Sign in to follow this  
General Duke

PM Abdiweli and delagates land in Beledweyne capital of Hiiraan region...

Recommended Posts

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wefdi uu horkacayo oo gaarey magaalada Beledweyne

 

Updated:- 6 hours ago| 6 Commnets

 

Waxaa saaka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan gaarey wefdi heer sare ah oo uu horkacayo Ra’iisul wasaaraha DKG ah ee Soomaaliya Prof. Cabdiwele Maxamed Cali.

 

Wefdiga Ra’iisul wasaaraha oo si diiran magaalada Beledweyne loogu soo dhoweeyey ayaa kasoo degey garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif halkaas oo ay diyaarad gaar ahi geysey.

 

Wefdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa qayb ka ah Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka gaashaan-dhigga Xuseen Carab Ciise, Wasiirka wasaarada qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga ah Cabdilaahi Goodax Barre , Taliyaha ciidamada xooga dalka iyo mas’uuliyiin kale oo badan.

 

Ra’iisul wasaaruhu inta uu magaalada Beledweyne joogo waxa uu kulamo la qaadan doonaa saraakiisha ciidamada DKG iyo kuwa Itoobiya ee dhowaan gacan ku haynta magaaladaas Al-shabaab kala wareegey.

 

Sidoo kale Wefdiga Ra’iisul wasaaruhu waxa ay la kulmi doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Beledweyn, ujeedada socdaalkooduna waa sidii ay ugu kuur geli lahaayeen xaalada magaalada Beledweyn kadib markii ay Shabaabku ka bexeen.

 

Waa markii ugu horeysey oo qaar kamid ah Mas’uuliyiinta ugu sareeya DKG ah ee Soomaaliya ay magaalada Beledweyne gaaraan kadib markii horaantii todobaadkan xoogaga Al-shabaab laga saaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ay in mudo ah ka ariminayeen.

 

 

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faahfaahin Safarka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ku yagay Baledweyne

 

Posted by Pi on January 6th, 2012

Baledweyne(Pi) Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ay waheliyaan wafti uu kamid yahay Wasiirka Gaashaandhiga Xuseen carab Ciise ayaa saaka barqadii booqasho ku tagay magaalada Baledweyne, waxaana halkaas ku soo dhaweyey masuuliyiin ka tirsan Dowlada iyo shacab fara badan.

 

 

 

Ra’iisal wasaaruhu wuxuu booqdey xarumo ay kamid yihiin Jamacada Magaalada Baledweyne iyo Ciidamada Soomaaliya ee halkaas jooga iyo cutubyo ka tirsan Ciidamada Itoobiya.

 

Dhinaca kale shacabka Gobolka Hiiraan ayaa soo dhaweyey booqashada Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Nabadoon Faarax Cabdi Waare oo ka mid ah waxgaradka Baledweyne ayaa sheegey inuu aad ugu faraxsan yahay booqashada waftigaan, wuxuuna carabaabay in ay guul usoo hoyatay shacabka Gobolka Hiiraan, wuxuu kaloo yiri waxaan ku rajawaynahay in goobaha dhiman ee gobolka ay gaari doonaan Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

 

Sawirada booqashada Ra’iisal wasaaraha waan soo gudbinaynaa mardhow

 

Puntlandi.com

 

Baledweyne

Share this post


Link to post
Share on other sites

R/Gaas oo booqasho kadis ah ku tagay Baladwayne; AMISOM oo la wareegysa ganac ku haynta magaalada.

 

Fri, 06 Jan 2012 10:31:07 -0500 am -05:00 -18000

Baladwayne, Jan 06 - Ra'iisul-wasaaraha dawladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali-Gaas ayaa maanta booqasho aan la sii shaacin ku tagay magaalada Baladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan.

 

Booqashada oo ah mid naadir ah ayaa waxa ra'iisul-wasaaraha ku wehiliya xubno sar-sare oo isugu jira xukuumadda iyo ciidamada qalabka sida. Baladwayne oo ahayd meel ka mida xarumaha ay ugu xoogga badan yihiin kooxda Alshabaab ayaa waxa todobaadkan la wareegay ciidamo isku dhafan oo ka kala socda kuwa dawladda federaalka KMG ah iyo ciidamo-goboleedyo ka soo jeeda degaanka, kuwaas oo garab wayn ka helayay ciidamada Itoobiya.

 

Wafdiga ra'iisul-wasaaraha ayaa la filayaa in ay wadahadallo layeeshaan saraakiisha ciidamada ku sugan Baladwayne iyada oo ay xukuumadda Gaas dhowr jeer ku celcelisay in ay sugi doonaan qorsheyaal maamulna u samayn doonaan goobaha laga saaro kooxda Alshabaab.

 

Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Africa ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ee ku sugan Hiiraan ay maamulka magaalada ku wareejin doonaan ciidamo ka socda AMISOM. Lama sheegin xilliga uu isbaddalku dhici doono.

 

Baladwayne waa magalaadii ugu dambaysay ee kusoo wareegta gacanta dawladda tan iyo intii uu biloowday gulufka culus ee lagu ekkeeyay kooxda Alshabab oo tan iyo xilli dhawayd ka talin jirtay inta badan koonfurta Soomaaliya.

