Sign in to follow this  
Umm al_khair

RAACITAANKA SALAFKA!

Recommended Posts

RAACITAANKA SALAFKA!

 

· waa maxay micnaha as-salaf?

 

 

 

As-salaf. Micnihiisu luqada carabida waa (al-maadi) wixii tagaysidaaabaoyaashaa iyo dadkaagii hore sidaawaw yaashaa iyo wixii lamida. Illahay quraanka marka uu kuleeyahay (fajacalnaahum salafan) waxaa loo jeeda waxaanu ka yeelnay qaar tagay( suuratu zukhruf 56).

 

 

 

Sharciga waxaa as-salaf loo yaqaanaa saxaabadi rasuulka iyo cidii dariiqooda raacday ee labadii qarni ee ku xigay ah taabiciintii iyo atbaacu taabiciintii. Ahlul cilmiga qaar saxaabada ku gaaryeelay magacan waa jiraan lakiin sidaa xooga badan leh waa iney yihiin saddexda qarni, iyada oo laga fahmaayo xadiithka uu nebigu yidhi “ dad waxaa u khayr badan qarnigeyga, kuwa ku xigga iyo kuwa kusiii xigga) markaa nebigu waxaa u ku daray laba qarni oo kale kadibna waxa uu uga markhaati kacay khayr. ( weliba waxa loo jeeda saxaabada rasuulka iyo cidii wadadooda raacday, cidii ka jeesatay wadadii saxaabada iyaga oo waqtigoodi xitta noola kama mid aha salafka, markaa waxaa baxaaya ahlul bidacii waqtiyadaas jiray oo dhan)

 

 

 

As-Salafu-saalix haddi la yidhahdo oo as-saalix la raaciyo waxa baxaaya dhamaan ahlul bidaca oo dhan xitta hadday waqtigii saxaabada noolayeen, haddi aan as-saalix la raacinin (alif iyo laamka ) ku jira ayaa tilmaamaya iney yihiin salafkii la yaqaaney ee wanaagsana. Marwalbana waxa laga tilmaamaya cidii aan ka leexanin wadadoodi. Saxaabadii nebigana waa toosnaayeen, cidii wadadooda racdaana iyaga ayey ka mid yihiin.

 

 

 

Hadday tahay caqiido, hadday tahay akhlaaq hadday tahay dacwo, haday tahay cibaado, dhamaan in lagu raaco, oo wadadii nebi muxammad iyo saxabadiisa iyo intii wanaaga ku raacday mareen in la maro, ayaa qof walba oo muslim ah saran , inuu naftisa kusoo dabaalo kuna dadaalo.

 

 

 

Marka aynu leenahay khayr ayaa looga markhaati kacay ma aha micnaheedu sida dadka qaar moodeen, in waqtigu uu khayr badnaa oo keliya, laakin dadka noola ayya khayr badnaa, waxayna ku khayr bateen waa camal iyo sifooyin ay la yimaadeen, camalkaas iyo sifooyinkaasna waxa saran qof kasta oo muslim ahii inu raaco.

 

 

 

· Wa’ayo salafiyuun?

 

 

 

Arrinta ah in cidii salafka raacda ee ku dayataa au isku magacaaban oo la yidhahdo as-salafiyah ( cidii raacdana la yidhahdo salafiyuun) , firqo gaar ah looma jeedo, lakiin cidwalba oo dariiqi saxaabda nebiga iyo atbaacdoodi wanaaga ku raacday ay mareen oo dhan ayya soo galaaya, marka waa manhaj qofkasta uu la iman kara ama uu raaci kara ama uu mari karo, waxaana la macno ah magacyada kale ee ahlul cilmigu ay isticmaalan sida;

 

· Ahlul sunnati wal jamaaca

 

· Ahlul xadiith

 

· Ad-daaifatul mansuura

 

· Al-firqatu naajiyah

 

· As-salafiyah

 

· Al-jamaaca

 

Salfka raacitaankisa loogama jeedo arrimo gaar ah in lagu raacayo oo inta kale laga tago, lakiin marka la yidhahdo salafka raacitaankisa, islaamki oo dhan in la qaato ayya soo galaaya oo loo jeeda, sidaa uu illaahayba yidhi

 

“kuwii Illahay rumeeyayow! Waxaad soo gashaan islaamnimada iyada oo dhameystirani (oo aad shareecada oo dhan qadaneysa oo aydaan qaarna katageyn qaarna qadaneyn)

 

 

 

sidaas baa looga jeeda lakiin in arrimo gaar ah la qaato, diinta inta kalena laga tago, salafiyada sidaas loogama jeedo, islaamka oo dhameystirankiisa loo qaato iyo balaadhnatiisa ayya la yidhahda salafiya.

