Sign in to follow this  
The Hermet

Head Of Somaliland Army: Gives Live Interview In Central Buhoodle

Recommended Posts

Taliyaha Guud Ee Ciidamada Qaranka Oo Ka Hadlay Dagaalkii Ay Kula Wareegeen Buuhoodle, Sheegayna Inay Khasaare Laxaadle Gaadhsiiyeen Maleeshiyaadka Nabad-diidka ah

Buuhoodle (Ramaas) Jan 15,2012 – Taliyaha guud ee ciidamada qaranka Somaliland Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif) oo hogaaminaya ciidamada awooda Milatari ku qabsaday Magaaladda Buuhoodle ayaa ka hadlay xaaladu sida ay tahay.

 

Taliyaha oo caawa ku sugan gudaha Buuhoodle ayaa sheegay in Maleeshiyaadkii dagaalka la galay ciidamada qaranku ay Magaaladda uga yaaceen meel dhinaca bari ka xigta Buuhoodle, amaanka guud ee deegaankaasna ay gacan buuxda ku hayaan ciidamada qaranku.

 

Taliye Jidhif waxa uu sheegay in ciidamada qaranka aanu soo gaadhin khasaare laxaadle, marka laga reebo lix askari oo dhaawac fudud soo gaadhay, balse ay maleeshiyaadka dagaalka la galay ay ka gubeen gaadiid badan oo kuwa dagaalka ah “Hadda waxaan kaala hadlayaa Buuhoodle oo aan joogaa.”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Anaga wax khasaare ahi nama soo gaadhin, waxa kaliya oo naga dhaawacmay lix askari, laakiin waxaanu ka gubnay Maleeshiyadda Magaaladda ka yaacday lix baabuurta dagaalka ah (tikniko)”

 

Ciidamada qaranka ayaa la filayaa inay hore uga sii ruqaansadaan Magaaladda Buuhoodle, isla-markaana hore ugu sii socdaan fadhiisimaha ay ku dhuumanayaan kooxaha nabad-diidka ahi.

 

 

 

Ramaasnews Desk

 

Hargeisa

 

Source: SLNTV:cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this