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Wasiirka Difaaca Talyaaniga

 

Updated:- 2 days ago| 1 Commnets

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali iyo wafdi uu hoggaaminayo oo beryahan booqasho rasmi ah ku jooga dalka Talyaaniga ka dib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga ayaa waxuu kulan dheer la qaatay Wasiirka Difaaca Talyaaniga H.E. Gianpaolo Di Paola oo ay ka wada hadleen arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga, xaaladda dalka Soomaaliya iyo sidii Wasaarada Gaashandhiga ee Talyaaniga ay iskaashi wada shaqo la yeelan laheyd Wasaaradda Gaashandhiga ee Soomaaliya.

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa warbixin dheer siiyey Wasiirka Difaaca Talyaaniga oo ku aadan horumarka baaxadda leh ee laga sameeyey soo celinta amniga iyo kala danbeynta, sida Xoreyntii Muqdisho, Jubbooyinka, Gedo iyo Beledweyn, Dadaalka Dowladda ee Qorshaha Xasilinta Amniga Qaranka (NSSP), iyo howlgalka ballaaran ee lagu xoreynayo dhammaan gobolada dalka ee ay Al-Shabaab joogaan.

 

Wasiirka Difaaca Talyaaniga Gianpaolo Di Paola ayaa si diiran u soo dhoweeyey Ra’iisul Wasaare Abdiweli una sheegay in Talyaaniga uu si aad iyo aad ah u xiiseynayo arrimaha Soomaaliya diyaarna u yahay inuu saacido. Gianpaolo ayaa ku ammaanay Ra’iisulwasaare Abdiweli horumarka baaxadda leh ee uu ka sameeyey soo celinta amniga, Xiriirka maamulada dalka iyo Dowladda, Dib-u-heshiisiinta, Dastuurka iyo Roadmap ka.

 

Labada mas’uul waxey isla garteen in Talyaaniga uu Saacido Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, tababaro loo fidiyo ciidanka, in dib loo soo nooleeyo ciidankii Cirka ee Soomaaliya iyo in dib u dhis lagu sameeyo Ciidankii Soomaaliya iyo Qorshaha Xasilinta Amniga Qaranka. Wasiirka Difaaca waxuu sheegay inuu diyaar u yahay in labo guddi ee labada wasaaradood ee gaashandhiga ay ka wada shaqeeyaan xiriirka labada wasaaradood.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Horseed Media

 

Xigasho: Xafiiska Raysul Wasaaraha

Share this post


Link to post
Share on other sites

97D4529.jpg

 

[b ]Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga [sawiro][/b]

 

Updated:- 2 days ago| 0 Commnets

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali oo maalmahan booqasho rasmi ah ku joogey Talyaaniga ka dib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Dowladda Talyaaniga ayaa kulan dheer la qaatay Wasiiradda Arrimaha Gudaha ee Talyaaniga H.E. Annamaria Cancellieri. Kulanka labada mas’uul ayaa waxey uga hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga, sidii Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Talyaaniga ay xiriir wadashaqeyn ula yeelan laheyd Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya.

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa marka hore uga mahadceliyey Wasiiradda sida quruxda badan ee loo soo dhoweeyey isaga iyo wafdigiisa. Sidoo kale Wasiiradda Talyaaniga Annamaria Cancellieri ayaa ku ammaantay Ra’iisul Wasaaraha sida uu horumarka weyn uga sameeyey arrimaha amniga isla markaana u soo celiyey rajadii Soomaaliya oo ay sheegtay in beesha caalamka ay u soo jeesteen arrimaha Soomaaliya.

 

Labada mas’uul ayaa ugu danbeyntii waxey isla garteen in Booliska Soomaaliyeed iyo Booliska Talyaaniga ay wada saxiixdaan heshiis iskaashi oo Booliska Soomaaliyeed loo fidiyo kaalmo dhanka qalabka, Lojistikada iyo kor u qaadida tayada ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Waxey kaloo isla garteen in Soomaaliya laga saacido maalmul u sameynta degmooyinka laga xorreeyo Al-Shabaab iyo la dagaalanka burcadbadeeda in laga saacido Soomaaliya soo nooleynta Ciidanka Xeebaha iyo u sameynta mashaariic horumarineed si dhalinyarada ay looga fogeeyo falalka burcad-badeeda. Ugu danbeyntii waxey labada masìuul isla garteen in Qorshaha Xasilinta ee Amniga Qaranka Soomaaliyeed la dhaqangeliyo oo Talyaaniga uu kaalintiisa ka cayaari doono.

 

Horseed Media

 

Xigasho: Xafiiska Rasal Wasaaraha

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guilio-Terzi41.jpg

 

Ra’iisul Wasaare Abdiweli oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Talyaaniga [sawiro]

 

Updated:- 2 days ago| 0 Commnets

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Talyaaniga ayaa kulan dheer la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Talyaaniga H.E. Giulio Terzi. Kulankan ayey labada mas’uul uga hadleen xiriirka qotada dheer ee labada dal, xaalada dalka Soomaaliya, arrimaha Burcad-badeeda, arrimaha Amniga iyo Shirka London.

Kulanka ka dib ayey labada mas’uul wada qabteen shir-jaraa’id oo ay saxaafadda kula hadleen Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Talyaaniga. Raìiisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Talyaaniga sida ay uga go’antahay in la sii xoojiyo xiriirka qotoda dheer iyo u gargaarida shacabka Soomaaliyeed. Labada mas’uul waxey sheegeen inay ka wada hadleen arrimo muhiim u ah labada dal, ayna rajeynayaan inay sii xoojiyaan xiriirka labada dal. Sidoo kale waxey labada mas’uul sheegeen inay ka wada hadleen shirka London oo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya sheegay in la rajeynayo in shirkaas uu middeeyo beesha caalamka oo ay u soo jeestaan sidii xal waara loogu heli lahaa Soomaaliya, isla markaan lagu sii horumarin lahaa dadaalada socda iyo horumarka laga sameeyey dhanka Amniga, Dib-u-heshiisiinta, Xiriirka maamulada iyo Dowladda, Maamul wanaaga, Dastuurka qabyada ah iyo dib-uhabeynta Baarlamaanka. Wasiirka Arrimaha Dibedda Talyaaniga ayaa sheegay in Talyaaniga uu tagayo shirka Lodon isla markaana taageeri doono mowqifka Soomaalida si xalku u noqdo mid ay Soomalidu leedahay.

Raìiisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa Qado sharaf u sameyey Wasiir ku xigenka Arrimaha Dibadda Talyaaniga H:E. Staffan De Mistura oo ay labada mas’uul ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal.

Raìiisul Wasaaaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato Wasiirada Gaashandhiga, iyo Arrimaha Gudaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Talyaaniga.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this