Sign in to follow this  
FreshPrince

Hadii Beeshaydu Tashatay Maxaa Loo Daba Socdaa

Recommended Posts

Waxaa wax lala yaabo ah hadaladda ay ku hadaaqayaan siyaasiyiinta iyo waxgaradka kasoo jeeda goboladda waqooyi galbeed, hadaladaas aan macnha ku fadhiyin waxay dhawaan ka soo yeedheen shakhsiyaad saaxadda siyaasadda soomaalida magac ku leh, Xaaji Cabdi Waraabe iyo Faisal Cali Waraabe, Xildhibaan Dhugad, hadalooda waxaa ka mid ahaa (a) Dhulku ma guuro ee dadkaa guura, (b) midnimadda soomaliland waa muqadas © beelaha SSC waa somaliland, iyo (d) dowlad baanu nahay, anigoo arimahan sii bayaaminaya waxaan u sheegayaa dadyowga ku dhaqan goboladda waqooyi galbeed:

 

(a) Dhulku ma guuro ee dadkaa guura!

 

waxaan idin waydiinayaa marka hore magaca ama jamhuuriyadan aad sheeganaysaan yaa bixiyay? hadii jawaabtu tahay waxaa bixiyay gumeysigii Ingiriiska oo ku aadaneyd 1884, dhalashadda ama jiritaanka beelaha SSC way ka horeysay taariikhdaas, geelasha beelaha SSC waxay daaqi jireen duleedka Burco, gumeysigii markuu yimid dalkeena degaano badan oo reerku lahaa ayuu ka barakiciyay, midna ku darsoo gumeysigii ingiriisku dhul uu tuurta ku siday ma keenin, dhulalkii soomaalida ayuun buu kala qeyb qeybiyay, markuu qeybinayayna ujeedadiisa ugu weyni waxay is hayeen gumeysiyadii kale talyaaniga iyo faransiiska, waxayna ku heshiiyeen inay xeydaamo ama xuduudo kala sameystaan oo dowlad waliba qeyb soomaaliya ka mid ah gumeysato, markaa beelaha SSC way ka diideen qeybqeybintaas, waxayna kala hortageen dagaal faraha laga gubtay oo daraawiishtii hormuud u ahayd, taasina waa tii markii ugu dambeysa dhaxalsiisay inay dalka ka baxaan, midna taladda ku darso wixii aanu gumeysigii ingiriiskii 100 sandood ka hor ka diidnay maanta qabiil yar oo nala mid ah ka yeeli mayno in dalka la kala qeybqeybiyo

 

(b) Midnimadda Somaliland waa muqadas!

 

Beelaha SSC hore ayay u diidanayaan magac bixinta somaliland, hadiise aan tiina idiin raaco, markaad leediyiin midnimadda somaliland waa muqadas, meeday midnimimadii soomaaliyeed ee ka xoog weyneyd ee muqadaska ahayd, jabhado hubeysan ayaa baabiyey, hadaad tihiin beelaha SNM, dowladii soomaaliya waxaad tiraahdeen waa macangag, waa kaligii talis, iwm, Maxaad ula dagaalameyseen, ujeedadu waxay ahayd inaad dhulkiina taladiisa u madax banaanaataan sow maha, hadaba SSC waxay maanta dooneysaa inay taladda deegaankooda u madax-banaanaadaan, mid kale taladda ku darso xeerarka UN-ta yaalla waxaa ku qoran in soomaaliya dowladi ka jirin laga soo bilaabo 1991, balse hadda ay jirtaan maamul goboleedyo, maamuladaasna waxaa sameystay qabaail, qabaailkuna xaq bay u leeyihiin inay danahooda ka tashadaan..