 

Diiwaanka wararka,

Daljir

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra'iisul Wasaaraha Somalia iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka dagay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan

 

Jimco, Jannaayo 06, 2012 (HOL) − Ra’iisul wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaweyd gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaddib markii ay saakay ka dhoofeen Muqdisho.

 

Wafdigan oo ay ka mid yihiin: wasiirka gaanshaandhigga, wasiirka warfaafinta, wasiirka shidaalka, taliyaha milateriga Soomaaliya iyo xildhibaanno ayaa waxaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Baladweyne saraakiil ka tirsan DKMG ah iyo kuwa maamulka dooxada Shabeelle.

 

Ra’iisul wasaaraha iyo wafigiisa ayaa lagu wadaa inay booqdaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada Itoobiya iyo kuwa la socda oo horraantii todobaadkan kula wareegay magaaladaas dagaal ay la galeen Xarakada Al-shabaab oo ka talin jirtay.

 

Waxaa lagu wadaa in Dr C/weli Gaas iyo wafdigiisu ay u kuurgalaan xaaladda hadda ka jirta Baladweyne iyagoo la kulmi doona inta ay safarka ku joogaan degmadaas saraakiisha hoggaaminaya ciidamada Itoobiya.

 

Sidoo kale, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa waxay tegi doonaan xeryaha ay ku jiraan dadka barakacayaasha ah si ay ugu kuurgalaan xaaladaha ay ku nool yihiin.

 

Inkastoo aan la sheegin inta ay qaadan doonto booqashada wafdigan ayaa waxaa haddana ay noqonayaa wafdigii ugu sarreeya ee ka socda dowladda KMG ah oo booqasho ku taga degmo ku taalla bartamaha Soomaaliya.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

aah faahin kasoo baxaysa wafdiga C/wali ee gaaray Baladweyne

 

Baladweyne: (Sh. M. Network) Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne oo dhawaan ay la wareegtay dowladda kuwaasi oo kulamo la qaatay Saraakiisha halkaasi gacanta ku haya.

 

C/wali Max’ed Cali Gaas, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo saaka diyaarad nooca Helicopter-ka ka raacay Garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa la tilmaamay in ay gaareen magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.

 

Socdaalka Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ku wehlinaya xubno ka tirsan Golaha wasiiradda oo ay ka mid yihiin Wasiirka gaashaandhiga ahna ra’iisul wasaare ku xigeen Xuseen Carab Ciise, wasiirka Warfaafinta C/qaadir Max’ed Xuseen (Jahween) iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada barlamanka Soomaaliya.

 

Ra’iisul wasaaraha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa magaalada Baladweyne kusoo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya, Maamulka Dooxada Shabelle iyo Saraakiil ka tirsan ciidamada Ethiopia oo dhawaan halkaasi kala wareegay Xarakada Al Shabaab.

 

Wafdiga ayaa waxaa loo galbiyay Jaamacadda Hiiraan University ee magaalada Baladweyne halkaasi oo la sheegay in Ra’iisul wasaaraha uu kulamo kula qaatay Mas’uuliyiinta gacanta ku haya magaaladaasi.

 

Sababta C/wali iyo Wafdigiisa ay u gaareen magaalada Baladweyne ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay si ay indha indheeyaan xaaladda magaalada islamarkaana wada hadalo ku saabsan xoojinta amaanka magaaladaasi ay ula qaataan Saraakiisha gacanta ku haya Baladweyne iyo in Al Shabaab laga saaro guud ahaan gobolka Hiiraan.

 

Waa markii ugu horaysay oo mudo ka badan hal sano Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ay gaaraan magaalada Baladweyne waxii ka dambeeyay markii wasiirkii amniga Qaranka Cumar Xaashi oo ka tirsanaa Xukuumadii Sharma’arke lagu dilay weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday Hoteel uu kaga sugnaa magaaladaasi.

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxaa kasoo baxay kulamadi uu la qaatay Ra’isulwasaaraha qeybaha kala duwan ee bulshada Baladweyne

Updated About:3 hours ago0

 

Wafdigi uu hogaaminayey ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay dib ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho kadib marki ay Baladweyne kula soo kulmeen qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saraakiisha ciidamada.

 

Ra’isulwasaaraha iyo afar ka mid ah golihiisa wasiirada iyo taliyaha ciidanka milatariga ayaa waxaa ay kulamo kala duwan kula qaateen xarunta jaamacada Hiiraan ee magaalada Baladweyne, saraakiisha ciidamada Soomaalida ee taageersan dowlada iyo kuwa Itoobiya, sidoo kale waxay la kulmeen maamulka magaalada iyo qeybaha bulshada.

 

Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya Xuseen Carab Ciise oo qeyb ka ah safarka ra’isulwasaaraha ayaa sheegay in kulamada ra’isulwasaaraha ay kusoo dhamaadeen sidi loogu tala galay.

 

Wuxuu sheegay in ay kala hadleen sidi loo sugu lahaa amaanka, iyo sidi ay ciidamada is garabsanaya usii wadi lahaayeen howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab.

 

Daqiiqadaha soo aadan ayaa lagu wadaa in wafdiga Ra’isulwasaaraha ay kasoo raacaan garoonka magaalada Baladweyne laba diyaaradood oo ah nooca Helikobtarka ah dibna ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho.

 

 

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this