Sign in to follow this  
Dr_Osman

Bosaso: 300 New Generation IT Students Graduate. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

300- oo Arday ayaa ka qalin jebiyey Machadka barashada Xirfadaha ee New-Generation Boosaaso

 

Updated:- 6 hours ago| 1 Commnets

 

Munaasabad balaaran oo shahaadooyin iyo abaal marino lagu gudoonsiinayey arday ka qalin jebisey Machadka barashada xirfadaha ee New-Generation ayaa galabta ka dhacday Hoolka shirarka ee Hotel Panorama ee magaalada Boosaaso.

 

Xafladaas oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka waxbarashada ee gobolka, waxgarad, waalidiin iyo marti sharaf kale oo badan.

 

Ugu horeyn waxaa halkaas ka hadlay maamulaha Machadka New Generation Feysal Cabdi Cartan wuxuuna sheegay in ujeeda xafladan loo qabtay ay tahay qalin jebinta dufcadii 2-aad ee arday ah ee Machadkaas ka baxda iyo weliba abaal marinta ardaydii ku guuleystey tartan garaaca Computerka ah oo uu machadku qabtay.

 

Wuxuu sidoo kale sheegay in Machadku uu dadaal badan ku bixiyey sidii ardayda looga dhisi lahaa dhinaca garaacista Computerka maadaama ay muhiim tahay in qofka Computerka bartaa uu si fiican wax ugu qori karo.

 

Shemis Muuse Maxamed oo ka socotey gudoonka waxbarashada ee gobolka bari oo iyaduna munaasabadaas kasoo qayb gashay ayaa ka hadashay muhiimada ay barashada xirfaduhu dhalinyarada iyo qaybaha kale ee bulshada u leedahay.

 

Waxayna sidoo kale sheegtay in gudoonka waxbarashadu ay ku faraxsan yihiin islamarkaana ay soo dhoweynayaa waxbarashada uu Machadkaasi bixiyo iyo weliba sida ay maamulkiisu ugu heelan yihiin inay soo saaraan jiil cusub oo wax bartay.

 

Mas’uuliyiin badan ayaa madashaas ka hadlay waxaana ugu danbeyntii abaal marino isugu jirey koob iyo shaqo la gudoonsiiyey labo arday oo ku guuleystey tartan garaaca Keyboardka Computerka ah oo uu Machadku qabtay laguna kala magacaabo Siciid Yaasiin Faarax iyo Faadumo Muuse.

 

Waa dufcadii 2-aad ee arday ah ee ka qalin jebiya Machadka barashada xirfadaha ee New-Generation waxayna tiradoodu ahayd 300 arday kuwaas oo la baray qaybaha Computerka ee kala ah Software Programs iyo Hardware.

 

Horseed Media

 

DSCN1176.jpg

DSCN1183.jpg

DSCN1188.jpg

DSCN1190.jpg

DSCN1220.jpg

DSCN1232.jpg

DSCN1239.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Thats 300 IT students specialising in Software and Hardware Development in the Bosaso Market. Encouraging Skill growth in Puntland is a must so we can become self-sufficient

Share this post


Link to post
Share on other sites

uchi;771282 wrote:
...what is with all the ninja outfits? When did Alshabab cross the border?

hahaha that's was funny. but on a serious note, it's not a ninja outfit, rather military one. the avatar choice for sol is limited and i picked the less boring one. on a brighter note, down with alshabab. :mad:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this