 

© Beelaha SSC waa somaliland

 

Waxaan u kala garan la'ahay inaad riyooneysaan iyo inaad waalantihiin hadaad tihiin Beelaha Waqooyi Galbeed dega, markaad leedihiin, Beelaha SSC waa soomaliland, waxaad ogaataan inay naan dhalasho wadaagin, balse taladda ku darsoo kuwii aanu ka tagnay (puntland) ayaa dhalasho nooga kiin dhow, dhul idinkama haysano oo deegaanadayagii weeye waxaanu maanta maamulka u sameynaynaa, ingiriiskiina sidaan hore idiinku sheegay isagoo dhul tuurta ku wada dhul ma iman, markii xornimadda uu gumeysigu siinayay goboladda waqooyi ma odhan qabiil hebel baa qabiil hebel ka masuul ah, mana odhan qabiil hebel ayaa somaliland gaar u leh, hadaan tiina idiin raaco, somaliland waxaa wada dega gudabiirsi, warsangali, ***********, ciise, *****, iyo *********ka, qolo waliba iyadaa u xor ah danaheeda iyo mustaqbalka deegaankeeda, qolana inay qolo kale gumeysato laga yeeli maayo, beelaha ***** si gooni ah somaliland uma laha, waa la wada leeyahay, hadiiba heshiis hore jiray in maamul la wada dhisto, tii maanta way socon wayday, oo maamulkii aad sheegtid ee 1991 lagu dhawaaqay waxaa kali u maroorsatay beelaha *****, markaa beelaha ******** iyo *********** iyo warsangali xaq bay u leehiin inay maamul deegaankooda ah sameystaan.

 

d) Dowlad baanu nahay

 

Dowlad hadaad tahay suaasha meesha taalla waxaa weeye yaad dowlad u tahay? jawaabteedu waxaa weeye dadkiina (*****) baad dowlad u tihiin ee soomaalida iyo qabaailka kale dowlad uma noqon kartaan, markii hore Jabhad SNM baad ahaydeen, hadana maamul baad u xuubsiibateen, soomaliyana dowladi kama jirto noocaydoontaba ha ahaatee, qabiilna qabiil kale dowlad unoqon kari maayo, maanta waxaa soconaya wixii shacabku ogol yahay, markaas waxaan idiin soo jeedinayaa inaad degaanadiina dowlad u noqotaan, hadaad leediyiin beelaha SSC waxay ku jiraan maamulka somaliland, taas jawaabteedu waxaa idinka (*****) waxaa jira xildhibaano iyo wasiiro DKMG idinkaga jira oo aydaan tirsan, kuwa hargeysa joogaana waxay noola mid yihiin kuwiina mugadishu u shaqo tahay.

 

Ugu dambeyn waxaan idin kula talinayaa inaad fahantaan waaqa dhabta ee jira, *********** waa ***********, waana *****, waana *******, wuxuu ka soo jeedaa beel sal weyn, waad arkeyseen maamulka taleex lagu dhisayo waxaa laga taageeray Badhan, Garoowe, Mugadishu, iyo Kismaanyo, mid kale taladda ku darsadoo maamulkiina intaasna midna lagama taageerin, hadalkii waxaan ku gabagabeynayaa weedhii uu maalin dhaweyd lahaa Ismaaciil Buubaa, waad go'doonsan tihiina waligiin ku jira go'doonkaas hadii kale soomalida dhinac ka raaca.

 

Maxamed jama

Share this post


Link to post
Share on other sites

intay sheegeen ba maqaalku ma burin waana dhab:

 

1- dhul ma guuree dad baa guura waa dhab

 

2- somaliland waa muqdasana waa dhab

 

3- SSC na waa weyb ka mid ah somaliland.

 

kuwan iska cadaadaya ee weli cudurkii kacaanka qabana loo joojin maayo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

:D its so poetic. our people are so creative ilahay kheyr ha siiyo.

 

jawaabti meeday? Hadii Somalia laga goiyo, Somaliland waa laga goiyaa.etc, etc

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dadkaygu haduu tashaday

maxaa loo daba socdaa

 

 

Waa hees qiiyo iyo qaayo ku leh Somaliland ..... Kuwa caruurtooda qalanaya Allah ha soo hadeeyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this