 

 

 

Salfkuna sidaas bey ahayeen oo islaamnimada si dhameystirani bey u qaateen, iyaga oo arrin walba halku ku haboona ay dhigeen ee sharcigu dejiyey.

 

 

 

wadada lagu badbaadaya waxa ay tahy iyada oo kitaabka Illahay iyo sunnada nebiga scw la raaco, oo sida loo raacayaana ay noqota sida salafu-saalix ufahmeen una dhaqan geliyeen, in sidaas oo kale loo fahmo loona dhaqan geliyo, wadad logu badbaadaya taas weyaan.

 

In kitaabka iyo sunnada la qaato oo badbaado iyo hanuun ku jiro qur’aanka iyo sunnada ayaa inoo tilmaamaya.

 

Rasuulku waxa uu yidhi scw “waxaan idinka tagay dabadey laba arrimood o hadaan qabsataan aydaan lumeynin, kitaabka Alle iyo sunnadeydaâ€

 

Xadithkuna waxa uu inoo tilmaamaya in kitaabka iyo quraaka iyo sunada haddi la qaato aan lalumeynin, labadaas in lagu badbaadayo laguna hanuunaayo, badidana lagaga baxsanaayey iney yihiin ayuu inoo tilmaamaya xadiithku.

 

 

 

Muslimiinta badankoodu waxay odhanayaan kitaabka iyo sunada waano oogalnahay, hadana waxa dhacday iney dad badani bidcooyin iyo inxiraafyo badan ay ku dhaceen iyaga oo u nisba sheeganaya kitaabka iyo sunada nebiga scw, hadaba kitaabka iyo sunada sidee loo fahmayaa?

 

Ma waxaa loo fahmaya sidey salafu-saalix ufahmeen mise siday qofka ula muuqato ayyu u qadanaya, mushkilado halkaas ayey dadka badankooda kaga sugan tahay.

 

Waajib waxa ah in loo fahmo sidey u fahmeen salafu-saalix, dadka qaar waxay odhan saxaabadu rag bey ahayeen inaguna ragbeynu nahay markaas waa inaynu u fahana sida xaalkeenu yahay.

 

 

 

Maxaa caddeynaaye in loo fahmu sidey u fahmeen salafu-saalix?

 

 

 

Fahamka salafu-saalix in wax lagu fahmo (daliilo) badan baa laga qaatay, ahlul cilmiguna aad bey uga warameen meelaha ay kaga warameena waa badan yihiin waxa aaad ugu dheeraday ibnul-qayyim al-jawzi kitaabkiisa ‘iclaamul muwaqiciin’.

 

 

 

1. Quraan iyo axaadithta nebigu scw waa in tusayaan in ay waajibtahay in loo fahmo diinta siday u fahmeen salafu-saalix. Quraanka waxa ka mid ah “cidii rasuulka khilaafta, kadib markii uu hanuunku u cadaaday, oo qaada wadada mu’miniinta wado aan ahayn, waxa uu doortay baanu siin doona, jahanamana waanu gelin doona –nisaa 115…â€

 

Ciqaab baa loogu yaboohay waxayna ku mutaysteen iney rasuulka khilaafeen, waxana lagama maarmaan ah in ay laba shardi meesha yaalan 1) inuu hanuunku u cadaaday, hadaanu hanuunku u cadaanin masoo hoos galayaan goodingan 2)waa inay qaadeen wado aan tii mu’miniinta ahayn, intaas oo wada socdaa ayuu ka dhalanaya ciqaabka loogu sheegay aayada quraanka ah. Waxay cadeyn u tahay iney xaraam tahy in wada mu’miniita la khilaafo oo bidco iyo baadi aan diinta ku jirin lala yimaada waana waxay dad badani ku lumen. Saxabaduna waxay ahayeen dadkii joogay oo mu’miniin ahaa waqtigii ay aayadu soo dageysay.

 

 

 

2. “kuwii hormaray, ee horeeyey ee muhajiriinta iyo ansaarta kamid ahaa, iyo kuwii wanaaga sida quman ee samafalku ku jiro u raacay Illahay raali buu ku noqday, iyaguna Illahay raali bey ka noqdeen, janooyina waa u diyaariyey suratu-tawbah 100. Kuwii wanaaga ku raacay waxaa soo galaya illa qiyaamaha cidii sida quman u raacda, in ay janooyin iyo libaan helayaana waa leynoo tilmaamay, hadii arrinka noocas ah lagu libaanayo waxay tilmaamaysa oo aynu fahmeyn ain hadii laga tago racitaankooda in la khasaaraayo oo la hoogaayo sidey aayadi horeba inoo sheegtay.

