Sign in to follow this  
Maaddeey

Timir u geysaa iyo Tiin u dhigtaaba Tigree Tirtirkaageey u socdaan. Maqaal

Recommended Posts

Maaddeey   

Muqdisho, Jimce, 09 July 2010, (Hillaac.Net) Waxan Maqaalkeygan ku Billaabayaa Qiso yar oo Naxdin badan oo aan filayo in aan Aqristayaasha Boggan horay ugu soo gudbiyey, Waxay ku saabsananeyd Oday Adeerkey ahaa oo Xilligii ay Tigreegu soo galayeen Magaalada Muqdisho aad ugu faraxsanaa oo weliba sida uu Afkiisa iiga sheegay Timir iyo Raashinba ugu geyn jiray Xerooyinkooda ayaan Maaln Doodnay Annagoo Taleefan kuwada hadleyna, Waxana uu ii sheegay sida uu ugu Faraxsanyahay Ciidamada Itoobiya soo gelitaankii ay Muqdisho soo galeen iyo sida ay u edbiyeen Qabaa’il uu sheegay in Maaro loo waayey oo Kibirkoodii laga joogi waayey, Odayga intii uusan iidhameyn Hadalka ayaan Anigoo Si Xushmad badan ula hadlaya Maadaama uu Waalid ii yahay ayaan Intaan ka dhex galay Hadalkiisii isku dayey in aan ku Qanciyo in Tigreegu aaney Weerar ku ahayn Qabiil Gooni ah, Qabaa’ilka Soomaaliduna aaney Iyagu u kala soocneyn Balse ay Weerar ku yihiin Dadka Soomaaliyeed oo dhan iyo Dalkooda, Colaad, iyo Cadawtinnimo Raagtayna ay u qabaan Ummadda Soomaaliyeed dhammaanteed.

 

Odayga Dood dheer oo aanan Qoraal ku soo koobi karin baa ina dhex martay, Isagoo intii uu hadlayey oo dhan tirinayey Dhibaatooyin uu Magacaabayey oo Qabaa’il Soomaaliyeed in ay Soomaali kale u geysteen sheegayey, Waxana uu ku celcelinayey in Tigreegu aaney keeneyn Dhibaato ka badan tan Haatan Soomaalida ay ku hayaan Qabaa’ilkaas uu Magacaabayey.

Markii aan Odayga isku Daalney ayaan Hadalkii u soo koobay oon ku iri:- “WALLEE TIMIR U GEYSAA IYO TIIN U DHIGTAABA TIGREE TIR-TIRKAAGEEY U SOCDAAN”.

 

Maalintii Odaygaas Adeerkeey ah ay Dooddaasi ina dhexmartay Maalintii ku xigtay ayaa Dagaal Xun Magaalada Muqdisho ka dhacay Waxana dhacday in Meydka Tigreega la gubay oo iyadoo la jiidayo la keenay Suuqa Bakaaraha, Dabadeed Tigreegii inteey xirteen Wadooyin ay ka mid tahay Waddada Soddonka ayey Shacabkii marayey oo idil Gowraceen Gaar ahaan Shacabkii aan Colleysaneynin Tigreega ee Saaxiibka ka dhiganayey, Illeyn Iyagaa isku Aaminayey oo marayey Waddooyinka ay Tigreegu joogaane, Nasiib Xumo Adeerkeey wuxuu ka mid noqday Shacabkaas ay Tigreegu ku Bireeyeen Waddada Soddonka, Iyagoo weliba Meydadkii Dadkaas ay Bireeyeen oo uu ku jiro Adeerkeeygii Timirta u geyn jiray ay diideen in la’aaso oo Maalmo kadib ay Eeyaha ku ceneen Waddada Soddonka.

 

Haddaba Hadalkii aan Adeerkey Allaha u Naxariistee uga Waaniyey ku farxidda iyo Taageridda Tigreega ee ahaa TIMIR U GEYSAA IYO TIIN U DHIGTAABA TIGREE TIR-TIRKAAGEEY U SOCDAAN ayaan Maanta Shacabka Soomaaliyeed Mar kale ugu celinayaa, Qofwalba Isagoon Cidna u daneyn Nafsaddiisa ha’udaneeyo oo ha’ogaado in Tigreegu Cadaw u yahay Soomaalida oo dhan, Waxadna Ogaataa Xilligii Tigreegu soo galeen Soomaaliya Dadka ugu badan ee Dhibaatadu soo gaartay waxay ahayd Shacabkii aan Cadawga ka dhigan Tigreega ee la Rafiiqay, Islamarkaana maray Waddooyinkii ay joogeen, Uqaxay Dhankii ay ka xigeen, Una Mashxaradayey.

 

Shacabkii Markii Tigreegu soo galay Baraarugsanaa Iyagu Dhankoodaba kama dhawaan, Cadaw inuu yahay beey ogaayeen, Shacabkaas waxay u qeybsameen kuwo kaba qaxay Meelihii ay Tigreegu ka agdhawaayeen, Iyo kuwo kula dagaallamay Wixii Awood ah ee ay heli kareen.

 

Waan la soconnaa Tigreegu wixii ay xitaa u geyteen Xoolodhaqatadii Baadiyaha Bakool Xoolahooda ku raacanayey oo ay Waddooyinkii Baadiyaha ee ay marayeen u galeen oo ay ku Gowraceen, Waxan kaloo la soconnaa in Masjid ku yaalla Waxaracade ay sidii Xoolihii ugu dhex bireeyeen Wadaaddo Tabliiq ah oo Masjidkaas isaga Cibaadeysanayey, Waxan Xasuusannaa Dumarkii Soomaaliyeed ee Masaakiinta ahaa ee Carruurtooda la qaxayey Qaabkii Foolxumada ahayd ee ay u kufsadeen, Dabcan lama soo koobi karo Dhibaatooyinka Tiiraanyada leh ee ay Tigreegu u geysteen Shacabka Soomaaliyeed, Waxanse aan u guudmaray Dhibaatooyinkaas bal in aan Shacabka Soomaaliyeed xasuusiyo Cadawgii Jariimadaas geystay oo aysan u kala soocneyn Ummada Soomaaliyeed in Maanta ay misana Dad Soomaalinnimo sheeganaya ay ugu yeerayaan in Marlabaad ay Xasuuqaas ay horay ugu geysteen Ummadda Soomaaliyeed mid lamid ah ama ka sii xun u geystaan, Waxan Markaa Ummadda Soomaaliyeed Yar, Iyo, Weyn, Rag, Iyo Dumarba ugu baaqayaa in ay Dagaal kala hortagaan oo ay ogaadaan in Tigreegu ay Gurigiisa ku dhex bireynayaan kan mooda in aaney Tigreegu isaga u socon, Intii Gurigaaga lagugu dhex dili lahaa, Ama Masjidka Adigoo ku jira lagugu dhex bireyn lahaa soow kama habboona in aad gobannimo ku dhimato oo Adigoo la Dagaallamaya Injirleeyda aad ku dhimato haa, haa, Alleylehe Haa, Kuwa Iyagu Timirta u geynaya ee Tigreega Walaashanaya Kuwaas iyaga Waqtiga u daa, Hilibkooda Tigreegu Ceyriinka haku cuneen!!.

 

W/Q:- (Shukri Xassan, Shukri Yareey).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxay ku saabsananeyd Oday Adeerkey ahaa oo Xilligii ay Tigreegu soo galayeen Magaalada Muqdisho aad ugu faraxsanaa oo weliba sida uu Afkiisa iiga sheegay Timir iyo Raashinba ugu geyn jiray Xerooyinkooda ayaan Maaln Doodnay Annagoo Taleefan kuwada hadleyna, Waxana uu ii sheegay sida uu ugu Faraxsanyahay Ciidamada Itoobiya soo gelitaankii ay Muqdisho soo galeen iyo sida ay u edbiyeen Qabaa’il uu sheegay in Maaro loo waayey oo Kibirkoodii laga joogi waayey,

Dad badan oo aan Nayroobi ku arkay ayaa aragtida uu odeygaas lagu sheegay la qabay oo waagaas Xamar joogay. Waxee sabab ugu dhigeena sida uu odeyga ugu sabab yeelay. Su'aasha waxee tahay maxaa ugu wacan, maxaa naceybka ee Soomaali u qabaan heerkaas gaarsiiye oo ay Xabashada soo galitaanka magaalo madaxda ugu farxeen. Jawaabta wey iska caddahay.

 

Dad ayaa la caburin jiray xoriyadooda. Qaarkood 'looma'ooyaan' loo bixiye. Qaarkood guryahooda laga heystay. Qaarkood maalin cad la iska toogan jiray, kii wax dilayna maalin walba jidka iskaga lugeyn jiray, wax soo qabanaayo jirin. Intaas dhan waa kaa awood badnahay camal, Eebbaa awood lahee.

 

Isla dad kalaa Nayroobi ku arkay oo kasoo qaxay Xabashada laakiinse dhibaatadooda iyo qaxooda kaliya bilowday in early 2007. Markee 'qaxa' iyo ibtilada kale ka hadlaayaan waxee ka hadlaayaan after late 2006, oo wixii inteenan Xabashada Xamar soo galin ka horeeyeba dhib uma arkeynin oo raaxo ayee ku jireen, guryo dadoowna waala iska deganaa.

 

Marka odeygaas iyo dad badan inay sidaas qaldan u fikiraan dad ayaa ku kasbay, sandulisna ku noqday, Soomaalinimooda iyo toodabana caburiye. Marka lama yaabaayi inay saas isku aragti ku ahaadaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this