 

 

 

3. “waxaad raacda wadada midka xageyga usoo noqday†suratul-luqmaan 15.

 

 

 

Shaki waxa aan lahayn in saxaabado xagga Illahay u noqdeen, sidaas awgeed in wadadoodi la raaco ayey taasni amraysaa, qacidadu waxay tahay –amarku inuu wajibnimo keensado-.

 

 

 

Axaadithta kusoo arrorteyna waxaa ka mid ah;

 

 

 

1. Rasulka waxa uu ka waramay in ay fitnooyin dhici doonan, marku sidaas sheegay baa dad badani maqli wayeen, markaasbu mucaad bin jabal yidhi WAR miyeydaan maqleyn waxa uu nebigu idin leeyahay, muxuu yidhi bey yidhahdeen kadibna mucaad waa u sheegay inuu nebigu yidhi fitno baa dhici doona, markeys bey weydiiyeen maxaanu ka yeelna waxa u ku yidh “arrinkiini hore ayaad u noqoneysaanâ€( wixii aad ku sugneydeen fitnada ka hor). In arrinkii hore loo noqonaayo ayyu tilmaamaya xadiithku, saxbaduna arrinkii hore ee ay ku sugnaayeen in loo noqdo ayyu cadeyn u yahay wana xadiith saxiix ah.

 

 

 

2. “ ummadeydu waxay ukala bixi doonta 73 qaybood, dhamaantoodna naarta ayey galayaan mid mooyaan, marki laweydiyey qaybtaas badbaadeys amida ay tahay waxa u ku jawaabay “al-jamaacaâ€, riwaayad kalena waxa sheegeysa “ waa cida ku sugan sidaan maanta ku suganahay, ee saxabadeydu ku suganyihiin†weedha adhaneysa al-jamaaca iyo cida ku sugan sidaan maanta ku suganahay…. Isma diidaysoo waayo jamaacadii markaas jirtay saxaabada ayey ahayeen.

 

Aayadaha iyo axaadithta nebiga ee ku soo arroortay raacitaanka salafka aad bey u badan yihiin intaas beynuna kaga koobsaneyna

 

1. “kuwii hormaray, ee horeeyey ee muhajiriinta iyo ansaarta kamid ahaa, iyo kuwii wanaaga sida quman ee samafalku ku jiro u raacay Illahay raali buu ku noqday, iyaguna Illahay raali bey ka noqdeen, janooyina waa u diyaariyey suratu-tawbah 100. Kuwii wanaaga ku raacay waxaa soo galaya illa qiyaamaha cidii sida quman u raacda, in ay janooyin iyo libaan helayaana waa leynoo tilmaamay, hadii arrinka noocas ah lagu libaanayo waxay tilmaamaysa oo aynu fahmeyn ain hadii laga tago racitaankooda in la khasaaraayo oo la hoogaayo sidey aayadi horeba inoo sheegtay.

 

 

 

2. “waxaad raacda wadada midka xageyga usoo noqday†suratul-luqmaan 15.

 

 

 

Shaki waxa aan lahayn in saxaabado xagga Illahay u noqdeen, sidaas awgeed in wadadoodi la raaco ayey taasni amraysaa, qacidadu waxay tahay –amarku inuu wajibnimo keensado

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Ummul Khair sis

 

Baaraka Allah feek, runtii Salafkii Saalixa ahaa qofkii usii fiirsada noloshooda, cibaadadooda, jihaadkooda iyo akhlaaqdooda waxaa ku jirta cibrado badan, annagana waxaa nala faray in aan niraah

 

Rabbigayow noo wada dambi dhaaf annaga iyo walaalahayaga nooga soo horeyay iimaanka, qalbigeennana ha u gelin dakano kuwa ku aaminay (oo dhan)

 

Haseyeeshee, raacitaan waxaa leh rasuulka Allah oo qudha, siduu Allah yidhi " Waxaa idiinku jirtay ku daysasho fiican Rasuulkii Allah, qofkii rajeynayay la kulanka Allah iyo maalinka aakhiro"

 

Mar kale oo Allah uu ka hadlay ummadihii horena wuxuu Allah noo sheegay :

 

Ummaddasina, waa mid tagtay, wexey leedahay waxeey kasbadeen, idinkana waxaad leedihiin waxaad kasabtateen, idinkana la idin weydiin maayo wexey sameyn jireen"

 

 

Hadaba, si aan u gaarno meeshay gaareen, waxaa haboon inaan wax ka qaadanno meeshay wax ka qaateen.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this